Home » Warar »

Maryan Xasan Xiireey “Markaan Ka soo Naaxay DHaawacii I gaaray waxaa la igu Wargeliyey in Ninkeygii i furey”

Todobaadkii la soo dhaafay aniga oo ku sugan Xafiiskeyga waxaa iigu soo gashey Gabar Garbaha la hayo, waxaan da’adeeda ku qiyaasey 24 jir, waxay iila muuqatey Gabar Qaarka dambe laga hayo salaan iyo isbariideysi ka dib waxaan bilaabey in aan wareysto.

Waxaan weydiiyey ujeedkeeda? waxay tiri iyadoo markaa uu xanuun hayo “Walaal Waxaa la I yiraahdaa Maryan Xasan Xiireey, dad baa ii kaasoo tilmaamey in aad wax ka qorto inta badan arimaha Bani’aadanimada, marka sidaa ayaan kuugu imid kuna darso in aan muddo ku raadinayey” Waxaan kaloo weydiiyey waxa ay hadda u baahan tahay in aan u qabto? waxay ku jawaabtey “Walaal waxaan doonayaa in aad ii qaylo dhaamiso si aan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibadiisa aan Caawin uga helo”

Waxaan weydiiyey Goortay Dhaawacantay? waxay ku jawaabtey ““Waxaan ku dhaawacmay rasaas ay fureen Ciidamadii Itoobiya 2009-dii anigoo ka adeeganaya Suuq Bacaad oo hadana Uur leh, waxay wax iga gaareen labada lugood, waxaan soo naaxay anigoo aala Isbitaalka Kaydsaneey, wax yar ka dib markii uu Miyirkeyga soo laabtey waxaa la igu wargeliyey in Ninkaygii i furay sababo la xiriira dhaawacayga oo aad u cuslaa, waxay ahayd hadal aan maqlo kii ugu qaraaraa sababtoo ah aniga caruurtayda Alle ka sokow isaga ayaan ku tiirsanayn”. Waa ay sii hadshey Maryan oo waxay tiri
image
“Dhibaatadaas waxaan la soo kufoo kacaba waxaan aakhirkii la dagey Hooyadey oo degeneyd Suuqa Xoolaha waxaana intaa noo sii dheereyd in aan hadba Magaalada dhinac ugu barakacno, haatan waxaan ku noolnahay Ex- Kontorool Afgooye Inagoo Guri Cooshado ka Sameysan ku jirno, halkaas ayaan maalina ku quudanaa maalina ku qadnaa”. Waxay ii sheegtey Maryan in Sadex Caruur ah oo ay dhashey ay Laba ka mid ahi ka Saqiireen midna uu la nool yahay.

image

Gabagabdii Gabadhaasi Dhiban waxay tiri. “Waxaan ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed ee wax haysata iyo Hayadaha Samafalka gaar ahaan ururada Haweenka in ay iga Caawiyaan sidii aan ku heli lahaa Caafimaad Dalka Gudihiisa ama Dibadiisa, waayo Dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen in Dhaawaceyga wax laga qaban karo hadii la helo dhaqaalihii lagu maareyn lahaa”.

Hadaba Cidii dooneysa in ay Caawintaa Gabadhaas Dhaiban ha kala soo xiriireen

Maryan Xasan Xiireey
Tel 00252615529437
Muqdisho…

###

.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.