Home » Warar »

Todobaadka daryeelka haweenka iyo caruurta oo ka bilawdey magaalada Gaarissa.

Todobaadka daryeelka haweenka iyo caruurta oo ka bilawdey magaalada Gaarissa.

Todobaadka daryeelka caafimaadka caruurta iyo haweenka oo lagu magacaabo Malezi Bora ayaa magaalada Gaarissa si rasmi ah xariga uga jarey kuxigeenka guddoomiyaha gobolka waqooyi bari Kenya Mr. Thomas Saka.

Xaflada barnaamijkan xariga lagaga jarayey oo lagu qabtey isbitaalka guud ee magaalada Gaarisa ayey saraakiisha caafimaadka waxey halkaasi dadweynaha ku tuseen habka loo isticmaalo mara kaneecada “Sinsiyeeri”..

Xafladan oo ay si weyn usoo aggaasimeen wasaarada caafimaadka oo lagu soo bandhigey madaadaalooyin kala gadisan ayaa dadkii madadaalooyinkan ka qeyb qaatey waxaa kamid ahaa fanaan reer Gaarisa ah Amin Bareera. Fanaanka Amiin ayaa halkaasi kusoo bandhigey heeso uu ku cabirayey in maro kaneecooyinka ay muhiim tahay in la isticmaalo mara kaneecooyinka si looga gaashaanto cudurka duumada . Bareera ayaa sidoo kale halkaasi kusoo bandhigey hees wadani ah.

Maadaama todobaadka Malezi Bora uu gaar u yahay caruurta ayaa madaxa faya dhawrka degmada Gaarisa u qaabilsan wasaarada caafimaadka ee Kenya Axmed Cabdi uu ugu baaqey in waalidiinta ay caruurta keenaan isbitaalada todobaadkan. Malezi bora ayaa ah barnaamij la fuliyo sanadkiiba laba jeer.

Saciid Xasan Anteno
Nairobi, Kenya.
E-Mail: – saidanteno@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.