Home » Warar »

RW. Ku Xigeenka XFS Maxamed C. Carte ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Ra’iisul Wasaaaraha Hooyadiis

Muqdisho, 12, Feb, 2015….Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul W, Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hooyadiis Allaha u naxariistee Marxuumad Ruqiyo Macalin Daahir ay ku geeriyootay dalka Canada.

Xubnaha Golaha Xukuumadda waxay si gaar ah uga tacsiyeynayaan Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke geerida ku timid Hooyadiis Marxuumad Ruqiyo, waxayna alle uga baryayaan in Ilaahay qabriga u waasiciyo una fududeeyo su’aasha maalinta qiyaame.

“Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumada uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri RW ku xigeenka Maxamed C. Carte.

Dhanka kale Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusman Jawaari, Xubnaha labada gole iyo dadweyne faro badan ayaa saaka isugu yimid hoyga Ra’iisul Wasaaraha si ay uga tacsiyeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar, geerida naxdinta leh ee ku timid Hooyadiis.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta XRW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.