Home » Warar »

Dalladda SOSCENSA oo si Kulul u Cambaareysey Xadgudubyada Ciidamada Amisom u geytaan Shacabka Soomaaliyeed

Dalladda Jilayaasha aan Dowlaiga ahayn ee SOSCENSA ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya war Saxaafadeed ay soo saartey waxay ku Cambaareysey Dhacdooyin is xig xigay ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Amisom ku laayee n dad Rayid ah oo aan waxba galabsan
image
Dhacdooyinkaas Murugada leh waxay Taariikhdu markey ahay 21 July 2015 ka kala dhaceen Gobolada Shabeelada hoose , Banaadir iyo Bakool dadka ku waxyeeloobeyna waxay kor u dhaafayaan ilaa 50 qofood , Dhacdooyinkaas Xanuunka leh waxay ka careysiisey Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo sidoo kale SOSCENSA waxay Cambaareyneysaa Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Ciidamada Amisom ee Sheegaya in aysan u geysan Xadgudub iyo Xasuuq dad Shacab ah warkaas oo ay SOSCENSA ku tilmaantey mid xaqiiqda ka fog runna aan ku saleysneyn

Dalladda SOSCENSA waxay ugu baaqeysaa Dowladda Fedeaalka , Midowga Afrika , IGAD , Ururka Midowga Yurub iyo guud ahaan Dowladaha Caawiya in ay cadaadis ku saaraan Taliska Ciidamada Amisom in si deg deg ah loo so xiro saraakiishii ka dambeysey Xasuuqa loo geystey Shacabka Soomaliyeed kaasoo ka dhacay Gobolada aan kor ku soo sheegney islamarkaana Baaritaan Madaxbanaan lagu sameeyo Xadgudubyada loo geystey dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in Xadgudubyada noocaas aysan mar kale u soo noqon.

Dhinaca kale Dallada SOSCENSA waxay Diyaar u tahay iney Xakuumada Federaalka iyo Midowga Afrika kala shaqeyso sidii gargaar loo gaasiin lahaa dadka ka soo Barakacay Goobaha ay dagaalad ka jiraan waxaana Warsaxaafadeedkaas ku saxiixnaa Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA Cabadulaahi Maxamed Shirwac

………….

Xarunta Dalladda SOSCENSA oo lagu qabtey Kulan la Tashi ah oo ku saabsan Hiigsiga 2016.

Kulankani oo ay soo agaasimeen Hay’adda Jilaayasha aan dowliga aheyn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya SOSCENSA ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada ku nool magaalada Muqdisho Xisbiyada Siyaasada , Jaamacadaha, Ganacsatada , Uururada Haweenka iyo Marti Sharaf kale , waxaana ujeedka kulanka uu ahaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu qeyb qaadan lahaayen Hiigsiga cusub ee Saannadka 2016 marka ay Timaado Doorasho Xor ah

Kulnakaan oo ka dhacay Hoolka Shirarka ee Dalladda SOSCENSA ayaa lagu soo bandhigey Argtiyaha jira ee ku aadan Hiigsiga 2016 waxaana aragtiyadaas ka mid ah 1- Xildhibaano soo jeediyey in Muddo Kordhin loo sameeyo, 2-Iyadoo la raacayo Nidaamkii hore in la Kordhiyo Tirada Oodyaasha 3-Mucaaradka oo qaba in Doorasho la qaban karo (Proportional Election) 4- Doorasho Dhiman ( Diaspora, Degmooyinka dhiman iyo iyadoo la adeegsanayo Farsamooyinka Casriga ah sida Mobile 5- in Habraaca Hiigsiga 2016 loo maro Dowlad Goboleedyada 6- Nidaamkee ugu haboon iyadoo laga fogaanayo Cod kala Iiibsasho.

Xubnihii ka qayb galey Kulankaas ayaa si wey uga doodey Aragtiyadaas qaarkood waxay soo jeediyeen in aan la qaba Karin Doorasho maadaama uu waqtigu dhow yahay halka Xisbiyada siyaasada ee Dalka ka jira ay sheegeen in la haysto waqti ku filan oo la qaban karo doorasho loo dhan yahay Guddoomiyaha Hay’adda Jilaayasha aan Dowliga ahAyn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo markii uu soo idlaadey kulankaas la hadlay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa sheegay in shirka la isku weydaarsadey talooyin ku saabsan sida looga faa’iideysan karo Hiigsiga cusub 2016 islamarkaana loo gaari karo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor . “Hiigsiga cusub 2016 ayaan ka hadalnay oo ku saabsan sida ay bulshada Rayidka ay u qaadan lahayd doorka kaga aadan sida ugu haboon ee loo qaban karo Doorasho loo dhan yahay sidoo kale waxay Bulshada rayidka ay soo jeedinayaan in la dedejiyo wax kasta oo fududeyn kara sidii Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho waxay doonto ha noqotee “ ayuu yir Cabdulaahi Maxamed Shirwac
image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.