Home » Warar »

Wasiirka Difaaca “Dowladdu waxay u tanaasulaysaa danta shacabka, kumana kor gor-gortameyso iyagoo dhibaateysan”

Guriceel… Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal shaqo ku joogay gobolka Galgaduud, ayaa kormeer ku gaaray qaar kamid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guriceel, isagoo dhinaca kale kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Har-qadoobe ee qeybta 21-aad halkaas oo ay la wareegeen Ciidamo ka socda AMISOM, isla markaana laga raray ciidamadii horey u daganaa kuwaas oo dagi doona degmad Dhuusamareeb.

image

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday mid kamid ah goobaha dhaca duleedka magaalada oo ay dagan yihiin dadkii ay colaaduhu ka barakiciyeen guryahooda, wuxuna u sheegay dowladda Soomaaliya in ay mar walba garab taagan tahay dadkeeda isla markaana ay hadda ku noqon karaan guryahoodii maadaama heshiis laga gaaray dagaalkii dhacay.

“Aad iyo aad ayaan uga xumaha in aad kasoo barakacdaan guryihiinii halkana ay dhibaato idin ku hayso, waa murugo in aan aragno mustaqbalkii dalkeena oo haysan nolol iyo waxbarasho, waxaase aad u sii murugo ah in aan arko ilmo yar oo haysan gabaad ay maciinsadaan saarana geedaha korkooda, waxaan arkay ilmo 8 sano ka yar oo qori loo dhiibay halkii School loo diri lahaa, taasna waxaa sababay dhibaatada ay colaaddu leedahay, waxaan arkay mustaqbalkii dalkeena oo banaanada ku dayacan. Waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno, garawsanno una istaagno, inaan isku tashanno oo aan ka gudubno dhibka na dhex yaal ee noo diidan horumarka” ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlayay dadkii isaga barakacay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kormeer ku tagay suuqyada magaalada Guriceel halkaas oo ay dadku dib ugu soo laabanayaan goobahoodii ganacsiga, waxana ay wasiirka uga mahadceliyeen dadkii kala duwanaa ee lala kulmay heshiiska uu hormuudka u ahaa ee laga gaaray colaaddii uu dhiigu ku daatay ee ka dhacday deegaanka. Iyadoo uu Wasiirku xusay in tallaabada ay dadku goobahoodii dib ugu soo noqonayaan ay qayb ka tahay socdaalkii nabad raadinta ee uu gobolka u soo gaaray.

Dhan kale, Wasiirka ayaa maanta booqday Dugsiga tababarka Ciidamadda ee Har-qaboobe, wuxuna halkaasi kula hadlay saraakiisha Ciidamadda Xogga dalka Soomaliyeed, wuxuna ku ammaanay sida ay uga go’an tahay nabad in wax walba lagu raadiyo, iyadoo ay ammaanka xerada la wareegeen Ciidanka AMISOM.
“Ujeedkeennu waa in ay dadku nabad helaan dibna ugu soo noqdaan gurhaoodii, goobtan oo ahayd fariisin ciidan hadda waxaa sii joogi doona AMISOM oo maanta aan ku wareejinay amniga goobahii ay dirirtu ka dhacday, mar walba waa naga go’an tahay in dadkeena ay xasilooni ku joogaan guryahooda waayo waxaan khibrad nagu filan u haysanaa dagaallada aan laga fiirsan ee micno darrada ku dhaca” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

—DHAMMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.