Home » Maqaallo »

Inta aan Baqeyno Birtu Waa na Saaran Tahay.

Tan iyo markii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay ammaankii iyo adeegii bulshaduna ay meesha ka baxeen waxaa jiray isku-dayo badan oo lagu doonayey in dhibaatada Soomaaliya xal loogu helo iyadoo badankood dadaaladaasi ay ku dhammaadeen fashil, waxaana aad u adkaatay in qarankii sida fudud lagu bur-buriyey dib loo helo sababta ugu weyn ee sii fogeysay in la helo qaran Soomaali ay leedahay oo adag waxaa inta badan lagu sheegaa faragelin shisheeye iyo shacabka Soomaaliyeed ee colaada iyo qabiilku kala geeyeen oo aan lahayn mowqif mid ah oo ay qaranimadoodii bur-burtay ku soo nooleynayaan.

Bur-burka kuma dhicin oo keliya dalka ee waxaa sidoo kale bur-bur ku yimid dadka Soomaaliyeed kuwaasoo aaminay ineysan waxba qabsan karin maadaama ay noqdeen dad dal leh balse aan lahayn sharci iyo nidaam kala haga una horseeda dariiqa horumarkha iyo barwaaqada.

Hadaba bur-burkaas daba-dheeraaday ee socday in ka badan 20 sano wuxuu dhaxalsiiyey ummadda Soomaaliyeed dhibaato xoogan oo dhinac kasta leh iyadoo xataa si loogu soo gurmado la waayey, inkastoo beesha caalamka baaqyo badan loo diray si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed hadana xaaladda Soomaaliya oo gaartay heer aad u halis ah ma aysan helin gurmad deg-deg ah si loo bad-baadiyo dad badan oo Soomaaliyeed kuwaaso gaajo iyo colaad ay baabi’say.

Qatarta ka dhalatay colaadii Soomaaliya ka qaraxday ee mudada dheer socotay ma aysan noqon mid ku ekaatay Soomaaliya oo keliya ee waxay noqotay Qatar caalami ah taasoo inta badan saameysay wadamada gobolka gaar ahaan wadamada deriska la ah Soomaaliya, waxaana qatartaas sii fideysay ay noqotay mid soo jeedisa dareenka beesha caalamka ee mudaba iska indha-tirayey waxa ka socday Soomaaliya waxayna garawsadeen in colaada ka aloosan Soomaaliya ay tahay mid aan laga aamusi Karin oo ay tahay in wax laga qabto waxaana beesha caalamku isla garteen in xalka Soomaaliya uu ku jiro in la helo nidaam dowli ah kaasoo ugu yaraan soo celiya ammaanka dadkuna ay helaan fursad ay nolol ku abuuri karaan dibna ugu soo noqdaan goobihii ay horey uga barakaceen.

Qatarta beesha caalamka u muuqtay ayaa ahayd kooxo Islaamiyiin ah oo ka hana-qaaday dalka waxayna walaac ka muujiyeen in Soomaaliya ay gabbaad u noqoto kooxaha argagixisada ah ee meelo badan oo caalamka ka mid ah ka sameystay saldhigyo ay uga duulaan dunida inteeda kale kuwaasoo wata fikir islaami ah oo sida ay sheegeen ay doonayaan iney gaarsiiyaan dunida oo dhan, fikirkaas oo ah mid dadka intiisa badan aysan la dhacsaneyn balse iyaga ay ka go’an tahay iney ku meel-mariyaan dagaal iyo qori caaradiis.

Dhisamaha qaran Soomaaliyeed oo haysta taageerada beesha caalamka ayaa ugu dambeyn noqday mid xal u noqon kara coolada ku raagtay Soomaaliya iyadoo beesha caalamka si weyn ugu soo gurmatay ummadda Soomaaliyeed waxaana soo bidhaantay rajadii mudada dheer maqneyd iyadoo Soomaaliya ay yeelatay dowlad rasmi ah oo soo afmeertay sanado badan oo ay isbdelayeen dowlado ku meel-gaar ah waxaana dalka soo gaaray shirkado badan oo doonaya iney ka fulinayaan dalka mashruucyo kala gedisan waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo kordhaya oo dib looo helayaa qaar ka mid ah adeegyadii aas-aasiga ahaa ee ku burburay dagaaladii wejiyada badnaa ee dalku uu soo maray, waxaa dalka laga hirgeliyey isbitaalo la jaan-qaadi kara kuwa caalamka, wadooyinkii waa kuwo iftiimaya oo mugdigii waa sii dhammaanayaa waxaa dayactir lagu sameeyey qaar ka mid ah wadooyinkii hal-bowlaha u ahaa shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo aan wax dayac-tir ah helin ka dib bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa

sidoo kale dalka dib ugu soo laabtay dadkii Soomaaliyeed ee ka barakacay dagaaladii dalka ka dhacay, saxan-saxo nabadeed ayaa ummadda Soomaaliyeed dareemeen, waxaa dalka kusoo kordhay ganacsiyo kala duwan, waxaa dib u dhis heley guryo badan oo bur-buray kuwaasoo maanta aad u qurxoon shacabka Soomaaliyeed waxay si fudud ku hilmaameen dhibaatadii ay soo mareen nabada ay heleen darteed.

Muuqaalka iyo bilicda ay dib u heshay magaalada Muqdisho ee la dareemi karo waxaa kaalin weyn ka qaatay dhismaha wadooyinka iyo naleeyntooda/iftiimintooda kuwaasoo ay dhiseen shirkado dalka usoo gurmaday oo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga mahad-celiyeen, shirkadahaas doonaya iney qeyb-ka qaataan dhismaha dalka ayaa ah kuwo u soo bareeray qatarta aan sidaa u buurneyn ee weli ka jirta Soomaaliya qaarkoodna iyagoo shaqadaas ku guda jira ayey naftoodii qiimaha lahayd ku waayeen hadaba su,aasha is-weydiinta mudan ayaa waxay tahay” waxaa ku dhimanaya dalkaaga nin doonaya inuu ku caawiyo kaasoo kaaga yimid dal aad kaaga fog adigoo ah muwaadinka la caawinayo ee dalkiisa loogu yimidna waxaa lagaa waayey ugu yaraan inaad wadadii la dhisay xaaqin mariso, nalalkii laguu sameeyeyna aad illaashato si aaney Qatar kuu soo gaarin oo aan lagu beegsan hadaba miyeysan ahayn Inta Aan Baqeyno Birtu Waa Na Saaran Tahay oo macnaheedu yahay marba haddii aan ka cabsaneyno in naloo dilo waddo aan xaaqnay ama nal aan illaashanay soo ma muuqato inaan nahay dad wixii loo dhiso aan ka illaalin Karin kuwa dhibaateynaya ee duulaanka ku ah

waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha bini’aadamka mugdiga inaan doorano sax ma aha inaan cabsi ka muujino horumarka dalkeena munaasib ma ah kan wax dilaya wuxuu waayey dad u bareera ee ka hortaga xumaanta uu nala rabo waa hubaal inaan wax-qabsan karno kana xoroobi karno kuwa tirada yar ee Soomali diidka ah, aan taageerno nabada kana qeybqaadano bilicda iyo nabadeeynta dalkeena oo aan isaga qabano gacan bir ah shaqsi kasta ee naga hor-taagan inaan la jaan-qaadno caalamka islamarkaana waa inaan u bareernaa Qatar kasta si aan u dhisno dalkeena maxaayeeley danteenaa ku jirta, ogaada haddii aan ka cabsano birta na dul-saaran waxaan ku laaban doonaa noloshii adkeyd ee horey noo soo martay.

W/Q:- Bashiir Axmed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Inta aan Baqeyno Birtu Waa na Saaran Tahay. "

  1. Saxafi says:

    Waxaan aaminsanahay bilicda dalku wexey ku xirantahay dhismaha mooralka dadka soomaaliyeed
    mana aha meesha xalka laga raadinayo meel innaba lagu guuleysanayo sida imminka wax ku socdaan hadaba soomaalidu ha is cafiyaan qur aan halla aqristo allaah halloo laabto waan guuleysaneynaaye hadii kalese HA FADHIDO FARAW