Home » Warar »

Wargeyska SOMALIPRESS oo muddo 17 Sanno ah ka soo baxayey Dalka Canada oo Markii ugu horeysey laga soo saarey Muqdisho.

Wargeyska SOMALIPRESS oo muddo 17 Sanno ah ka soo baxayey Dalka Canada ayaa Cadadkii ugu horeeyey waxaa laga soo saarey Magaalada Muqdisho , waxaana Daahfurkii Wargeyskaas loo sameeyey Xaflad si heer  loo soo agaasimey oo ay ka qayb galeen Qaybaha ka duwan Warbaahinta,Ganacsato,Shirkadaha gaarka loo leeyahay, Xawaaladaha, Kuwa Isgaariisnta,Jaamacadaha,Waxgarad,Aqoonyahano iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka Hadley Fardowso Maxamed Khayre oo sheegtey  in Wargeyska uu Muddo ku dhow 17 Sanno uu ka soo baxayey Lix Gobol oo ka tirsan Dalka Canada, waxayna Sheegtey u jeedka soo saarista Wargeyska ee Dalka Canada   uu ahaa in Soomaalida ku nool Wadanka Canada  la socdsiiyo Wararka Soomaalida maadaama Dalkaas ay ku dhaqan yihiin Soomaali fara badan oo ay sheegtey in aad ugu baahnaayeen Wararka Soomaalida.

Waxaa sidoo kale halkaa ka Hadley Cabdicasis Axxmed Maxamed Gurbiye oo ku hadlayey Magaca Wargeyska SOMALIPRESS ayaa sheegey in Sababaha ay Wargeyska ugu  soo soo saareen Dalka  ay tahay in ay wax ka badelaan qaabka wargeysyada  hadda loo soo saaro  si Bulshada u heleen Wargeys Tayo wanaagsan oo ay Bulshada gaarsiiya Macluumaad  Xiisa geliya.

“Waxaan Xooga saari doonaa  arrimaha Bulshada si aan Bulshada ugu baabi’ino Wararka Dhiilada Xamaarsan  ee ay Mudada Dheer ku soo jireen ‘ ayuu yiri Cabdicasiis oo  sheegey in Maamulka Wargeyska uu Diyaar u yahay in ay soo dhaweeyo Shirkadaha, Ganacsata iyo Cid walba oo doaneysa in Wargeyska ku Xayeysiistaan Ganacsigooda welibana qiimo Jaban “

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Idaacada STAR-FM Ismaaciil Kaliifa  oo ay  Hadaladiisu u badnaayeen kuwa Dardaaraa ayaa ugu baaqey Maamulka  Wargeyska uu Xooga saaraan  afka Soomaaliga maadaama uu afka Soomaaliga uu yahay mid sii Dabar go’aya sidoo kale waxaa uu sheegey in Dhinacooda ay diyaar u yihiin  in wixii aqoon oo ku saabsan qorida afka Soomaaliga ay ku biiriyaan.

Barre Cabdulaahi  Bangaladeesh oo ku hadlayey magaca ururka Wargeysyada Madaxabanaan ee Muqdisho ayaa waxaa uu u soo jeediyey Maamulka iyo Qorayaasha Wargeyska in  ay Dhexdhexaad noqdaan islamarkaana Wargeyska ka dhowraan Wax kasta oo Xanaf geeni karo, soo kale waxaa uu sheegey  in loo baahan yahay in ay Wargeyska lagu  qoro Warar la turxaan bixiyey oo saldhig u ah afka hooyo

somali183

Waxaa iyana halkaa ka Hadley Xubno ka socdey Shirkadda Hormuud , Shirkadda SomTel,Jaamacadaha iyo Bangi-ga Trust African Bank Hambalyo ka dib waxay sheegeen in Wargeyska SOMALIPRES uu la yimaado Qoraalo soo jeedin kar Bulshada Soomaaliyeed iyagoo balan qaadey in Wargeyska siin doonaa Taageero hiil iyo Hooba leh waxaa ugu Dambeytii Qoraa Sare Axmed Maxamuud Dhicisow uu Daaha ka rugey Cadadkii ugu Horeeyey ee ka soo baxa Muqdisho islmarkaana uu u qaybiyey ka qayb galayaashii.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.