Baarlamaanka DFS oo ay soo xaadireen 224 ayaa 218 codka kalsoonida siiyey ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, kaddib warsaxaafadeedyada hoose ayaa kasoo baxay xafiiska raiisul wasaaraha iyo kan madaxweynaha….
Muqdisho, 24, Dec. 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, si ay u siiyaan codka kalsoonida kadib markii uu Madaxweynuhu magacaabay 17-kii bishan.
Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa Barlamaanka ka hor akhriyey khudbad ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumadiisa, iyo qaab ka ay noqonayso xukuumada cusub oo soo dhiso doono.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.
“Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna leh karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo firfircooni. Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo, lana higsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada sida ugu dhakhsida badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu noqon doonto mid ay kala dhaxayso wada shaqayn dhamaan Hay’adaha dowaldda, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka saari karta marxalada uu hada kujiro, loona xaqiijiyo hirgalin aragtida 2016.
“Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, aniga oo kaashanaya Madaxweynaha,Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya” ayaa yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay in xasilooni la’anta Siyaasaddu.ay halis gelin karto, Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku noqon karta bisaylkii siyaasadeed ee aan gaarnay sanadihii lasoo dhaafay
Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, isagona sheegay in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul wasaaraha tixgalina uu sii doono go’aamada golaha wasiirada isagoona sheegay inuu ku difaacayo sarreynta sharciga.
“Waxaan idinka mahadcelinayaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo aan u soo magacaabay Danjire Cumar oo kalsooni aan ku qabo inuu howlaha harsan dhameystiri karo, sidoo kalena uu sii wadi karo howlihii labadii sano ee lasoo dhaafay lasoo qabtay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay R/Wasaare Cumar inuu degdeg ugu hawlgalo dhisidda xukuumad cusub si loo gaaro hadafka dalka ee ku aaddan horumar, ammaanka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016.
–DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so
…… Warsaxaafadeedka xafiiska madaxweynaha hoos ka akhri…..
Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka uga mahadceliyey ansixintii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke
Mogadishu, 24 December 2014 – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mudanyaaasha iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in Xildhibaannada Baarlamaanka fadhiyay ay dhammaantood cod oggolaasho ah ay ku taageeraan ansixinta Ra’iisal Wasaaruhu in ay ka tarjumeyso in uu yahay mas’uul magacaabiddiisa aad loogu qanacsan yahay, aadna loogu hanweyn yahay waxqabad muuqda in uu la yimaado.
Waxaan mar kale u ballan qaadayaa Xubnaha Baarlamaanka in Xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaruhu soo dhisayaa ay noqoneyso mid inta suurta gal ah ay ku mideysan yihiin xoogagga siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay tallaabada horumarka ah eek u wajahan dhismaha Xukuumadda Soomaaliya ee maanta uu Baarlamaanku meelmariyay, wuxuuna bulshada u ballanqaaday in lagu dhakhsan doono dhammaystirka dhismaha Xukuumadda si loo guda galo howlaha waaweyn ee wax ka qabadka u baahan.
Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu u hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid, oo maanta uu Baarlamaanku ansixiyay. Wuxuuna u rajeeyay in uu ku guuleysto mas’uuliyadda culus ee loo xil saaray.
DHAMAAD
Shador Haji Mohamud
Office of the President of Somalia
media@presidency.gov.so
Asc waxan aad uga xumahay magaca Alle oo lagu dhaaranayo kadibna balantii lagu dhaartay aan la oofineyn, waxan dhihilahaa inta aadan dhaaran kafiirso, xilkan aad qaadeyso ma yahay mid aad gudan karto? hadaba waa maya, haddii ay maya tahay haku dhaaran magaca Alle, haddii aad xilka qaadi kartana sida aad balanta uqaaday wax inoogu qabo. waxan kusoo koobayaa hal ogeysiis oo ku saabsan Ra’isalwasaaraha, ogsoonow dalka kaligaa malihid waa naga wada dhexeeyaa, Awood uma lihid in aad iibsato badda iyo beriga soomaaliya, waxa wada leh inta magaca soomaaliga wadata caruur iyo cirooleba.