Home » Warar »

Xulashada Jimcaha: Xasuuqa ciidamada Kenya ay ku hayaan Muslimiinta Dalkooda

Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii 91kii, dowladaha Kenya Ehiopia waxay saameyn taban ku lahaayeen xaaladda iyo isbeddelada siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya. Walow ay in muddo ahba socotay faragelinta qaawan ee waddamada deriska la ah Soomaaliya, haddana waxay ciidamada Kenya ka soo tallaabeen xadka NFD ( dhulkii Soomaaliyeed ee ay horay Kenya xoogga ugu haysatay) muddo hadda saddex sanadood laga joogo.

kenya9
Ciidamadaasi, waxay goor dambe ku biireen ciidamada AMISOM ee ka socda waddamada Afrika. Ciidamadaas ka socday waddanka Kenya, waxay tacaddiyo baahsan ka geysteen gobolladii ay xoogga ku soo galeen, waxayna geysteen khasaaro badan oo mid nafeed iyo mid hantiyeedba leh. Nasiibdarro, ma jirto cid kala xisaabtanta tacaddiyadaas ay geysanayaan.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Nin hooyadii qorrax ku jiiday, aayadii hoos uma jiido”. Macnuhu waa nin hooyadii u damqan waayay waa doqonnimo in laga fisho inuu cid kale daryeelo. Haddaba waa sidee habdhaqanka ciidamada Kenya? Sidee ayay ula dhaqmaan shacbkooda, siiba kuwa laga awoodda badanyahay? Maxay ku sameeyaan musliinta dalkaas, maxaase laga filan karaa iney ka fuliyaan Soomaaliya?

Waxaan haddaba, toddobaadkan akhristeyaashayada la wadaageynaa muuqaal dabagal ah oo uu telefeshinka caalamiga ah ee Aljazeera ka diyaariyay dhaqanxumida ciidamada mannaxayaasha ah kenya iyo xasuuqa ba’an ee ay ku hayaan muslimiinta waddankaasi Kenya.

Haddaba hoos ka daawo videowga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.