Home » Warar »

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxmaan Bayle oo Dubai kaga qeybgalay Shirka Burcad badeeda,lana kulmay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin.

 

Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo.

Wasiir Dr. Cabdiraxmaan D. Bayle oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeeda oo Wasiiro , Madax iyo saraakiil ciidan oo kala jinsado duwan ay ka qeybgaleen, ugana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa fal xanuun badan oo murugo leh ku tilmaamay afduubka maraakiibta iyo dadka rayidka ah , isagoo ka dalbaday wadamada ku bahoobay la dagaalanka burcad badeeda inay taageeraan howlaha dib loogu dhisayo ciidan xoog badan oo qalabeysan oo ka howlgala xeebta iyo xuduud badeeda Soomaaliya si loo afjaro falalkaasi bani’aadanimada ka baxsan.

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa gelinkii dambe ee maanta kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Mgaalada Dubai ee dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta Wasiiro iyo Mas’uuliyiin heerarkoodu kala duwan yahay.

Dr. Cabdiraxmaan Bayle waxa uu si gaar gaar ah ula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta HH Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Mauritania Ahmed Ould Teguedi , Yemen H.E. Jamal Abdullah Al Sallal , Brunei H.R.H Mohamed Bolkiah ,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gaadiidka Seychelles H.E. Joel Morgan , agaasimaha Xiriirka dhinacyada badan leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ambassador Turki bin Mohamed bin Saud Al kabeer , gudoomiyaha Shirkadda dekadaha caalamiga ee Dubai ( DP World) Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kala hadlay wasiiradaasi iyo mas’uuliyiintaasi kala duwan ee uu la kulmay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya kala dhaxeeya ,horumarinta danaha wadaagga ah iyo taageeridda qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo deganaanshaha dalka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
info@mofa.gov.so

2 3 4 6 7 8 9 5

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxmaan Bayle oo Dubai kaga qeybgalay Shirka Burcad badeeda,lana kulmay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin. "

  1. burcad Badeed markii laga hadlo, waxaa la xusuusanaya oo keliyah, ama shirar loo qabanayaa Kuwa soomalida ah, laakiin weli lagama shirin sidii looga hortagi lahaa, loona joojin lahaa Burcad badeeda rasmiga ah waa kuwa sida sharci daradda ah uga jilaabta ( xaalufiya ) qeyraadka Badda Soomaliya. Tusaale; Dalka Japan oo kamid ah kuwa xaalufiya xeebaha dalka Soomaliya ( badweynta hindiya ) waxaa lagu qiyaasaa iney badda ka joogaan celi celis ahaan 10-13 Maraakiibta xamuulka ah, kuwaasi oo l eh warshado waaweyn oo kaluunka lagu process gareeyo (gasacadeyn ). kadibna dalalka caalamka ugu iibgeeyo, waxaa la sheegaa in dalka joogaa 30 dowladood Markiibtooda kuwa kaluunka ah. taasoo ay si sharci darroo ah ugu kaluumeystaan Dalka Soomaliya.

    Maxaa kuwaasi looga shiri waayay sidii loo joojin lahaa ? ama loo sharciyeyn lahaa kaluumeysigooda. taas oo hadii wado sax ah la maro. faaido badan ugu jirta Shacabka Soomaliyeed iyo Dowladoodaba. sababtoo ah canshuurta waxay wax badan ka badali kartaa Dhaqaalaha WAdankeena?
    Waxa qiyaas ahaan la sheega in badda laga xalufiyo Bishii lacag dhan
    1.3 Million oo doolar ka mareykanka ah.

    Shirarka noocaan oo kale ah Hadii hada kadib la qabto, waxaa loo baahan yahay in sidoo kale looga hadlo kaluumeysiga sharci daradda ah, laguna soo bandhigo dolwaddaha sida sharci daradda ah ugu kaluumeysto dalka soomaliya. iyo weliba lacagta ay ka sameeyaan cel celis ahaan. si markaasi ay Dowladda uga codsato iney isa soo diiwan geliyaan , loona sharciyeeyo kaluumsigooda..kuwa ka dhuunta Sharcigana loo max kamadeeyo. ama laga mamnuuco iney ka jilaabtaan Badweynta soomaaliya.

    Wabilaahi Towfiiq