Home » Warar »

Kulanka Baarlamaanka ee Sabtida oo wax Walba laga filan karo.

.. Madaxweynaha 117 Xildhibaan, Raiisul Wasaaraha 110 Xildhibaan

.. Daahir Mire Jibriil “ Haddii Raiisul Wasaaraha la rido Siyaasada Soomaaliya meel Xun bay gaareysaa”

Waxaa la filayaa in (Sabti Dec 6, 2014) kulan ay isugu yimaadaan Xubnaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka kaas oo looga hadli doono Mooshinkii looga soo horjeedey Raiisul Wasaraaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Weli Shiikh Axmed ka dib markii Xildhibaano gaaraya Boqol ay Gudoonka baarlamaanka u gudbiyeen Mooshiin ka dhan Raiisul Wasaaraha .

Muddo Saddex jeer ah ayaa kulamo ay isugu yimaadeen Xubnaha Baarlamaanka Federaalka uu ku dhamaadey Fowdo iyo Qalaase ka dib markii Xubnaha Baarlamaanka ee taageersan Raiisul Wasaaraha ay Mooshinkaas ku tilmaameen mid sharci darro ah oo laga soo riixayo Xarunta Madaxtooyada hase yeeshee Dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen qaar ka mid Xubnaha Baarlamaanka iyo Gudoonka ayaa lagu ogolaadey in la qaybiyey Mooshinkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ee Taageersan Raisul Wasaaraha ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in ay Kalsooni ku qabaan in raiisal Wasraaha uu Codka Kalsoonida ka helo baarlamaanka iyadoo warar aan helney ayaa waxay sheegayaan in Tirada Xildhibaanada ee taageersan Madaxweynaha ay gaarayaan 117 Xildhibaan halka Raiisul Wasaaraha ay iyana gaarayaan 110 Xildhibaan .

Maalinta beri oo ay Taariikhdu tahay Lixda Bisha December ayaa dadka u kuurgala siyaasada ayaa waxay sheegayaan in ay noqonyso maalin Siyaasada Soomaaliya ay meel u dhici doonto waayo waxay sheegeen in muddo laba Bilood Siyaasada Soomaaliya ay hayd mid gebi dhac leyneysey ka dib markii ay istaageen dhamaan Howlihii Siyaasadeed ee Soomaaliya ha noqoto Dhinaca Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasada .

image

Aqoonyahan Daahir Mire Jibriil oo ku sugan Cariga Mareykanka ayaa mar uu u waramayey Idaacada Kulmiye ayaa waxaa uu sheegey in Hadii uu dhaqan galo Mooshinka looga soo horjeedo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Siyaasadda Soomaaliya waxay noqoneysaa mid ka dhacdo Hadaan waayo waxaa istaagaya dhamaan taageeradii caalamiga ahayd ee la siin jirey Dowlada Soomaaliya.

Haddaba waxaa u fadhinaa waa maalinta beri haddii Eebe idmo waxaa ka soo baxay Kulanka baarlamaanka iyadoo haddi Raiisul Wasaaraha Soomaaliya uu helo Codka Kalsoonida ay qabaan dadka qaar in ay adkaan doonto in sii wada Shaqeeyaan Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.