Home » Warar »

Shirkada Albayrak oo Dowlada ku warejisay dhaqaalo badan oo Dakada ay ka soo xareysay

Warsaxaafadeed ka soo Baxay maamulka Shirkada turkiga ee bil ka hor la wareegatay maamulida dakada magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay wax soo saarkii mudamada bisha ah ee ay heysay arimaha amaanka dhaqaalaha ka soo xarooday

Shirkadu waxay sheegay in ay dowada ku wareejisay qidmadii ay saamiga u lehyd oo ay cadadeeda ku sheegtay in ay tahay 1,582,000 (1.5 million dollars)

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa saxafada u aqriyey Mustafa lavent Adali oo ah maareeyaha guud ee shirkada turkiga laga leeyahay ee Albayrak

Wuxuuna u qoraa sidaan .

Horumarka dakada Weyn ee Magalada Muqdisho gaartay hal Bil oo ay maamuleysay Shirkada Albayrak.

Dakada magaalada Muqdisho waxay gaartay horumar lixaad leh oo la taaban karo Mudo kooban oo hal bil ah ‘bishaas oo ay maamuleysay sirkada turkiga ee Albeyrak .

Sida aad la wada socotaan Dowladu waxaa ay xoogaa dhaqaale ah ka heli jirtay Canshuuraha kaliye laakiinse hada waxaa imanaya wax soo saar kale oo xaga dhaqaalaha ah taas oo ah shaqada dakada oo ay dowladu wax ka heleyso .

Maanta waxaan maamulka Dakada ee dowlada ku wareejinay Lacag dhan ( halmilyan iyo shan boqol sideetan iyo laba kun Dolaka Mareyanka ah .1582.000

Tani waa markii ugu horeysay Mudo 20 sano ah ee Dowladu ka hesho xaga dakada dhaqaale intaa la eg ‘waxaana aad u rajeyneynaa in dhaqaalaha dakada dowlada uga soo xaroodo uu si weyn u sii kordhi doono Mustaqbalka Dhow .

Waxaan rajeyneynaa in dakada Muqdisho ay noqon doonto dakada casri ah Mar dhowo .

Horumarka Dhaqale ee ay dakadu ku talaabsatay wuxuu imanayaa iyada oo qarashkii Ganacsatadu bixin jireen an kor loo qaadin Balse Qiimo dhimis loo sameeyey Badeecahada ganacsatada qaarkood sida Containerka 40feet ah waxaa laga bin jire $600 waxaana hoos u dhignay 11% waxaana hada la bixiyaa $540 kaliye .

Cotainerka 20feet waxaa la Bixin jirey $400 hada waxaa la bixiyaa $350 waa iimo dhimis ka badan14% Sonkorta waxaa la Bixin jirey takii $17 Dolar halka hada aanu ka dhignay $16.8 Tankiiba

Taas micnaheedu waa qarashaad kii dakada lagu bixin jirey hoos ayaa loo dhigay iyada oo dhaqaale fiicana wadanku helayo waana arin maslaxad u ah dowlada iyo shacabkaba .
turki
Dhiaca Amaanka dalka Mudadii bisha aheyd ee aan maamuleynay Dakada Muqdisho waxaa bolice-ka iyo nabad sugidu qabteen qalab ciidan iyo oo si sharci daro ah ku soo galayey dalka aad ayaan ugu mahadcelineynaa dadaalkooda iyo wada shiqeyntooda

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

PROGRESS Mogadishu Port reached one month controlled company Albayrak ·

Port has reached significant progress in a short time of one month, the month they managed company in Turkey Albayrak, as you know, the state some money from the taxes only, but now also from other production in economics, which is a port of the government’s work to find, today we moved to the port authorities in charge of 1.582,000 million dollars (one million five hundred eighty two thousand), this is the first time in 20 years to get the government to invest in the port, I hope that the government’s economic hub from xeroonayo significantly increase in the near future. I hope that will be the port of Mogadishu harbor modern soon. ·

The improvement of the financial port investment strategy comes with costs that traders pay the port that were not taken up, but discounts we’ve done business, for example.

Container 40feet are paying $ 600 and under aside more than 11% have been paid $ 540 only, contaynarka 20feet are paying $ 400 now are paid $ 350 a discount of more than 14%, sugar is used to pay tonne $ 17 dollars while now do not constitute 16.8 tankiiba. This means that the port is used to pay the expenses will be reduced by the economic good of the country is staggering, it interests of the government and people.

Security of the country, during the month was not managed to control the port of Mogadishu police and security forces of Somalia held illegally in coming in, I thank celnaynaa efforts and working together. Brgds,

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.