Home » Warar »

Tababar Dhaqanka iyo Farshaxanka la xiriirra oo Jowhar lagu qabtay

Tababarkaan oo qayb ka ah barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha oo ka socdey qaar ka mid ah degmooyinka gobollada dalka, ayaa tababar dhinaca Farshaxanka loogu furay dhalinyarada ku nool degmadda Jowhar.
Tartankaan oo ay qeyb ka yihiin qaar ka mid dugsiyada magaalada jowhar, ayaa waxaa ka mid ahaa: Dusiga hoose dhexe iyo sare ee Shiikh Xanafi, Imaamu Shaafici, Horseed iyo Shiikh Xuseen Cadde.image

Gudoomiyaha Degmadda Jowhar, Mudane Xasan Barow Bocor, ayaa yiri “farshaxanku waxa uu qayb ka yahay luqadaha dadka adduunka nool oo idil ka dhexeeyo oo ay si fudud ku wada fahmaayaan, maantana waxaad la socotaan in loo adeegsado sidii suugaanta oo lagu muujiyo fikirka qofka uu qabo ama xaalad taagan markaas”.
image

Dhanka kale masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hore u furay Tababarka ayaa tilmaamayay muhiimaddiisa waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay tababaarrada noocaan ah si loo helo jiil cusub oo beddelo kuwa xirfadda u leh manta, waxayna sidoo kale hoosta ka xariiqeen in tababarkan uusan ahayn mid gobolka Banaadir kaliya ku eg, balse la gaarsiin doono gobollada dalka oo dhan, si ay shacabka u fahmaan ahmiyadda nabadda ay leedahay iyo barashada xirfaddaan.
image
Tababarrada noocaan ah ayaa waxaa uu ka socday todobaadyadii la soo dhaafay degmooyinka gobollada dalka iyadoo ardayda ka qayb-geleysa ay ku soo bandhigaan sawirro ay ku muujinaayaan astaamaha nabadda iyo colaadahaba, waxaana sidoo lagu qiimeeyaa xirfaddooda Farshaxan ee ay leeyihiin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.