Home » Warar »

Abdirahman Beileh : waxaa dalka laga dhisayaa 10 Xarumood oo leh dugsiyo farsamada gacanta

Mogadishu, November 12, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo cishooyinkii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia , ayaa maanta Caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay, isagoo shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Adan Abdulle , ku faah faahiyay guulaha uu ka soo hoyay kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Ururka Islaamka , Bankiga Horumarinta Islaamka iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga.
wasiir

Wasiir Beileh oo la hadlayay Warbaahinta ayaa yiri “ muhiimadda shaqadeyda ayaa waxaa ka mid ah inaan soo dhiraan dhiriyo balan-qaadyada iyo yabooha maaliyadeed ee wadamada iyo hey’adaha ay u sameeyaan Soomaaliya,hayeeshee hey’adaha kale ee dowladda ayaa dhaqan-gelinta iyo maamulidda hantida ku shaqa leh”.

H.E. Abdirahman D. Beileh ayaa sheegay in uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Mr. Iyad Amin Madani , oo ay isla soo hadal-qaadeen fulinta talooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud oo ku saabsan isbadal lagu sameeyo xafiiska arrimaha degdega ah , lagana furo Muqdisho Xafiis weyn oo soo uruuriya lacagaha , si dalka oo dhan looga hirgeliyo mashaariic horumarineed, waxa uu yiri Wasiirka “ Xafiiskaasi ma noqonayo NGO ama wax la mid ah, wuxuu kala xisaabtamayaa dowladda qaabka ay u maamusho hantida iyo deeqaha”.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga uu ku tagay dalka Sucuudiga ayaa ku qotantay la xisaabtanka hey’adaha, ururada iyo bankiyada ay Soomaaliya xubin ka tahay .

Waxa kale oo Wasiirku yiri “ waxaan ka wada hadalnay qorshaha iyo qaabka loo maamulayo lacagaha mashaariicda harsan , dowladda Soomaaliya kaalin ayey ku yeelaneysaa dhammaan mashaariicda OIC ka fuliso dalka oo ah deeqo wadamo iyo hey’ado ay ugu deeqeen Soomaaliya”.
bayle
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa mudadii uu joogay Magaalada Jeddah , waxa uu kula kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga oo ay ka wada hadleen , xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya .

Wasiir Beileh waxa u u sidoo kale Magaalada Jeddah kula kulmay Gudoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Dr. Ahmad Mohamed Ali oo ay isla soo hadal-qaadeen fulinta balan-qaadkii hore Bankiga u sameeyay Soomaaliya oo ah dib u dejinta qaxootiga iyo codsiga dowladda Soomaaliya ee ah in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay .

H.E. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa xusay in Bankiga uu ka caawin doono Dowladda Soomaaliya hirgelinta barnaamijka Qoriga dhig Qalinka qaado , iyadoo la dhisi doono illaa iyo 10 xarumood oo leh Iskuul lagu baranayo farsamada gacanta iyo jiif , waxaana shardi ah qof waliba oo lagu xareynayo xerooyinkaasi in marka hore dowladda ku wareejiyo hubkiisa .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
info@mofa.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.