Home » Warar »

Gabdhaha Medlife ee ku nool Sweden oo Deeq gaarsiiyey magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.

Gabdhaha Medlife ee ku nool Sweden oo Deeq gaarsiiyey magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.

Wajeer: Jaaliyadda Medlife ee fadhigeedu yahay dhalka Sweden ayaa toddobaadkan deeq Raashiin ah gaarsiiyey walaalohooda degen magaaladda wajeer, iyadoo si gaar ah loogu baahnaa raashiinkaan.

waxaa lagaarsiiyey qoysas markaas aad uu dhibaataysnaa.

ILLahey kasokow waxaa mahad iska leh walaalkeen Ugaas Mohamed oo degen dalka mareykanka oo naagu deeqey deeq datan si aan u gaarisiino ama uu taakuleeyno walaalaheena oo ay haysato caafimaad daro iyo daryeel la`aan ayaga oo aan qaarkood heli karin noolal maal mood kooda.

Waxaan hadda wadnaa qorshe dugsi Quraan lagu dhisayo. Dugsigaas ayaa loo dhisayaa caruur agoomo ah iyo kuwa aan dugsiyada iska bixin karin.

Baahida Dugsiga ayaa ah mid aan daraasaad ku samaynay meesha ay ku dhigtaan ama ku bartaan hadda Quraanka waa geed hoostii. Waxaay uu baahan yihiin qol yar in loo dhiso hadaba walaalayaal waxaan u baahanahay inaad wax nagala qabataan inshaAllah.

deeq9

deeq12

wixii faah faahin dheeraada Fadlan kala xariir Sureya Abdi oo Degen Sweden.
Emailka: sureya.abdi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.