Home » Warar »

60 Soomaali ah ayaa Lagu Diley Koonfur Afrika 2014 – magacyadooda halkan ka akhri…

K/Afrika : Imisaa la diley ? Tirada Soomaalida la dilay Iyo Dukaamaha La Boobay 2014‏, Akhriso Magacyada ….

Tirada Soomaalida ee sanadka 2014 lagu diley dalka Koonfur Afrika yaa gaaraya heerkii ugu hooseyay marka loo eego tirakoobyo lagu kalsoonyahay oo la sameeyay sanadahii tagay, dhanka kale, dhaca iyo boobka ayaa heerkoodu aad u sareeyay, iyada oo ay dhaceen gabood falo kale oo aad u fara badan.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo kaashanaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika (Somali Community Board) oo uu horkacayay Gudoomiyaha Jaaliyada Md; Caamir Sheekh ayaa sameeyay tirakoob guud oo ku saabsan Soomaalida sanadkan dhamaday lagu waxyeeleyey dalkan Konfur Afrika. Tirada guud ee sanadkan la dilay ayaa gareeysa ku dhawaad 60 muwaadin oo soomaali ah iyadoo la dhawacay in ku dhow 28 qof, kuwaasi oo dhawacyo kala duwan ay kaso gaareen rasaas, toreey iyo gubniin hasa ahaate dadka la dilay dhamantood waxa ay ku dhinteen guud ahaan dalka oo dhan,

Sido kale ku dhawaad 330 goobood oo ganacsi ah ayaa la boobey, halka kuwa kalane la dhacay waxaana k/afrika mar waliba ka dhaca gabood falada ama tacadiyada ka dhanka ah ajaanibta dalkan ganacsiyada kala duwan ku leh oo ay soomaalida ugu horeeyso waxaana boobkii ugu darna uu sanadkan ka dhacay gobolka Guateng oo ah gobol barwaaqo sooran ah oo xarumaha dowlada ay ku yaalan sida Madaxtoyada.

Ganacsato badan oo soomaali ah ayaa waxay sabab u ahaayeen in dhacdooyinkii sanadkan dhamaday lagu wax yeleeyo kadib markii muwaadhiniin Soomaali ah ay gacan qaad ku waxyeeleeyeen dad u dhashay Koonfur Afrika, taasina ay ka dhalatay carro iyo gadood horseedey in Soomaalida la waxyeeleeyo.

Sababaha kale ee dhibaatooyinka loo tiirinayo waxaa ka mid ah is dhexgal la’aan Soomaalida iyo muwaadhiniinta, isfaham xumo, aqoon la’aanta luuqadaha maxaliga ah ee wadanka looga hadlo, iyo waliba Soomaalida oo aanan helin wacyigalin ku saabsan bulshada ay ku dhexnoolyihiin ama wax loo yaqaano (Orientation) ee la mariyo Soomaalida u haajiraya wadamadda Galbeedka.

Dhanka kale waxaa jira sababo kale oo ay ka midyihiin in ganacsiga ay Soomaalida ku jirto uu yahay ganacsiga obosiibada ah ama aanan dowladda u diiwaangashanayn, deegaanada ay ka ganacsadaan oo ah goobihii lagu karantiilo jirey dadka madoow xiligii midabtakoorka halkaasi oo ay ku badanyihiin dambiyadda, islamarkaasina ku yaryihiin saldhigyadda Police-ka.

Si kastaba, arrimaha waxaa uga sii daraya Soomaalida oo marka dambiyo laga galo aanan iyagu ku samaynin wax dabogal ah iyo waliba marqaati fur ah marka maxkamadda la keeno qofkii dambiga geystey, taasina ay keento in dambiilihii la siidaayo maadaamaa aysan jirin caddayn iyo cid ku marqaati kacaysa kadibna uu geysto dambiyo kale oohor leh, waxaanse marnaba la inkiri karin ajnabi nacaybka ku dhex bulaalay bulsh weynta Koonfur Afrika balse dowlada k/afrika oo muujisay feejignaan dheer iyo ka hortagid burcada ajaanibta weerarta ayaa u muuqata inay ku guleeystay inay xadidaan dhacdooyinkii foosha xumaa ee k/afrika mar waliba ka dhaci jiray iyado xabsiyo ku yaala k/afrika ay ku jiraan kooxo burcad ah oo danbiyo culus lagu helay sida beegsiga ajaanibta gaar ahaan soomaalida kuwa oo xabsi daa’in qaarkood lagu xakumay.


Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Dadkii Soomaalida ahaa Ee Sanadka 2014 Lagu Dilay Dalka K/Afrika.

January 27-2014 waxaa magalada Pretoria lagu dilay alla ha u naxaristee ganacsade Axmed Haadi Fareey oo si weyn magaladaasi looga yiqaanay.

January 29-2014 C/qaadir Maxamed Cumar waxaa lagu dilay xaafada New Brighton oo ay daganyihiin dadka madowga ah ee k/afrika,

February -20-2014-Magalada Durabn Ee Gobolka Kwazulu-natal Ayaa Xili fiid rag burcad ah oo hubeeysay dukaankiisa ku dhax dileen muwadin soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Osmaan Faantooy kaasi oo si weyn looga yiqanaya magaladaasi waxana burcad hubeysan oo ugu gashay dukaankiisa ay ku dhufteen ilaa sadax xabadood iyago ka baxsaday goobta markii ay dilka fuliyeen mana jirta wax dhaca ah oo ay burcad dukaanka u geysteen.

February 20-2014 Burcad k/afrikan ah ayaa magalada king williams town Ee Gobolka Eastern Cape xili habeen ah Ku dilay alla ha u naxaristee marxuum lagu magacaabi Jiray Abdi Budxul oo ahaa ganacsade soomaaliyeed kaasi oo dadka degaanka si weyn u garanayeen,

April 17-2014 Alla Ha U Naxariistee Marxuum Jeelle Maxamed Jeelle Oo Burcad Koonfur Afrikaan Ah Ay Ku Dileen Duleedka Magalada Port Elizabeth Ayaa Lagu Aasay Qaburaha Muslimiinta Ee Magaladasi Ku Yaala Iyado Aaska Lo Sameeyay Boqolaal Ganacsato Soomaali Ah Ay Ka Qeyb Galeen.

April 8-2014 Tuulada Soshanguve ee dhacda duuleedka magaalada Pretoriaee dalka Koofur afrika Waxa lagu dilay mawaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xakiin Faarax ( Carabey )

May 02-2014 Kooxo burcad k/afrikan ah ayaa labo ganacsata soomaali ah ku dilay tuulada mathulo ee duleedka magalada johannesburg waxaana lagu kala magacabi jiray Shaafici xasan nuur iyo Abdirsaq abdulahi xasan iyado kooxda burcad ay ku dhax toogteen dukaan ganacsi oo ay jogeen.

Sido kale alaha u naxariistee Budul Daahir Cabdi ayey burcad hubeeysan toogteen waxaana isla goobtaas lagu dhaawacay C/raxmaan Maxamed Faarax (Cabdiyare) magaalada Durban ee gobolka kuwazulu natal ee wadanka Koonfur Afrika

May 23, 2014 -kooxo burcad ah ayaa toogtay marxuum ganacsade Salaad Xagaleey waxaana burcadda dishay ganacsade Salaad Xagaleey la sheegay inay isku dayayeen inay dhacaan dukaan uu alaab u waday marxuum oo uu lahaa ganacsade Soomaali ah, waxaana la sheegay in marxuumka uu ku dhagay mid ka mid ah Burcadda,iyadoo uu kor ka toogtay mid ka mid ah Burcadda waxaana dilka saxafada u xaqiijiyay ganacsade Mustaf Cali Muudeey oo kamid ahaa ragii goobtay gaaray dilka kadib,

May 27/2014 Afar muwaadin oo soomaali ah ayaa lagu gubay degaanka Denver ee dhaca duleedka magalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa.

Muwadinintan Soomaalida ah ee la gubay ayaa Dabka la qabadsiiyay kadib markii kooxo burcad ah ku weerareen dukaan ganacsi oo ay jogeen mawaadiniitaan

Gubniinka ayaa la sheegay in loo adeegsaday Nafto lagu daadiyay dukaanka ka hor inta aan Dabka lagu qabanin waxana amuurtan ay ka danbeeysay kadib markii muran uu so kala dhax galay milkiilaha gurga dukaanka uu ku yaala leh iyo ganacstada dukaanka laeyd taasi oo ugu danbeeyntii sababtay in dukaanka dab la qabadsiiyo xili ay muwadininta soomaalida a gudaha ku jireen.

09 June 2014 “marxuum Sharif Shukri,oo ahaa nin oday ah si weyne loo yiqaanay ayaa dad careeysan xili habeen ah si xun ugu dileen degaana Mamelodi ee duleedka caasimada pretoria isago gurmad ahaan ugu tagay ganacsato soomaali ah oo la boobayay dukaama ay lahayeen waxaana dilkiisa loo adeegsaday dhagax iyo garaacid loo geeystay kaasi oo meydkiisa xili subax ah laga helay dhul keyn ah oo degaana Mamelodi ku yaala ,waxaana islamarkiiba ka hadlay dilkaasi afhayeenka police-ka degaanka Mamelodi Col. Noxolo Kweza kaasi oo saxafada gudaha u xaqijiyay dilka sido kale waxaa dilka foosha xun si kulul ugu hadlay Huud Badru-Diin oo kamid ah raga u dooda xuquuqda jaaliyada soomaalida ee ku nool dalka k/afrika,iyado dilka foosha xun oo dad badan so xusuusiyay dil noocan oo kala ah oo sanadkii 2013 magalada port elizabeth ka dhacay oo loo geeystay Abdi Nasir Mahmoud Good oo dad,diisu aheyd 25-kaasi oo dhagax iyo baangad nafta looga qaaday,

June 23, 2014 Deegaanka Strand oo hoos tagta Magaalada Cape Town waxaa lagu dilay ganacsade soomaali ah oo caan ka ahaa magalada cape town kaasi oo lagu magacabi jiray xaamud sheikh axmed sheikh cali, oo dadiisa lagu sheegay 30 sano jir,burcada fulisay dilka wax dhac ah ma aysan u geeysan marxuumka iyagoona goobta ka baxsaday markii ay hubsadeen in uu geeriyoday marxuumkii ay gardarada ku maageen.

August 4, 2014 Tuulada Elsies ee duleedka magaalada cape town ee dalka koonfur Africa waxaa goob ganacsi ah horteeda lagu toogtay labada ganacsato soomaali ah ee kuwa oo lagu kala magacabi jiray jiray C/naasir Maxamed Tooxow iyo cabdi qani waxa ayna ka mid ahaayeen ganacsatada sida weyn looga yaqaano magaalada cape town ee dalka koonfur Africa waxaana lagu dhax toogtay gaari dhaxdiisa xili ay ku shekeysanayeen kaasi oo yaalay afaafka hore ee dukaankooda.

Qaar kamid ah ganacsatii soomaalida ah oo u gurmaday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Allaha u naxariistee C/naasir Maxamed Tooxow oo looyaqaanay c/naasir janagale iyo cabdi qani ay ka danbeeyeen rag gangistara ah oo xaafadasi si weyn looga yiqanay kuwa oo muda labo sano ka hor ay xurguf dhaxmartay taasi oo raga gangiska ah dacwo laga gudbiyay xabsi ay ku muteysteen iyago markii ay xabsiga so dhameysteen falkan dilka ah ku fuliyay soomaalidii dacweysay.

Isla Bishaas Tuulada Phillipi waxaa lagu dilay muwaadin soomaali ah iyado la dhawacay sadax kale waxaa saxafada u xaqijiyay gudoomiye ku xigeenka jaaliyada soomaalida cape town ee Save Somali Community, Cabdi Calas Guure, oo goobta gaaray waxaana uu sheegay in Wiilasha la dhaawacay Saddex ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato xiligaas gurmad cafimaadne lo fidiyay,

August 13 -2014/ Muwaadin Soomaali ah oo aan la garan wayay magaciisa ayaa meydkiisa laga heley duleedka magaalada Durban kaasi oo isna sida muuqato la khaarijiyay iyado si xun madax looga bur buriyay.

Sido kale horey dad Soomaali ah oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen balse la helay markii danbe meydkooda iyago la dilay waxaana sido kale ganacsade muda la waysanaa meydkiisa laga helay duleedka magalada Port Elizabeth kaasi oo gariga uu watay la gubay

14 August-2014, Tuulo hoos timaada magalada Port Elizabeth ee dalka k/afrika ayaa rag burcad ah oo hubeeysan xili fiid ah waxay ku toogteen dukaan uu ka shaqeyn jiray marxuum ganacsade C/fataax muxumed sh.c/laahi tahliil kaasi oo dhowr xabadood oo ay burcada ku dhifteen u geeriyooday,

Sep-11-2014 Duleedka magalada rastenburg waxaa lagu kharijiyay alla ha u naxarsitee ganacsade magaciisa lagu so koobay mukhtaar kaasi oo dilkiisa ay ka danbeyeen kooxo k/afrikaan ah

Oct 24 2014 ,marxuum Farah Dahir Badul oo 32-jir ah,ayaa lagu toogtay tuulo ku taala duleedka magalada durban iyado sido kale la dhawacay ganacsade lagu magacaabo Abdirahman Mohamed Farah oo 28-jir ah.waxaana arintaasi ka hadlay xiligaas Afhayeenka Boliska, Gaashaanle Thulani Zawane kaasi oo xaqiijiyey in labadaasi la toogtay, kadib, markii ay kooxo hubeysdan oo aan la aqoonin ay qori caaradiisa ku dhaceen hantidii iyo sigaarkii yiillay Dukaanka ragga Soomaalida ee mid la dilay, midna Isbitaalka la dhigay dhawac soo gaaray aawgeed,

October 23, 2014, waxaa degaanka isku raranka ah ee Khaalija kuna yaala magalada Cape Town lagu dilay marxuum Cali Axmed Cadow waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii kooxo burcad ah oo dhac u geeysan rabay ay isku dayeen inay hadal ku qanciyaan balse rasaas lagu furay,

November 9, 2014 Magalada porta elizabeth waxaa lagu dilay alla ha u naxaristee oday soomaaliyeed oo caan ka ahaa magaladaasi kaasi oo muda dheer ku noola waxaana lagu magacabi jiray Xasan Faarax Maxamed.(Xasan Xuuf) oo da,diisane aheyd 65 jir burcad hubeeysan ayaa u sheegay in gaari uu laha ay rabaan inay ka iibsadaan kadibne inta ay meel banaan geysteen madax ka toogteen.

14-November 2014, Duleedka magalada Johannesburg waxaa lagu dilay alla ha u naxarsitee Marxuum cali shekeeye iyado sido kale dhawac halis ah lo geeystay muwaadin kale oo lagu magacabo cali madoobe waxaana weerarka geeystay rag hubeeysan oo sida la sheegay watay gaari yar oo nooca dheereya ah oo baxsaday markii ay weerarka fuliyeen,

29-November alla ha u naxarsitee abdisalaan muhudiin iyo Mohamed Hassan ayaa qoorta laga jaray iyago dilkooda lo adeegsaday toreey xili habeen ah kadib burcad k/afrikaan ah oo dukaan ay jogeen ugu galay.

Dec 17 2014 magalada Mthatha waxa lagu dilay allaha u naxariiste Marxuum Maxamad Cabdilahi Abdi xilli uu goobtiisa ganacsi ku sugnaa.

Dec /20 2014/ Ugu yaraan ilaa shan Qof ayaa lagu dilay Koonfur Africa Todobaad gudahiisa taasi oo walwal hor leh ku abuurtay ganacsatada Soomaalida, laba ka mid ah ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaala tuulada Nashville ee magaalada Port Elezabeth ee Gobolka Eastern Cape halka laba kale iyagane lagu dilay Tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva ee magaalada Polokwane ee Gobolka Limpopo halka midka kale isagane lagu dilay tuulo hoos timaada magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape.

Shantani ruun ayaa la xaqijiyay in si isku mid ah loo weeraray iyadoo falkaasi uu dhacayey xili danbe oo habeen ah oo ay hurdayeen Muwaadiniinta qaarkood iyo Xilli danbe oo Fiidkii ah iyadoo midkood lagu dhuftay 7 Xabo markii ay nafta ka bixi waysana ayey qoorta kaga jareen midi taasi oo argagax horleh ay ka qaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Tuulooyinka.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somali Community Board ee Gobolka Limpopo Mudane Daahir Hilowle Xasan oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee u gurmaday markii uu falkani dhacay isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiinta oo aan la xiriirnay ayaa sharxay qaabkii ay wax u dhaceen iyo sida ay jaaliyada u aragtay. Wuxuuna sheegay in labadani wiil dilkooda uu si isku mid ah u dhacay iyagoo la soo weeraray saq dhexe habeenkii iyagoo hurda.

Midka hore ayaa waxaa la jiifay wiil kale oo Soomaaliyeed oo markii tuugada ay soo dhaceen isla markaana ay dileen mid ka mid ah muwaadiniina ay kan kale ku amreen in uu keeno lacagta iyo waxyaabaha kale ee fudfudud sida kaararka taleefoonada lagu shubtay halka midka labaad isaga kaligiisa uu jiifay meeshana lagu dilay.

Sidoo kale laba muwaadin oo midkood ahaa milkiilaha dukaanka iyo midkale oo ka shaqeynayey ayaa isku meel lagu dilay iyadoo midkood la isugu daray toorey iyo xabad sida uu sharxayo Sheekh Shaakir oo ka mid ah Culumada ugu caansan magaalada Port Elezabeth isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiintani.

“Waxay aheyd Xili danbe ee fiidkii ah oo dukaanka albaada la isugu laabi rabay waxana la soo weearay laba nin iyo gabar Soomaaliyeed oo ku sugnaa dukaanka dabadeed waxaa la bilaabay in la dilo wiilasha gabadhiina halkaasi ayey ka baxsatay waxana la dilay labadii kale.

Marxuumiintani ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Sheekh Xasan, C/rashiid Cali, Yaasiin Xuseen Rooble, Saciid Ibraahim Mocalin iyo marxuumka kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey C/laahi Biibaaye Dhamaantood waxaa la dilay Todobaadkani waxaana lagu dilay Goobtooda ganacsi Mana Jirto cid loo soo qabtay dilalkaasi iyadoo booliska Koonfur Africa ay ilaa hadda daba gal ku hayaan dadkii falkaasi ka danbeeyey oo aanan jirin Raad loo raaco

28,Dec 2014 Degaanka karafontain ee magalada cape town kooxo burcad ah ayaa toogtay marxuum nuur bashiir xasan (Nuur Biindo )oo ahaa milkiile dukaan oo dadka degaanka si weyn u garanayeen waxaana burcada inta aysan dilin hajnabad u jeediyeen iyago u sheegay inay dili doonaan kuwa oo ugu danbeeyntii toogtay ,saacada kadib police-ka k/afrika oo goobta tagay ayaa su,aala weydiyay dadkii goobta joogay waxaana police-ka ay so bandhigeen sawiro ragii dilka fuliyay inay bar garanayaan kuwa oo mid kamid ah raadkiisa la helay ,

December 29, 2014-Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhagaweel ayaa lagu dilay magaalada Giyaani ee gobolka limpopo ee dalka Koonfur Afrika Kooxda dilka geeystay oo isu soo ekeysiiyay macaamiil wax ka iibsanaya dukaan uu ganacsadahaasi gadayay ayaa geystay dilka ganacsadahaas, kuwaasoo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday.

Sido kale guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Limpopo C/naasir Maxamed Sheekh ayaa saxaafadda u sheegay in la bar garanayo burcadda dishay marxuumkaasi, isla markaana ay la shaqeynayaan ciidamada Booliska si gacan loogu soo dhigo ragga dilay ganacsadahaas.,

Waxaa xusid mudan in ganacsato soomaali ah oo dhawacyo halis ah kaso gaareen burcad hubeeysan qaarkood u geeriyodeen halka kuwa kalane ay bogsadeen kadib daweeyn lala taacalay iyado dhacdooyinkan ay siyaaba kala duwan uga dhaceen daafaha wadanka oo idil,

Sanadkan sii dhamanaya soomaali badan ay sabab u ahayeen dilal kala duwan oo dhaxdooda ka dhacay iyado la xaqijiyay in tiro ku dhaw ilaa 12 soomaali ah ay dhaxdooda is dishay kuwa oo ka kala dhacay magalooyinka cape town,port elizabeth johannesbur,pretoria,durban iyo iyo gobolka limpopo.

dukaan0

Si kastaba Tirada guud ee sadaxdii sano ee laso dhaafay soomaalida lagu dilay dalka k/afrika ayaa waxay kor u dhaafeeysa 240 muwaadin soomaali ah kuwa oo isugu jira milkiilayaal dukaan,shaqaalo iyo dad garab ku xamalata ah waxaana lagu dilay daafaha dalka mii ilaa magaalo waxaana boob loo geeystay in ku dhow 700 boqol oo goobood oo ganacsi halka kuwa kala oo la dhacayna aysan tirakoob lahay.

dukaan1

dukaan4

dukaan9

dukaan2

Waxaa Sida Wada Jir Ah Warbixintan U Diyaariyay jaaliyada soomaaliyeed ee k/afrika (Somali Community Board) iyo Wariyayasha Kala Ah.

Omar Kiyow.

Abdulkhadir Ahad

Omarkiyow@gmail.com

axad57@gmail.com

Johannesburg –

K/Afrika

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " 60 Soomaali ah ayaa Lagu Diley Koonfur Afrika 2014 – magacyadooda halkan ka akhri… "

  1. ABDIRIZAK says:

    WALLALAYAA TIRADA AAD SHEEGTEEN IN BADAN OO AAN GARANAYNO OO AAN GACANTEENA KU DUUGNAY BAADAN XUSIN EE GOBALADA WADAN KA OO IDIL MA AHAN TIRAKOOB KA AAD KABIXISEEN MID SAX AH EE DIB USOO SAXA KUN LAABTA CIDA WARKA AAD KA HESHEEN. AAWAY WALAALIHA SOMALIYEED EE LAGU DILAY GOBOLKA NORTHERN CAP, LIMBOMBA, MOBALANGA, FREE STATE.