Home » Warar »

Al-Minhaaj- Maxaadaro kusaabsan Danbiyada Waawayn oo lagu qabtay Gaalkacyo

Muxaadaradaani oo lagu qabtay Masjidka Ramadaaan ee Xaafada Garsoor ayaa loo qabtay Bulshada qaybaheeeda kala duwan waxaana ay Masaajidka kabilabatay Salaadii Makhrib kadib.

Muxaadarada ayaa waxaa soojeediyay shiikh cabdicaziiz axmad aadan (garwayne) wuxuuna aad ugu dheeraday shiikhu kahadalka danbiyada waawayn sida shirkiga, beenta, ribada, dilka, dhaca, boobka iyo sinada.
Shiikh cabdicaziiz wuxuu sheegay in danbiyada waawayn ay keenaan labo arimood oo ah in waajib laga tago ama macsi lakasbado , waxaana uu intaas kudaray in danbiga wayn uu yahay wixii nacaladi kusoo aroorto ama xad ka waajibo ama care alle iyo cadaab waajibiya.

Dhanka kale shiikh cabdicaziiz wuxuu ku dheeraaday qaybaha kabaairta waxaana uu sheegay in kabaairtu ay uqaybsamaan labo qaybood oo kal ah mida xaqu laah iyo xaqu aadami , waxaana uu intaas kudaray in loo qaybiyo afar qaybood oo waawayn oo kala ah:

1-Dunuubta Boqornimada sida: Cibaadada , Xukunka ,Khasbidda iyo wax walba oo Alle gaar la yahay.
2-Dunuubu Shaydaanimada Sida: Xad gudubka , islawaynida IWM.
3-Dunuubta Bahalnimada Sida: Dilka , Dhagarta IWM.
4-Dunuubta Xayawaanimada Sida: Dharjinta Caloosha iyo Farjiga.

Ugu danbayntii waxaa uu Shiikhu kusoo gaba gabeeyay Muxaadarada Sidii lagu Daaweyn lahaa ama looga bixi lahaa Danbiyada waaweyn waxaana uu sheegay in loo baahanyahay Tawbo Nasuuxa ah oo laga helay Shuruudeedii (Danbiga in laga boxo , Laga Shalaayo , in uu goosto in uusan dib danbe ugu noqon) , iyo in Alle loo noqdo , Qofku in uu Carabkiisa iyo Xubinkiisa taranka Ilaaliyo , iyo in loo istaago Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda.

Sikastaba ha ahaatee Muxaadaradaani ayaa waxaa ay qayb ka tahay Muxaadarooyin Isbuucii mar la qabanayo looguna tala galay in lagu Cusboonaysiiyo Boorkana looga qaado Iimaanka Bulshada.

Cabdulaahi Sahal Maxamuud
Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)
sanka2014@gmail.com
garwayne

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.