Home » Warar »

Golaha Wasiirada Ayaa Maanta Ansixiyey Magacaabista Xubin Ka Mid Noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka

Muqdisho, 03, June, 2015…..Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirahid Cali Sharmarek, waxaana shirka looga hadlay Amniga, Ansixinta xubin kamid noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, iyo Dhibaatooyin ka jira dhul xeebaadka Muqdisho,

Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyin sii kordhaya oo ka jira xeebaha magaalada Muqdisho. “Waxaa jira in dadka ku howlan dhismayaasha ay caadaysteen in Carada iyo dhagaxaaanta Jeyga ah ka gurtaan xeebta, taas oo keeni karta in Badu ay ku soo durugto magaalada, madaama caradii celin lahayd lagu hayo xaaluf ba’an, Wasaaradu waxay waday baaritaankaan in mudo ah, waxaa kale oo aan soo ogaanay in qashin faro badan lagu shubo badda oo ay ka mid yihiin dhiiga xoolaha, Bulaacadaha iyo qashinka laga qaado magaalada ku waas oo keeni karo caafimaad daro baahasan.” ayuu yiri Wasiirka Dekedaha Iyo Gadiidka Badda.
ridwan
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga ayaa golaha uga warbixiyey guulihii ay ciidamada Dowladu ka soo hooyeen deegaamo hoostaga gobolka Shabeelada Hoose, Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Toora-toorow, halkaas oo ahayd meelaha ay ka soo abaabuli jireen cadowgu weerarada ay ku soo qaadaan goobaha ay ciidamadu ka joogaan gobolka, sidoo kale wasiirka ayaa warbixin kooban ka siiyey golaha halka uu marayo isku dhafka ciidanka oo wasaaradda gaashaandhigu hormuud ka tahay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cumar Cabdirashid ayaa magacaabay gudi ka kooban toban wasiir oo loo xilsaaray dhagaysiga dadka qaba tabashooyinka ku aadan Baarlamaanka cusub ee Jubaland, waxaa sidoo kale guddigu wada hadal arrimahaas ku saabsan la furayaan maamulka Jubaland.

Ugu danbayntii, golaha wasiirada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasiirka Dastuurka uu soo jeediyey mudane Maxamed Daahir Afrax oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, inuu buuxiyo xubin ka dhimanayd Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, booskaas oo ay dhawaan banaysay Marwo Caasho Geelle

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.