Home » Warar »

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Markii ugu horeysey la doortey.

waxaa markii ugu horeysey taariikhda qabsoomey kalfadhigii koowaad ee baarlamaan ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed kaasi oo ka kooban 275 xildhibaan oo 84 ka mid ahi ay yihiin gabdho taas oo looga gol lahaa in gabdhuhu ay ugu yaraan 30 ka ahaadaan Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed si loo dhiirageliyo kaalinta Gabdhaha Soomaaliyeed ee siyaasada iyo horumarka Dalka. Kulanka Baarlamaanka Dhallinyarada oo intii muddo ah qabanqaabadiisa lagu soo jirey Waxaana madasha soo xaadirtey illaa 246 Xildhibaan oo ka mid ah 275-ka xildhibaan ee uu baarlamaankani ka kooban yahay. waxaana halkaasi ka dhacday doorasho si weyn loogu tartamay gudoomiyenimada iyo ku xigeenadiisa
.
image

image

image

image

image

Waxaa kulanka furay Xamdi Xaaji Cali oo ahayd xildhibaankii ugu da’da yareyd ee Baarlamaanka, islamarkaasina horey loogu doortey guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed. Ajandaha shirka waxa uu ahaa doorashada guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, taas oo markiiba la gudo galay. Waxaa doorashada guddoomiyahaisu soo taagay Yoonis Cabdiraxmaan Axmed, Maxamed Axmed Xaaji iyoMahdi Abshir Cumar.

Wareeggii koowaad ee doorashada xildhibaanada waxa ay codkooda ku dhiibanayeen waraaqaha codbixinta, kuwaasi oo laguridayay Sanduuq dhalo ka sameysan oo la arkayay warqadda lagu ridey. Markii gudigii doorashada oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano hore iyomarti sharaf ayaa waxaa lagu dhawaaqay natiijada, waxayna noqotey Mahdi Abshir Cumar oo heley 105 cod, Yoonis Cabdiraxmaan Axmed oo heley 99 cod iyo Maxamed Axmed Xaaji oo heley 37 cod. Maadaamaa musharixiinta midkoodna uusan helin 139 cod ee laga rabay ee ay guushaku raaci lahayd wareegga koowaad, waxaa lagu qasbanaaday in wareegga labaad loo gudbo, waxaana isku soo haray labadii musharax ee ugucododka badnaa, kuwaasi oo kala ahaa Mahdi Abshir iyo Yoonis Cabdiraxmaan.

Gudiga doorashada ayaa markani go’aan ku gaarey in gacan taag lagucodeeyo, iyada oo xildhibaanada ay saf saf u codeeyeen. Markii ay doorashada dhamaatay , gudigii doorashadana ay isu diyaarinayaan in ay ku dhawaaqaan natiijada ayaa waxaa masraxa soo fuuley Mahdi Abshir Cumar oo ka mid ahaa musharixiinta labada ah, wuxuuna ku dhawaaqay in uu isaga ka tanaasuley musharaxnimadiisa, isaga oo sabab oga dhigey in hooyadiis ay kula talisey in uusan hawshaasi gelin maadaamaa uu yahay wiilka keliya ee ay dhashay.

Waxaa kadib xilkii si rasmi ah ula wareegey oo lagu dhawaaqay in uu guddoomiyaha cusub yahay Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed, waxaana xilka ku wareejisey xildhibaanadii ugu da’da yareyd ee loo doortay guddoomiyahaku meelgaarka ah ee Baarlamaanka Dhalinyarada taas oo lagu magacaabo Xamdi Xaaji Cali. Madasha ayaa waxa ay ahayd meel xamaasadu aad u kacsan tahay, lagana dareemayay saansaan kasta oo doorasho, waxaa darbiyada ku dheganaa sawirada musharixiinta.

Guddoomiyaha la doortey Yoonis ayaa balanqaaday in uu ku shaqeyn doono hufnaan iyo caddaalad, dhalinyaradana u horseedi doono mustaqbal fiican Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ah Guddoomiyaha ururarada bulshada Rayidka ayaa bogaadiyey doorashada ka dhacday madasha, wuxuuna guddoomiyaha cusub kula dardaarmay in uu yeesho dulqaad,islamarkaasina balan been ah uusan ka qaadin xildhibaanada da’da yar.

Prof. Yaxye Cali Faarax oo ah guddoomiyaha jaamacadda SIU oo ka hadlay madasha ayaa dhalinyarada uga mahadceliyey biseylka ay muujiyeen, wuxuuna sheegey in tani tahay wax wanaagsan oo muujinaya horumarka iyo mustaqbalka wanaagsan ee dhalinyarada.

Mudane Abshir Bukhaari oo ahaa hal abuurihii iyo curiyihii fikrada Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa isna aad ugu bogaadiyey xildhibaanada da’da yar in ay tani u tahay bilawga mas’uuliyada weyn ee hortaala isaga oo intaas ku daray in ay u noqdaan dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed tusaale fiican oo ay ku daysadaan. Waxaa kale oo uu u sheegay in baarlamaanka Dhallinyarada looga baahanyahay in ay hada ka dib ku tababaran doonaan ka doodista hindise sharciyeedyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya haatan horyaala, iyaga oo xor ka ah qabyaalad iyo saameyn siyaasadeed ka dibna ay u codeeyaan hindise sharciyeedyadaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.