Home » Warar »

Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya oo booqasho ku yimid Minneapolis shirna ku qaban doona maanta oo Sabti ah

Somalitalk Minneapolis: Waxaa soo gaaray Maraykanka Xeer illaaliyaha guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, mudane Dr. Axmed  Daahir Cali, xeer illaaliyaha ayaa caawa oo Sabti soo geleyso soo gaaray magaalada Minneapolis oo ah halka ay ugu badantahay Soomaalida dagan Waqooyiga Maraykanka.

Safarka xeer illaaliyaha ayaa ku saabsan warbixin uu jaaliyada la qaybsan doono iyo talooyin uu ka dhagaysan doono. Xeer illaaliyaha ayaa ka hadli doona Cadaalada iyo arimo la xiriira badda Soomaaliya.

Cabdirashid Aabi oo ka mid qaban qaabiyaasha shir ayaa Somalitalk u sheegay inuu ku wargalinayo dadka Soomaaliyeed ee dagan Minnesota inay kasoo qayb galaan kulankaan muhiimka ah.

Xeer illaaliyaha ayaa maanta oo Sabti ah (Dec 20, 2014) shir ku qaban doona Hotel-ka Ramada Plaza ee Minneapolis, cinwaanka: 1330 Industrial Boulevard Northeast, Minneapolis, MN 55413. Saacadda shirka waa 6:00pm – 9:00pm.

Flayer-ka ka fiiri macluumaad dheeraad ah oo shirka la xiriira.

xeer_ilaaliye_guud

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.