Home » Warar »

Halgan.net oo labaraalriyey laguna kordhiyey qayb cusub (Radio Halgan)

Maamulka Shabakadda Wararka Halgan.net waxay ugu bishaareynaynaa dhamaan umada Soomaaliyeed in ay hawada soo galisay Mareeg cusub oo Islaami ah oo la yiraahdo www.Radio Halgan.net Eeg Halkan waxaana si gaar ah loogu keydin doonaa Mareegta cusub Duruusta ,Nadwooyinka ,Muxaadaraadka iyo tawjiihaadka culumada Soomaaliyeed, Mareegta ayaa waxaad ka heli doontaa hadii alle idmo duruustii iyo muxaadaraadka culumada Soomaaliyeed.

Halgan1

Boga cusub ee halgan.net soo kordhisay, halkaan ka eeg.

Halgan.net ayaa in mudo dheer soo gudbin jirtay muxaadaraadka iyo Nadwooyinka culumada waxaana codsi badan oo ka yimid Akhristayaasha Halgan.net uu Maamulka Halgan.net uu goostay in Mareeg gaar ah loo sameeyo Duruusta ,Nadwooyinka ,muxaadarooyinka culumada si sahlan ay walaalaha Islaamka ugu fududaato ka faa’iideysiga duruusta culumada .

Mareegta Radio Halgan.net ayaa waxaa sidoo kale insha Allaah ka heli doontaa Taariikh nolaleedka culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn baaca dheerna ku leh faafinta dacwada. Radio Halgan.net ayaa waxaa wili ku socda dhismo yar waxaana ku jira duruus badan oo muhiim ah waxaan alle ka baryeynaa in uu naga dhigo kuwa ka faa’ideysta ,barta kuna dhaqma cilmiga ay barteen Aaamiin.

Waxaa kale oo Radio Halgan.net dhawaan ka heli doontaa Radio iyo Stream Live oo aad kala socon doonto Duruusta iyo tawjiihaadka culumada ku sugan dalka iyo dibadiisa inshalaah .

Boga cusub ee halgan.net soo kordhisay, halkaan ka eeg.

Wixii talooyin ah fadlan ha nagala bakhiilina inshalaah, halkan nagala soo xiriira.

xigasho: halgan.net

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.