Home » Faallo »

TACSI: Jamaad Axmed Siyaad oo ku geeriyootay Minnesota

Inaa Lillaahi wa inaa Ilayhi raajicuun.

tacsiBahda SomaliTalk.com waxay tacsi u dirayaan dhammaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay marxuumad Jamaad Axmed Siyaad oo Isniin (April 27, 2015) ku geeriyootay Minneapolis. Allah ha u naxariisto oo janadii haka waraabiyo

Waxaan si gaar ah tacsida ugu direynaa Inj. Maxamed Cali Cibaar oo ay marxuumaddu hooyo u ahayd iyo dhammaan qoyska reer Cali Cibaar. Samir iyo iimaan dhammaan ehelka.

Waxaana marxuumadda la aasay Talaado (April 28, 2015), qabuuraha Burnsville MN, xilliga duhurka, Allah qabriga ha u waasiciyo..

Waxaan markale Marxuumadda Allah Uga Baryeynaa Inuu Qabriga U Wasiciyo, Su’aashana U Fududeeyo Janatul Fardowsana albaabadeeda u furo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ثُمَّ إِلَيْنَا تُرْجَعُونَ

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.