Home » Warar »

Isbitaal Casri ah oo lagu magacaabo Muqdisho City Hosbital oo laga furey Magaalada Muqdisho.

Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho laga furey Isbitaal Cari ah oo lagu magacaabo Muqdisho City Hosbital kaasoo lagaaga daaweyn doono Cuduro fara badan oo mararkii hore loo aadi jirey Dalka Dibadiisa .

Isbitaalka oo ku yaalka Degmada Hodan gaar haan Xaruntii Dowladii Cabdiqaasim ayaa waxaa ka howlgala Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib kuwaa oo ku takhasusey Cuduro kala duwan , waxaana haatan Isbitaalka uu qaabilaa Bukaano Fara badan.

Agaasimaha Isbitaalka Dr.Cabdul-Qaadir Axmed Yuusuf oo ka waramey Sababaha keeney in Isbitaal Noocaan oo Casri ah ay ka furaan Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in Dhaqaatiiir isbaheystey ay si weyn u dareemeen in dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan sidii loogala Tacaali lahaa Dhamaan Cururada kala duwan ee ay qabaan ,

“ Muqdisho City Hosbital waxaa si gaar ha loogu daaweeyaa Cudurada Maqaarka iyo Qurxinta Jirka , (Dermatology) , Quruxinta Ilka iyo Afka ( Dental ) , Cudurada Cunaha, Sanka iyo Dhegaha (ENT) , Qaliinka Guud , Xamiitida ,Uurku jirta, iyo Qanjirka Kaadi haysta ( Prostates-), Dhalmada (Midwifery) Cudurada Neerfaha , Cudurada Caruurta iyo Qalab iyo Shaybaar Casri ah “ ayuu yiri Agaasimaha Muqdisho City Hosbital.

Waa markii ugu horaysay oo magaalada Muqdisho laga furo Cusbataal Casri ah oo lagu daaweeyo Cuduro badan oo dhamaantood loo aadi jirey Dalka debeddiisa, waxaana Isbitaalkani ka saacidi doonaa Soomaali badan In ey Dalkooda Hooyo ku helaan adeeg caafimaad oo dhamaystiran .

image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.