Home » Warar »

Sweden: Weerarkii lagu qaaday masjidkii soomaalida ee magaalada Eskilstuna

Hordhac:

Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden oo aan sidaas uga fogeyn caasimada dalka ee Stockholm, ayaa waxaa ku nool dad soomaali ah oo gaaraaya ilaa laba kun oo qof.Soomaalida ayaa ku kala nool xaafado kala duwan balse waxaa ay u badan yihiin xaafadaha ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada.Soomaalida ayaa magaaladaan aad u soo degtey shantii sano ee ugu dameysey. Waxaa jira soomaali badan oo shaqaysa, waxbarta iyo kuwo ganacsi ku leh magaalada. Soomaalida ayaa aad uga qaybqaata dhinaca siyaasada degmada Eskilstuna iyo gobolka Sörmland. Golaha degmada waxaa xildhibaano ka ah saddex qof oo soomaali ah, kana kala tirsan xisbiyo kala duwan. Waxaa kaloo jira dhowr qof oo soomaali ah oo  xubno ka ah waaxyaha kala duwan ee degmada sida waaxda tacliinta, shaqada iyo meelo kale.

somali188

Masjidka Dacwah

Masjidka soomaalida oo lagu magacaabi jirey xarunta dacwada ee Eskilstuna ayaa waxaa albaabada loo furay bishii maarso 2011-kii. Waxaa uu ahaa masjidkii ugu horeeyey ee ay soomaali maamusho oo magaalada laga furo. Masjidku waxaa ku yaaley meel aad u wanaagsan oo u dhow bartamaha magaalada. Bedka ama qiyaasta baaxada masjidka ayaa ahaa 260 meter oo laba jibaaran. Masjidku waxaa uu ka koobnaa laba qaybood oo waaweyn oo ahaa qaybta dumarka iyo qaybta ragga. Waxaa uu lahaa meel balaaran oo la fariisan karo laguna tukan karo oo u dhexeysa labada qaybood ee aan kor kusoo sheegay. Waxaa uu lahaa masjidku jiko waasac ah iyo afar suuli oo ku kala yaal labada qaybood ee masjidka. Waxaa kaloo uu lahaa meesha weysada oo si wanaagsan loo dhisay si loogu weyso qaato.Waxaa kaloo jirey qol xafiis ah oo maamulku isticmaali jireen. Masjidka waxaa laga soo geli jirey hal irid ka dibna waxaa loo kala leexdaa labada qaybood ee dumarka iyo ragga.

Tacliinta

Masjidka waxaa ka socdey duruus kala duwan. Waxaa wax ku baran jirey caruur gaareysa ilaa siddeetan arday. Waxaa kaloo masjidka ka socdey duruus iyo kitaabo dumarka loo akhrin jirey iyo weliba kitaabo loo akhrin jirey ragga. Waxaa lagu qaban jirey wacyigelin kala duwan oo ku wajahan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa masjidka lagu qaabili jirey culimada kala duwan ee soomaaliyeed ee magaalada nagusoo booqda.  Waxaa kale oo masjidku xarun u ahaa dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan degmadan. Masjidku waxaa uu lahaa idaarada maamulka haysey iyo weliba gudi xalin jirey khilaafka iyo arimaha kale ee soo kala dhexgala qoysaska soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada.

Gubitaankii masjidka

Maalintii ciida masiixiga ee 25 december 2014-ka ayaa waxaa weerar lagu qaaday masjidkii soomaalida ee magaalada Eskilstuna ee gobolka Sörmland ee dalka Sweden. Laba iyo tobbankii iyo badh ( 12.30) ayaa waxaa la sii daayey caruurtii dugsiga dhiganeysey oo aad u tiro badnaa,  ka dibna kowdii iyo sideed daqiiqo ayaa waxaa loo istaagey salaadii casarka. Waxaana lagu tukanaayey qaybta ragga, mana aaney jirin wax dumar ah oo ku tukanaayey qaybta dumarka. Kowdii iyo 12 daqiiqo iyadoo loo fadhiyo atixiyaatkii ugu dameeyey ayaa waxaa soo galay afar ka mid ah dhalinyarada masaajidka, waxaa ay xirteen salaadii waana fariisteen. Wiilashii mid ka mid ah oo fadhiyey dhinaca albaabka ayaa waxaa uu maqlay sanqadh aan caadi ahayn iyo weliba urka qaaca. Waxaa uu wiilkii ka baxay salaadii si uu u eego bal waxa dhacay. Balse markiiba waxaa indhihiisu qabteen masjidkii oo dhan oo holcaaya, ololka xawliga ku socdaana uu maraayo albaabka qolka lagu tukanaayey. Wiilkii ayaa albaabka si deg deg ah u xiray si aan dabku si dhaqsi ah ugu soo gelin, waxana uu ku qayliyey “ Masjidka dab ayaa qabsaday ee halaga baxo” Waxaana uu si degdeg ah ku furay daaqadihii. Dadkii ayaa salaadii ka baxay, waxaana ay bilaabeen iney daaqada ka boodaan. Waxaa dhacaayey qabow aad u daran, dadkuna waxaa ay ka carareen jaakadahii iyo kabihii. Nasiib wanaag wax dhaawac halis ah ma aanu dhicin. Xawliga dabka ayaa ahaa mid aad u socdey, taasoo dhalisay in si deg deg ah uu masjidkii u gubto. Ciidamada dabka damiya, aambalaaska iyo booliiska ayaa markiiba soo xaadiray si dabka loo damiyo loona kaalmeeyo dadka waxyeeladu soo gaartay. Jaaliyada soomaalida ayaa iyaguna soo gurmaday oo dadkii caawinay. Ilaahay subxaanu watacaalaa ayaa dadka masjidka ku tukanaayey badbaadiyey balse dhagarqabaha dhibka geystey waxaa uu ku talogalay inaan qofna meesha naf kala tegin. Balse ilaahay uun baa wax dila waxna nooleeya.

Yaa ka dameeyey gubitaanka masjidka?

Booliiska ayaa saacado ka dib gubashadii masjidka waxaa ay caddeeyeen in masjidka la gubey, laguna soo tuuray waxyaalaha sida deg-dega ah u qarxa. Warkaas ayaa waxaa uu noqday mid dhamaan gaaray caalamka oo dhan. Maamulka masjidka ayaa waxaa ay sameeyeen xarun qaabilsan xiriirka aduunka iyo warbaahinta caalamka. Waxaa soo hadlay idaacadaha ugu waaweyn dunida sida BBC , CNN iyo Al-jaziira. Dhamaan qaaradaha aduunka ayaa la soo xiriiray xarunta xiriirinta ee la sameeyey. Waxa masjidka gubtey hortiisa soo degey warbaahinta sweden kuwa ugu waaweyn. Waxaa ay dhamaan xiiseynayeen cidda gubtey masjidka iyo sababaha loo gubey. Sida deg dega ah ee masjidku u gubtey ayaa waxaa ay cadeyn u tahay in dabka meesha ka dhacay aanu ahayn mid caadi ah. Wakhtiga wiilasha soo daahay ay masjidka soo galeen iyo kolka wiilka salaada ka baxay uu dareemay urka qaaca ayaa waxaa u dhexeeyey wakhti ka yar laba daqiiqo. Kolkii ay soo galeen wiilashu masjidka ma aanu jirin wax dab ah oo gubanaayey iyo wax ay dareemeen midna. Qaabkii loo gubey masjidka, ciddii gubtey iyo qalabka la isticmaalay ayaa ah kuwo weli booliisku baaraayo.

 Gurmadka maamulka magaalada iyo dadweynaha

Waxaa jaaliyada soomaalida lasoo xiriiray gudoomiyaha magaalada iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka magaalada Eskilstuna. Waxaa ay ka tacsiyeeyeen waxii dhacay, waxaana ay balanqaadeen iney hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan jaaliyada soomaaliyeed ee dhibtu soo gaaray. Maalintii 26-ka december ayaa waxaa la iclaamiyey banaanbax looga soo horjeedo fal denbiyeedkii lagula kacay masjidka iyo jaaliyada soomaaliyeed. Waxaa isu soo baxay dad aad iyo aad u tiro badan oo waraaqo ku dhejiyey derbiyada iyo albaabka masjidkii la gubey. Fariimaha ay dadku qoreen waxaa ka mid ahaa : “ waan idin jecelnahay”. Keligiin ma tihiin” waan idinla jirnaa” uma dulqaadan doono in dhib la idiin geysto” qofku xor buu u yahay diintiisa iwm”. Waxaa kaloo mudaaharaadka kasoo qaybgalay maamulka degmada oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha degmada Eskilstuna, xildhibaano iyo qaar ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyada kala duwan. Maamulka degmada ayaa la kulmay maamulkii masjidkii la gubey, waxaana maamulka degmadu sheegay iney caawin doonaan jaaliyada soomaaliyeed si ay mar kale u helaan masjid. Kulamadaas ayaa ah kuwo sii socon doona.

aswed1 aswed1d aswed4ed asweden

Dowlada Iswiidhan ayaa iyada ruuxeedu ka hadashay dhibta loo geystey masjidka soomaalida. Raysul wasaaraha dalka Stefen Löfven ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin weerada lagu hayo masaajidada. Dhacadadii Eskilstuna, waxaa uu ugu yeeray mid waxashnimo iyo fuleynimo ay ku dheehan tahay. Waxaa kaloo ka hadlay dhibta loo geystey masjidka soomaalida; Wasiirka arimaha gudaha, wasiirka cadaalada, wasiirka dhaqanka iyo diimaha, wasiirka tacliinta ahna hogaamiyaha xisbiga cagaaran , hogaamiyayaasha xisbiyada mucaadka iyo madax kale oo badan.

Gebagebo iyo dardaaran

Jaaliyada soomaalida ee magaalada Eskilstuna ayaa muujiyey iskuduubni iyo karti ay ku wajaheen dhibta soo foodsaartay. Qof walbaa waxaa uu gacan ka geystey sidii loo caaawin lahaa dadka dhibtu soo gaartay. Si cilmiyeeysan oo aad loo qaabeeyey ayaan ku wajahney maamulka degmada iyo weliba warbaahinta dalka iyo kuwii caalmiga ahaa. Xaalada nabagelyo ee dalka Iswiidhan ee dhinaca ajaaniibta ayaa sanadihii dame aad u xumaaneysey. Baaritaan la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaadey in bil walba ugu yaraan hal masjid la weeraro. Dadka muslimiinta ah ayaa ah kuwo ugu badan ee waxyeeladu soo gaarto. Mowjado cunsiyeed iyo islaam nacayb ayaa dalka oo dhan ku baahay. Soomaalida oo ah kuwa ugu badan ee islaamka si wanaagsan ugu dhaqma ayaa mar walba noqda bartilmaameed. Haddaba waxaan soo jeedineynaa arimahaan:

  1. In soomaalidu magaalo kasta oo ay Iswiidhan ka joogaan muujiyaan isku duubni iyo iskaashi iyo iska warqab dheeraad ah
  2. In aan la qarsan ee lasoo sheego waxii ku gaara ama haddii ay jiraan wax aad ka shakisan tahay
  3. Haddii aad denbi aragto, waa inaadan ka biqin inaad booliiska la xiriirto oo aad weliba markhaanti noqotid. La kaasho qof kale oo soomaali ah si aad garab u hesho
  4. Inaan inagu, ka jaaliyad ahaan sii derisnaa oo u sheegnaa booliiska meelaha aan tuhmeyno in khatari inooga imaan karto.
  5. In jaaliyad kasta ay cadaadis saarto booliiska iyo ciidamada amaanka, kana codsadaan in amaankooda la ilaaliyo.
  6. In qof walbaa muujiyo feejignaan dheeraad ah.
  7. In bulshada soomaalida ah ee magaalo ku dhaqani ay yeeshaan afhayeen ama afhayeeno si looga digtoonaado isdhexyaac iyo hadalo isburinaaya ama iska soo horjeeda.
  8. Mustaqbalka, In dhalinyarada soomaaliyeed, gabdho iyo wiilalba ay ku biiraan ciidanka booliiska. Aad ayaa loogu baahan yahay dhalinyaro soomaaliyeed oo booliis noqota.

Qodobadaani waa tusaale balse ka feker waxii kale ee aad ku dari karto.

Mahadsanidinaaswed

somali187

Waxaa diyaariyey:

C/risaaq Maxamed Xuseen dheere

Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sweden: Weerarkii lagu qaaday masjidkii soomaalida ee magaalada Eskilstuna "

  1. Bashir Mumin says:

    Waxaa la hubaa oo xaqiiqo ah cida ka dambeysay In la gubo Masjid ay tahay cid neceb ama ehel u ah ( cunsurinmo iyo naceyb ku wajahan Jaaaliyadda) laakin soomalida waxaa looga baahan yahay gaar ahaa kuwa qurbo joogta ah, waxayabaha noocaaan oo kale ah markii ay dhacaan. in la muujiyo isku duubni iyo weliba dad u diyaarsan iney warbaahinta siiyaan warbixinadda iyo waxa ka dhacey meesha. inta badan warbaahinta Maanta ee Caalamka waxay noqdeen kuwa iyagu ehel u ah soo tabinta warar aan waxba ka jirin oo intooda badan ku dhisan mar hababis. marka Jaaliyadduu waaa iney sameysataa Dad matala, gaar ahaan markii ay dhacaan musoobiynka noocaan oo kale ah.
    Mida kale waa iney sameystaan jaaliyadda xafiiska isku xirka Dadweynaha iyo meediyaha. oo ay la socdaan cidi ay warsiiyaan waxa ay tebiyaan. inta aysan warka siin.

    Marnaba yeysan dhicin in dad xambarsan Cadiifad iney warbiixn siiyaan idaacadda.

    sidoo kale waa in idaacaddaha warbixinta la siiyey lagu koontaroola ineysan gudibin wax ka baxsan wararka la siiyay.

    Sababtoo ah waxaa mararka qaar dhacda iney inta yarta ah ee warbixn la siiyey ay iyagu ku darsadaan in badan oo ay is dhahayaan waad ka gedi kartaan caalamka.

    waa muhiim in la helaa ; Xafiiska isku xirka Dadweynaha iyo Idaacadaha. oo ay jaaliyadda ama Masjidku yeeshaa.

    Waad mahadsan tihiin.

  2. asc, salaan kadib walaalayaal waan kaxunahay cidda usoo badheedhay inay gurigii ILAAHAY gubto iyo muslimiintii kutukanaysay. waxaa iga talo ah ; in kaameerooyinka casriga ah laguxiro masjid kasta si loo ogaado danbiilayaasha. wabillaahi towfiiq