Home » Warar »

Aargoosiga Amisom iyo Aamusnaanta Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne qofna kaama sugeynin in aad ka aamusi doontid labadii dhacdo ee murugada badnaa ee 20 maalmood gudahood ka dhacay magaalada Marko oo midii ugu dambeysay ay dhacday 4 maalmood ka hor taas oo ay Amisom ku xasuuqday qeyb ka mid ah shacabka aad madaxweynaha u tahay laakiin nasiib daro wey dhacday.image

Markii aad maqasho sida ay u dhaceen labadii dhacdo ee magaalada Marko ama aad la xiriirto dadka reer Marko oo ay kaaga sheekeeyaan sidii ay wax u dhaceen waxaa durba kugu soo dhacaya (Waa kuma madaxweynaha shacabkaan, waase nuucee doorka masuulkan? .

Macalin Gacameey iyo 4-tiisii wiil ,abtigood iyo wiil marti u ahaa ayey Amisom ku xasuuqay gurigooda oo ku yaalay bartamaha magaalada Marko,sidoo kale saddex asbuuc ka hor 5 qof ayeey ciidamada Amisom ku xasuuqeen hal goob isla bartamaha magaalada Marko ,waxaa ay mar marsiyo ka dhigteen iney shabaab yihiin laakiin taas cadeyn looma hayo.

Meydka shacabkaas waxaa uu banaanka yaalay 6 sacadood oo xiriir ah oo loo diiday dadka magaaladu in ay aastaan “ Waxaan u tagnay ciidamo Soomaali ah waxaan ku dhahnay madaama aad walaalaheen tihiin soo baxa oo nagala hadla Amisom si aan meydka u aasano laakiin waxaa ay dhaheen waan ka baqeynaa warna nagama yeelayaan ee iyaga iska barya” ayey tiri haweeney Marko joogta oo la hadashay idaacadda Kulmiye oo ah idaacadd maxali ah oo Muqdisho ku taala.

Ma qoyska oo dhan ayaa shabaab ahaa?,sidee loo xasuuqi karaa dad aan xitaa hal bistoolad heysan oo lasoo xiri karo hadii laga shakiyay?,Ma saxbaa in qof kasta oo laga shakiyo la dilaa? Ma jirtaa sabab u gaar ah Amisom oo ku riixeysa dhacdooyinka nuucan ah? Waa qaar ka mid ah su,aalaha ay nafteydu is weydiisay markii aan arkay gumaadka baahsan ee ciidamada Amisom.

Waxaa durba igu soo dhacday sheeko uu nin askari ah oo ka tirsan ciidamada xooga Soomaaliyeed uu bari iiga sheekeeyay oo uu kala kulmay sargaal Ethopian ahaa iligii Dowladii madaxweyne C/laahi Yuusuf waxaana ay aheyd “Sargaal Ethopian ah ayaan ku iri dadka shacabka ah yaanan xabadaha la beegsan ee aan raadino cadowga markaas ayuu jeebkiisa kasoo bixiyay 2 kun oo shilin Soomaali ah kadib wuxuu igu yiri maxaa farqi ah oo u dhaxeeya labadan kun kadib waxaan ku iri waxba markaasbuu igu yiri Soomaalida oo dhan waa isugu keen mid waxba nooguma kala duwanidiin”.

Ujeedada aan qisadaan u xasuustay waa in Amisom ay raadineyso in shacabka Soomaalida laga jaro wixii ay Al Shabaab dhowaan ka geysteen deegaanka Leego ee gobalka Sh/hoose markaas oo ugu yaraan 80 ka tirsan ciidamada Amisom lagu dilay hal xero.

Markii ay labadan dhacdo ka dhaceen Marko waxaan filayay ugu yaraan cambaareyn ka timaada madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo inuu ka xun yahay dhibaatada shacabka,maamlo ayaan sugay laakiin waxba dhankiisa kama imaan kadib waxaa golaha wasiirada Somalia oo shir isugu yimid ay gudi baara u saareen arintaan laakiin kuma jirin hadal adag ama wax cambaareyn ah oo muujinaysa in ay Dowladda Somalia ka xuntahay gumaadka shacabka Marko loo geystay.

Aaway oraahdii madaxweynaha ee tacsida iyo camaabreynta isugu jirtay iyo waliba la xisaabtanka shisheeyaha dhowrka magac ku jooga Somalia.

Away Baarlamaankii sheegan jiray in ay shacabka matalaan maxey uga hadli waayeen arintaan mise lacag laguma helaayo shacabka oo loo doodo? waliba ku darso qodob ka mid ah dastuurka qabyada ah ee Dowladda Somalia ayaa dhigaya in aan qofna la dili Karin bilaa maxkamad.

Laga yaabee in ay jirto sabab baqdin galineysa Madaxtooyada ,Xukuumada iyo Baarlamaanka Somalia oo keeneysa in aaney la xisaabtamin Amisom ama shisheeye kale laakiin waa in ay ogaadaan in ay ceeb ku tahay iney sheegataan in ay madax u yihiin dad aaney xitaa codkooda ku difaaci karin.

Waxaa jirta hees ay wada qaadaan Hibo Nuura iyo Cabdi Muxumud Amiiin qeyb ka mid ah heestaas waxaa ay leedahay “ Ruux hadii la doortoo darajadii lasaariyo xilkii daryeeli waaya dab dhax mooday weeyaan”.

Bulsho badan oo Soomaali ah ayaa aamisan in hadii aan midan laga dhiidhin oo Dowlada Somalia iyo shacbkuba aaney Amisom runta usheegin ay sii xoojin doonto gumaadka ay shacabka ku heyso Amisiom ee aargoosiga umuuqda.

Dadka reer Marko ee dulmiga iyo gumaadka loo geystay ee dhibanayaasha ah waxaan shaqsiyan u dirayaa tacsi waxaana allah uga rajeynaya in ay xaqooda helaan, bahda saxaafadda waxaan ka rajeynaya in ay qalinkooda shacabkooda ku difaacaan insha allah.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Aargoosiga Amisom iyo Aamusnaanta Madaxweynaha Soomaaliya "

  1. Osman says:

    Asc all asxaabta dhamaan dhacdadaan waa midkamid ahxadgudubka xaquuqda aadanaha ee kadhaca Somaliya waa maxay sababta Amisom aan loocanbaaraynayn oo loocambaareeyaa ciidanka somalida ah timirba lafbaa kujirta Amisom danta umuda kumajirto oo wey kaleexdayn shqada loo igmaday pls aan dunida tusno kuwaan kutumanaayo xaquuqda aadnaha welib si sharuud la aan ah
    waa igatalo
    Mahadsanidiin