Home » Warar »

Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed oo War-Saxaafadeed ka soo saarey Xarigga Cabduqaadir Xasan Nuur.

Isu Tagga Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamayaa xarriga loo geysay Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed Cabdiqaadir Xasan Nuur oo ka mid ah Madaxda ururada hoos yimaada Isu Tagga Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed oo mudo ka badan Bil ku xiran Xabsiga godka Jilacow wuxuuna Isu Tagga Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ku baaqayaa in xorriyadiisa loo soo celiyo.

Xarrigga Xoghayaha ayaa jirin wax lagu sababeeyay iyo dambi loo haysto midna oo ilaa hada la sheegay sidaas darteed Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu dalbanayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan Xoghayaha USHIS loo sii daayo

Sida Distuurka qaranka iyo Xeerka Habka Ciqaabta ku qeexan, ma bannaana in qofna la baaro, la xiro ama la xayiro, haddii aan loo marin hab sharciya sharciga sidaa darteed Nafta Aadamuhuna waa deeq, waana qaali, qofkastaana waxa uu xaq u leeyahay xorriyadiisa, waxaanu taas ku waayi kara oo qura xukun maxkamadeed.

Hadaba waxaan ugu baaqeenaa Madaxda Sare ee dalka

1) In si dhakhso ah loo sii daayo ama Maxkamad sharciga ah la horkeeno Masuulkan .

2) In ay Dowladdu xil weyn iska saarto dhawridda xuquuqda insaanka iskana ilaaliso wixii dhaawacaya sumcadda dowlada.

3) In la ixtiraamo Madaxda Ururada Shaqaalaha ee Ku howlan Wax ka qabashada arimaha Bulshada.

Gudoomiyaha Isu Tagga Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed
Maxamed Cismaan Xaaji
image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.