Home » Warar »

Wada hadaladii Magaalada Istanbul ugu furmi lahaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland oo dib u dhac ku yimid.

Waxaa Dalka Turkiga Caasamadiisa Stanbul oo shaley la filayey in uu ka furmo Shir ay yeelan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland , Shirkaas ayaa waxaa uu soo marey heerar kala duwan iyadoo kulankii ugu dambeeyey uu ka dhacay Magaalada Jabuuti halkaa oo isku arkeen Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Mxamuud Siilaanyo.image

Waxaa Magaalada Stanbuul gaarey Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland kawaa oo ka qayb galaya sidii mar kale loo dhaqaajin lahaa wixii hore uga soo baxay shirkii Jabuuti ee Sannadkii tageywaxaana waxaana warar na soo gaarey ay sheegayaan in kulankii lagu wadaey in uu dhex maro labada Dhinac uu dib u dhac uu ku yimid .

Wasirka arrimaha dibadda ee Maamulka Soomaaliland ayaa warbaahinta u sheegey in shirkii dhex mari lahaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland kana dhici lahaa Magaalada Istanbuul uu dib dhac ku yimid sababo la xirira Doorashooyinka ka dhacaya Maamulka Soomaaliland , waxaa uu sheegey in kulankaas la qaban doono 1-da Bisha maarso oo wax yar ay ka harsan yihiin

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland kulamadooda ayaa soo jitamayey Labadii sanno ee ugu dambeysey iyadoo natiijo sidaa aaney u weyneyn ay ka soo baxayeen hase yeeshee dadka siyaasada indha indheeya ayaa wada hadaladaas ku tilmaamey kuwa aysan dhab ka hayn labada Dhinac .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.