Home » Faallo, News »

Waa maxay Aabbenimadu? Qore: Farah Aw-Osman

Happy father’s Day to all dads out there: Waa maxay aabenimadu?

Maanta ayaa ubadkaygu ii keeneen gift cards iyo warqado ay ku muujinayaan jacaylka ay ii qabaan iyagoo iigu hambalyaynaya maalinta aabenimada.

Hadaba, waxaan anigoo keligay ah isweydiiyay waxay ay tahay aabenimadu, doorka ay tahay in aabuhu uu ka cayaaro aqalkiisa iyo nolosha ubadkiisa.

Sidoo kale waxaan dib u yare jaleecay koriimadaydii, xusuustaas daboolnayd oo aan dib u yare booqdayna waxay igu yare baraarujisay ama I garowsiisay, nasiibka aan lahaa iyo doorkii aabahay iyo sida ay saamayn weyn ugu leedahay noloshayda, dhinac koriimo iyo dhinac aabenimoba intaba.

Xusuustaasina waxay igu xambaartay inaan go’aansaday inaan idin la wadaago, iskuna dayo inaan ka jawaabo waxa ay tahay aabenimadu iyo doorka uu aabaha fiicani cayaari karo.

Wax badan oo khibrad iyo aqoon dheer umaan lahayn waxay tahay aabenimadu, maxaa yeelay anigoo yar oo aan garaad iyo garasho sidaa u weyn lahayn ayay aabahay iyo hooyaday is fureen, intii aan la joogay waalidkayna mudo aad u kooban ayay ahayd. Hase yeeshee, waxaan nasiib u helay inay isoo koriyeen walaalo naf iyo wakhtiba u huray koriimada walaalahooda yaryar oo aan anigu ka mid ahaa, taasina waxay igu dhalisay in nolol fiican oo jihaysan iyo tarbiyad taam ah aan helay.

Intaan garaadsaday mudo aan ka badnayn sadex ama afar sanadood ayaan aabahay la noolaa, mudadaas oo ahayd midii ugu qiimaha iyo qaayaha badnayd ee noloshayda soo marta. Maxaa yeelay daryeelkii waalidnimo, barbaarintii aabenimo iyo wakhtiga iyo juhdiga dheer ee uu aabahay aniga iyo walaalahaygii kale u huray ayaa waxay ahayd aasaas iyo abaabin saldhig weyn u noqday mustaqbalkayga , gaar ahaan nooca aabe ee aan ubadkayga u noqday iyo weliba doorka aabenimo waxa uu yahay iyo sidaan u arko intaba.

Nolol maalmeedka mudadii koobnayd ee aan aabahay la noolaa waxay ahayd sidan:

image4 am – ayaa aabahay na toosin jiray aniga iyo walaalahay, isagoo noo diyaar garayn jiray inaan salaada subax u raacno masjidka, jamaacana ku soo tukano. Waxaan ahayn caruurta keliya ee xiligaas masjidka ku tukanaysa, waxa nagu weheliyay oo qura dhowr waayeel iyo afraad kale oo faro ku tiris ah.

Salaada kadib waxaan u qaban jirnay Duqsi quraan ee uu gacanta ku hayay Iimaamka Masjidka , isla markaana ahaa qaadiga magaalada, waa Imaam Sheikh Cabdisalaam, kaas oo ahaa saaxiibka ugu qaalisan ee uu aabahay lahaa. Weli jawiga oo mugdi ah qoraxdiina aysan soo bixin ayaan qaadan jirnay darsin Qur’aan ah kaas oo aan caruurta kale ee magaaladu fursad u heli jirin maadaama ay hurdaan, waxaa darsinkan qaadan jiray oo qura aniga iyo walaalahay iyo caruurta Sheekh Cabdisalam.

7: am kolkaan dugsiga ka soo noqono, qubaysano, quraacdana cuno ayaa aabahay noo kaxay jiray iskuulka. Waxaanu ahayn caruurta qura ee uu aabahood u soo raaco iskuulka. Intaa oo qura may ahayn, balse aabahay dhorkii saacadoodba mar ayuu iman jiray iskuulka isagoo hubinaya habsami socodka waxbarasho, iyo in caruurtiisii iyo caruurihii kaleba ay weli fasalada fadhiyaan waxna baranayaan.

Iskuulka dhexe ee magaaladaasi wuxuu ahaa iskuul ay dhiseen Peace-corps kii , kadib markii dadkii mandaqadaa deganaa ay ka baqeen in caruurta laga gaalaysiiyo iskuna dayeen inay dhismaha iskuulkaas ka horyimaadaan, ayaa Eebe janadii ka ka waraabiyeee aabahay soo dhex galay, isagoo waydiiyay nimankii peace-corps ujeedkooda, kadib markay u sheegeen inay iskuulka un dhisayaan, kadibna tagayaan ayuu yiri bilaaba dhismaha anigaana garab idin siinayee, nasiib wanaag iskuulkaasi waxaa ka soo aflaxay kumaankun arkay oo maanta mushtamaca doorar kala duwan ka cayaara. Waxaana farxad weyn ii ah in dadkii magaaladaasi garowsadeen doorkii aabahay , iyagoo ugu yeera aabihii waxbarashada, sidaasna iskuulkii ay ugu magac dareen Alle ha u naxariistee Aabe Maxamuud Aw-Cismaan.

Duhurka kolkaan ka soo noqono iskuulka, qadayno , ayuu nagu amri jiray inaanu hurdo yar oo nasasho seexano ilaa casarka. Kadib waxaanu aadi jirnay dugsiga quraanka halkaas oo aanu darsinkii saaka aanu qaadanay uga bixi jirnay, mid cusubna qaadan jirnay, ilaa salaada makhrib laga aadaamo ayaanuna halkaa ku sugnaan jirnay.
Salaada Makhrib dabadeed, xiligii cashada iyo homework ayay noo ahayd.image

Aabahay, wuxuu lahaa dhaqan ka duwan midka qoysaska kale ee Soomaaliyeed, maxaa yeelay, wuxuu lahaa aqalk isaga u gaar ah, aqalkaasna waxaa ku wada noolaa isaga iyo wiilashiisa, waxaana aqalkaas loogu yeeri yiray “Aqalka aabe iyo wiilasha” .

Walaalkasta, walaalka uu ka weyn yahay, kana fasal sareeyo ayuu macalin u ahaa, kalana shaqayn jiray homework. Kolkaan dhamayno homework, waxay ahayd xiliga hurdada, sidaas ayayna maalintayadu ku dhamaan jirtay.

Waxaa intaa noosii dheeraa, in Jimcayaasha uu aabahay noo kaxayn jiray qubuuraha waalidkiis ku aasan yihiin, halkaas oo aanu quraan u soo akhrin jirnay mowtida , una soo ducayn jirnay dhamaan muslimiinta halkaasi ku aasnayn. Talaabadan oo ahayd mid si dadban uu aabahay noogu dareensiinayay in qofku uusan keli ahayn, aabe iyo hooyo keli ahina waalid u ahayn ,balse silsilad soo taxnayn uu ka soo farcamay. Sidoo kale uu na dareensiinayay in xaqa iyo xuquuqda waalidka naga saarani aysan nolasha keliya ku koobnayn balse waalidkaa oo dhintay ay jiraan wax aad u tari kartid iyo door aad cayaari kartid intaba.

Walow xili kooban un ay ahayd intaan aabahay la noolaa, oo nolosha badankeeda aan la joogay walaalahay kuwaas oo iyaguna door weyn ka soo qaatay aasaaska noloshayda iyo koriimadaydaba, hadana, waxaa wax la ilaawi karo ahayn daryeelkii iyo darsinkii aan ka dhaxlay aabahay , kaas oo noloshayda ku ah darsin lama ilaawaan ah, saamaynta uu igu sameeyayna ay tahay cashar bud dhig u ah noloshayda iyo shaqsiga aan ahaynba. Anigoo og inaanan aabahay faryaradiisa gaari karin, ayaan hadaba had iyo goor isku dayaa bal in sifihiisii aabenimo iyo xilkasnimadiisii waalidnimo wax un kala mid noqdo, iskuna dayo inaan noqdo aabe door ku leh nolosha ubadkiisi , daryeelkooda iyo koriimadoodana ka dhex muuqda oo aan ka maqnayn.

Aabenimadu maaha dhal oo ka dhaqaaq, maaha hadii khilaaf adiga iyo hooyada ubadkaaga idin dhexmaro inaad dayacdo ubadkaaga ood ka cararto doorkii iyo masuuliyadii aabenimo, maaha inaad tahay maqane jooga, maahai n kolkii xaaskaaga jirkii yare jilco ubadkay kuu dhashay awgii aad inan yar oo jir dhisan ka aado, maaha hadaad shilimo soo shaqayso in xilkii aabenimo intaa ku egyahay, balse aabenimadu intaa ka mug weyn.

Aabenimadu waa inaad ka warqabto waxa ka socda aqalkaaga, ogtahay waxa ay ku sugan yihiin ubadkaagu, ogtahay noloshooda maalin kasta sida; xaaladooda wax barasho, saaxiibo, nololeed,caafimaad, dhaqaale, dareen, dhaqan iyo akhlaaqeed intaba.

Waxaa la xaqiijiyay awlaada leh aabe doorkiisa ka soo baxa inay helaan koriimo fiican taas oo saamayn weyn ku yeelan doonta noloshooda iyo mustaqbalkooda, kana dhigi doonta awlaadaas hooyo ama aabe wacan oo wixii ay ka dhaxleen waalidkood kula dhaqma kuna tarbiyeeya awlaadooda.

Aabuhu wuxuu cayaaraa doorar badan sida;
Inuu hooyada ubadkiisa u yahay garab iyo gaashaan, ka farxiyo, tusiyo jacayl, amni iyo kalsooni , taas oo hooyada ku xambaarta inay iyadoo faraxsan barbaariso ubadkeeda, sidaasna lagu helo guri farxad iyo amni leh, kaaso ay kasoo baxaan jiil mushtaca ka noqda xubin wax tar leh,
Inuu joogtaanka iyo doorka aabuhu caruurta u yahay tusaale ku dayasho mudan, saaxiib ay la tashadaan, wax weydiiyaan, kuna xisaabtami karaan iyo weliba inay dhaqanka aabahood iyo dabeecadiisaba ku daydaan kana dhaxlaan, taasina ay saamaxdo in la helo ubad leh kalsooni weyn, yaqaan waxa ay yihiin, meeshay ka yimaadeen iyo wax ay raban intaba.
Waxaa la xaqiijiyay caruuraha dambiyada gala inay u badan yihiin, caruurta uusan aabahood la joogin, ama haduu joogana yahay maqane jooga oo aan wax door ah ku lahay aqalka iyo barbaarinta ubadkiisa.

Aabaha fiicani waa kan:
Qaxiijiyaha amniga iyo wanaaga reerkiisa
Caruurtiisa u horseeda jawi iyo dariiq ay ku heli karaan waxbarasho iyo koriimo caafimaad qabta
U noqda ubadkiisa tusaale fiican oo ku dayasho mudan
Si cadaalad iyo sinaan ah ula dhaqma ubadkiisa dhexdooda , isagoon kala jeclaan kalana doorbidayn
þ Waji furfuran oo farxadi ku dheehan tahay tusa reerkiisa, shaadka raganimo iyo adadayga sura irida aqalkiisa, si uu u noqdo waalid lagu soo ordo ee aan laga yaacin
Jooga aqalka, had iyo goorna diyaar u ah wixii reerkiisu uga baahdaan
Aabe og , kana warqaba dareenka iyo daryeelka ubadkiisa

Gunaanad:

Waxaa jira aabeyaal ay awlaadoodii ugu danbaysay maalintii ay hoyads isfureen, kuwaas oo laga yaabe ama isku magaalo ama isku dal inay ku sugan yihiin, aabahaas oo aan ka warqabin koriimadii caruurtiisa, aan goob joog ka noqon maalintii inankiisa ama inantiisu iskuulka ka qalin jabinaysay. Balse raganima xumadiisa jaakad bir ah soo gashada maalinta inantiisa la guursanayo isagoo doonaya inuu bixiyo (sidii inuu koriyay) ama inankiisa inuu inan u reer kale uga doono (sidii inuu barbaariya).

Kuwaa waxaa ka sii daran kuwa caruurta qudbo-sireedka iyo qariska diinta Islaamka laga mamnuucay ku dhalay, caruurtaas oo iska daa inay ogaadaan reerka aabahoode xataa aan aqoon walaalahood , lagaba yaabee mararka qaar inay isku iskuul dhigtaan, isku xaafad ama magaalo ku nool yihiin, mararka qaarna inayba wada haasaawaan, ilay isma oga inay walaalo yihiine.

Dhinaca kale hadaad eegto waxaad arki kuwo aan ugu yeero “MAQANE JOOGA”, waakuwa ku nool aqalka balse magac u yaal aabe ah, kuwaas oo aan door faacil ah ka qaadan koriimada caruurtiisa, aabahaas oo aroortii shaqo u kalaha waaba hadii uu shaqeeyee, dabadeedna goobaha fadhi ku dirirka, shiishada, turubka iyo majlisyada qaadka toos u aada, dibadaha ka casheeya, dabeedna caruurtii oo huruda aqalka yimaado, sidaasna ku dhumiya fursad uu la fariisan lahaa caruurtiisa, waydiin lahaa siday maalintoodii ahayd, la wacashay lahaa reerkiisa, tusi lahaana macaanka guurka, wadajirka reer mid ah iyo aabenimadu waxa ay tahay.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Hooyadii nin hamuun ku eegtay, habaryartii har uma jiido”, waxaa aabe xumayaasha kore ka daran, kuwa qurbaha ka tahay, ubadkoodii iyo xaasaskoodii aan meel ku ogayn, oo maanta xildhibaan iyo masuul “wasiiro” loogu yeero, oo dad hogaan u dhiibteen. Siduu nin ubadkiisii iyo aqalkiisii soo dayacay aqalada dumay iyo dalka burburay ee Soomaaliya wax ugu qabtaa!.

Maalintan loogu magac daran maalinta aabahu , waxay dhamaan aabayaasha u tahay fursad ay isku miisaamaan, dibna ugu jaleecaan doorka aabenimo oo uu aqalkiisa, guurkiisa iyo nolosha caruurtiisa ka qaato…. Hadii aad tahay aabe masuul ah, dareensan xilka weyn ee ku horyaan, tahayna mid ka soo baxa waajibkiisa , waxaad mudan tahay in lagu yiraahdo “Happy Father’s Day” Alfa mara.

Hadiise aad tahay aabe xume , magac u yaal ah, dayacan reerkiisa, aan ka warqabin koriimada ubadkiisa, tusaale fiicana u noqon karin xaaskiisa iyo awlaadiisa, maanta waxay kuu tahay fursad aad dib isku qabato, ku saxdo qaladkaaga, awlaada aad dunida keentay ee EEBE kuu hibeeyay kuguna aaminay, kugulana xisaabtami doono aad waajibkooda ka soo baxdo, una noqoto tusaale ku tayasho mudan. Wiilku markuu kore wuxuu xaaskiisa ula dhaqmi doonaa sidii aabihii hooyadii ula dhaqmi jiray, gabadhuna fikirka ay ka qaadato raga wuxuu ku xirnaan doonaa dhaqanki ay ka aragtay aabaheed, sidaa awgeed, si ubad fiyow iyo bulsho caafimaad qabto loo helo noqo aabe tusaale iyo tusmo fiican u noqda jiilka danbe.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Waa maxay Aabbenimadu? Qore: Farah Aw-Osman "

  1. Ahmed Salad says:

    Mashallah Aakhii Farah Aw-Osman, may Allah be pleased with you and your awesome dad. I wish all the dads were like your beloved dad ….Inshallah RIP!