Home » Warar »

Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay inaysan Suuragal aheyn Xilligan in la qaado Imtixaan Mideysan.

Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Dalladaha waxbarashada dalka ka jira oo ka koobnaa 12-Dalladood ayaa waxay kulankooda uga hadleen xaaladda waxbarashado ee dalka iyo aragtidooda ku aadan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada waxbarashada ee Soomaaliya ku yaala, waxayna sheegeen inaysan suuragal aheyn xilligan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada dalka, duruufo jira aawadood.

War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka ay yeesheen 12-kan Dalladood ayaa waxaa lagu yiri “Waxaa cad oo la wada ogsoon yahay doorka muhiimka ah ee ay Dalladuhu kaga jiraan waxbarashada iyo kobcinta maskaxeed ee ubadka Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo Rubuc-Qarni ah ay waxbarashadooda gacanta ku hayeen, taas oo suuragelisay in waddana maanta laga heli karo heerka waxbarashada laga bilaabo xannaanada carruurta ilaa PHD, haddaba Dalladaha iyo guud ahaan bahda waxbarashada Soomaaliyeed, iyaga oo xog-ogaal u ah xaaladda uu wadanku marayo waxay cadeynayaan inaysan suuragal aheyn in la qaado imtixaan mideysan sababaha soo socda aawadood”.
image
1. Xaaladda nabadgeliyo ee dalka ka jirta aawgeed.

2. Iyadoo aysan jirin diyaargarow ku filan oo imtixaan mideysan lagu qaadi karo.

3. Iyadoo uusan weli jirin xeerkii waxbarashada gaarka loo leeyahay.

4. Iyadoo uusan jirin Manhaj mideysan oo dhameystiran.

5. Imtixaanka oo hal mar aan wada-gaari karin meelaha ay Iskuuladu ku yaalaan.

6. Iyadoo uusan jirin imtixaan mideysan oo ay wasaaradda iyo Dalladaha waxbarashada ku heshiiyeen hadda.

Warsaxaafadeedka ayaa Dalladaha soo saaray ee ku saxiixnaa ayaa waxay kala yihiin sida tan:

1. SAFE {Schools Association for Formal Education}

2. FENPS { Formal Education Network for Private Schools}

3. SOFEL {Somali Formal Education Link}

4. SOFE {Schools Organization for formal Education}

5. FPNES {Formal Private Education Network in Somalia}

6. SOFEN {Somali Formal Education Network}

7. SOFPEN {Somali formal private Education Network}

8. ABUHA {Academic Private Education Umbrella in Horn Africa}

9. SEDA {Somali Education Development}

10. MEU {Al ma’ m un Education Umbrella}

11. SNEFA {Somali Network Education for all}

12. SONI {Somali Network Institute}.

image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.