Home » Siyaasad »

Qaybaha bulsha ee dagaalka soomaliya | Jaylaani

Qaybaha bulsha ee dagaalka soomaliya

Mahad dhamaanteed waxay u sugnaatay allaah.naxariis iyo nabad galyana ha ahaato nabigeenii suubanaa (scw).

Waxaan halkan ku yara iftiiminayaa wax ku saabsan dagaaladii ka socday soomaaliya ee lala galay maamulkii horre c/laaahi yuusuf iyo kan hadda socda ee shariif lugula jiro iyo dadka wada qaybahooda oo aynu kula saari karno  3qaybood

1-MUJAAHIDIIN

2-QABIILIYIIN

3-XUKUNDOONO

  • -MUJAAHIDIIN

Waa kuwo ka kooban dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed. wixii muslim ah ee ka baxsan somaliya ee caawinayana soo dhaweystay.

Waxay arkeen dhibta haysata dadkooda dalkooda iyo diintooda waxay arkeen in gaalo utashatay.ka dibna way ka dhiidhiyeen hubkana way qaateen waxay halgamayaan inta ay ka gaadhayaan ahdaaftooda ku qotonta kitaabka alle iyo sunada nabbi muxamed (Scw) oo ah in ay dhisaan dawlad islaami ah. xor uh diintooda.cibaadadooda. mucaamilaadkooda.cadaalad leh.fulinaysa wixii allaah faray waxay ka awoodaan.reebaysa dhamaan wixii allaah udiiday.

ma ogala in dalkooda ay joogto gaallo ku haysata xoog iyo awood.u yeedhinayasa  shareecadooda inta ay kaga dhaqmayaan.uyeedhinayasa halka ay u marayso masiirkooda.uyeedhinayasa hadalada saxaafada.kuna baqdingalinaysa gaajo.islamarkaana usheegaya sida wax loo baryo.

mujaahidiintaas udagaalamaaya marka laysku soo ururiyi inay noqoto kalmadda allah mid sare kalmada gaaladuna mida hoose.kuma qasbana in ay gaadhaan midhaha jihaadkooda si dhakhso ah wax kastaba waxay ku socdaan qadarka illaahay.laakiin waxaa looga bahaanyahay in ay jeexaan dariiq saxan oo ay ka dhaxlaan jiilalka danbe si ay u sii anba qaadaan dariiqa jihaadka saxan.

Hadaba waxaa isugumida ah mujaahidiintaas aynu kor kusoo xusnay nidaam kasta oo kuyamaada si aan waafaqsanayn kitaabka Alle iyo sunada nabiga(scw) cidii doontaa ha horboodayso mana ictibaariyaan magaca qofka .si doo kale mujaahidiintu kuma koobna oo kaliya inta sidata hubka ee waxay ka koobanyihiin dhamaan qaybaha bulshaweynta soomaliyeed sida:-

  •  
    • Mujaahidiinta hubaysan
    • Ganacsatada bixisa xoolahaooda
    • Colimada ku taageerta burhaanta iyo xujooyinka
    • Saxafiyiinta ku dagaalama qalinka
    • Shacabka soo dhaweeyay ee siiyay hiil iyo hooba

 

  • QABIILIYIIN

Waa qolo ladaagalantay dawladii c/laahi yuusuf iyagoo aaminsanaa in uu kusoo duulay isagoo raba in uu gumaysto kana aargoosto isaga oo adeegsanayaa cadaw shisheeye dadkaasi waxay uhureen dagaalkaas lala galay c/laahi yuusuf naf iyo maalba waxayna adeegsadeen dariiqo kasta oo ay kula dagaalamayaan. waxay dadkooda ku dagaal galinayeen kakaca waa layna gumaysanayaa iyo dhamaan qaylo dhaanta lagu yaqaan dagaalka qabyaalada iyaga oo aflagaadaynaaya magacyo qabiilo kale oo somaliya.

Si doo kale waxay adeegsan jireen magaca diinta iyaga oo doonaaya in ay ka helaan gacan iyo taxaaluf soomaalida kale .

dadkaasi hadda waxay layaabanyiin dagaaladan socda waxayna leeyihiin waa maxay dagaalku mar hadii laridnay c/laahi. nin inaga ahna la saarnay kursigii.waxay hilmaansanyiin in ay jireen dad kale oo ka fara badan iyaga kursigana kala tuuray C/laahi yuusuf maqsadkoodiina wali aan gaadhin maqsadkaas oo ah kaynu kor ku soo xusnay.

Dadkaasi waxay u badanyiin dad caamo ah una baahan in loo qeexo(jilciyo) waxa isbadalay si ay ula jaan qaadan jihaadka una noqdaan ANSAAR.

  • XUKUNDOONO

Qoladani waa qolo yar oo ka faa,iidaystay dadaalkii iyo dhiigii labadaas qolo ee aynu soo sheegnay (mujaahidiinta&qabiiliyiinta) waxayna u arkeen in jaaniskoodii ahaa kursi doonku usoo dhawaaday isla markaasna waxay qaadeen talaabooyinkii ay ku gaadhi lahaayeen.waxay isu tuseen shacabka niman dacad ah oo jihaad ku jira.

waxay uyaqaanaan beesha caalamkana waxay tuseen waji kale  oo ah in ay iyagu kaga wacanyiin C/laahi yuusuf hawsha ay u dirteen sidaa  darteed iyaga ay wax la qabtaan.

Arinkaasna waxaa u dhaga nuglaaday wixii loo yaqaanay beesha caalamka wayna ka hawl galeen iyaga oo ka bilaabay in ay siyaasada soomaliya ku soo daraan koox ay u bixiyeen (QUNYARSOCOD) islamarkiibana waxay siiyeen tas hiilaad ufududeeya waxa ay doonayaan. sida lacag badan oo lasiiyay.safaro badan oo qaarkood ahaa diyarado gaar ah (Special).ilaa laga soo gadhay shirkii djibouuti oo loogu deeqay qoladii qunyarsocodka loo bixiyay 275 xildhibaan si ay u guulaystaan.

sidoo kale waxaynaan meesha ka saari Karin in ay jiraan qaar kamid ah  oo waligoodba ugu shaqaynaayay sirdoon ahaan gaalada labaxday beesha caalamka.

Qoladaas waxaa horbooda oo haddana kursiga ku fadhiya SHARIIF.waxaan ka codsanayaa qof kasta oo akhriya maqaalkaygan in uu dib u eegid ku sameeyo qudbadihii shariif wakhtigii uu ahaa G/maxakamada/G/isbahaysiga/iyo hada oo uu  ku fadhiyo kursigii C/laahi laga badalay.

ma xasuusataan baycadii(Balantii) jihadka ee uu lagalay dadkii muqdisho ee isigu yimi (Stadium-ka)

maxasuusataan ardaydii jaamacada muqdisho ee uu lagalay baycada(Balanta) jihaadka.

hada oo uu sheegto madaxweynaha ay soo doorteen beesha caalamku qudbadaha uu jeediyo ka warama.

waxaa ugu danbeeysay Amisom may galin dagaalkii sabtida 12-jul-09.waxaa kasii daran hada iyagiibaa qirtay.

waxaa lamida madaafiicda lagu garaaco shacabka ee Amisom soo rido waxaa lagu duqeeyaa gobo mucayin ah.

waxaa nasoo weeraray argagixiso.waa yaabka yaabkii muxuu ku haystay c/laahi.bal waxaynu ka warsugi doonaa halka ay lagaadho iyo goorta la tuuro ee beesha caalamu naco.kolayba isagu gaadh xukunkii uu doonaayay hadaan wax kaleba usii dheerayn.

Sidoo kale waxaa jirta saxaafad ku taageerta qorshahoodan guracan iyadoo eegaysa dano ganacsi.

 Ugu danbayn waxaan talo usoo jeedinayaa 3qolo

  • Mujaahidiinta
  • Xubnaha sheegta baarlamanka
  • Culimada soomaaliyeed

Mujaahidiinta waxaan leeyahay

  • Dagaalka waxaad dhinacwadaan wacyigalin si loo fahmo waxa aad udagaalmaysaan.
  • Dadka qaxaya ee maatada ah ku caawiya wixii aad u tari kartaan ugu yaraan qof qoxaya oo qaadi kari waayay alaabadiisa la qaada dadkuna hadreemo naxariista diinta.
  • Mideeya cududiina si aad ugaadhaan yoolkiina hana murmina si aydaan ufashilmin.
  • Qadariya culimda w/weyn ee lagu tuhmo khayrka nasteexadoodana ha u arkina cudur.

Xubnaha sheegta baarlamaanka waxaan  leeyahay

  • Waxaan ujeedaa kuwa cusub ee shariif ku soo kordhiyay oo ay kujereen rag badan khayrna lagu tuhunsanaa.Allaah kabaqa hasiisanina xubin baarlamaan diintiina.
  • hasiisanina xubin baarlamaan dadkiina.
  • haku badalanina xubin baarlamaan guumaysi iyo uyeedhasho gaalo qabsata dalkiina.
  • dib u eega dadka u shaqeeya gaalada masiirkooda iyo waxa ay ku danbeeyaa.

    Waxaan idinka rajaynayaa in aad iska casishaan boos gumeed loogu shaqeenaayo gaalo.

Culimada waxaan leeyahay

    Aniga oo idiin haya qadarin badan ogna meesha aad kaga jirtaan bulshada hadana bini-aadam-ku kama maarmo xasuus iyo wax isu sheeg

  • Maxaad uga hadli waydeen ciidamada gaalada ah ee ladalbaday
  • Maxaad uga hadli waydeen kuwa jooga ee aad mudada u qabateen mudadiina dhamaatay shacabka wali la dhacaya madaafiicda
  • Maxaad uga hadli waydeen dadka muslimka ah ee inta ladilo lagu lacag doonanaayo ee lagu sheegaayo ajaanibka.
  • Muqaawmadu miyaanay lahayn qodobo fiican oo lagu taageero maxaad uga hadashaan oo kaliya had iyo jeer dhaliishooda.miyaanay ka wacnayn in loo saxo waxa ka khaldan laguna tageero waxay ku saxsanyiin. mise waxaad jeceshihiin in lakala diro cududa islaamka ee joogta 7-da gobal
  • Ma ceebaa in la fahmo waaqica ku xeersan dagaalada socda iyo waxa ay dabada ku hayaan.

    Igama aha ceebayn culimo ee waxaan jecelahay in ay dib ugeedid ku sameeyan qodabadan si loogu qanco dhex-dhexaadnimadooda. 

    Ugu dan bayn wixii aan gafay waa naftayda iyo shaydaan.wixii aan asiibayna waxaan ajri kaga doonayaa ALAAH 

     

C/qaadir muuse xasan (Jaylaani)

  jaylaani_mosa@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qaybaha bulsha ee dagaalka soomaliya | Jaylaani "

  1. jAAjUUmOOw says:

    war jira moog ayaad tahay ninka qoray maqaalkaan.. waxaanadba ogeyn in ay soomaliya joogaan waxa layiraahdo mujaahid..

    Soomaliya iska daaye adduunkaan maanta anaku nool nahay nin mujaahid ah ma jooggo, Soomalina iskaba daa waa kasii xag jiraan umadaha addunka kunool…

    Haddii waxa maanta soomaliya ka socdo aad ku tilmaantid JIHAAD micnaheedu waxuu yahay aan caabduno QABIIL…

    Soomalida QABIIL dartiis way u dhintaan QABIIL QUR’AAN lagu dahaarayna waxy kugu gaaleeyaan!!!

    marka ninka warkaan qoroyoow adiga meeqa ILLAAH ayaad ledahay?!