Home » Warar »

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Abdirahman Beileh oo Addis Ababa kaga qeybgalaya Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Mogadishu, October 26, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia , halkaasi oo uu kaga qeybgali doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD oo looga hadli doono horumarinta wadamada geeska Afrika, waxaana ka qeybgali doona fadhigaasi gudoomiyaha bankiga adduunka Dr. Jim Yong Kim .

Shirkani oo beri furmaya , ayaa Wasiir Beileh uu ku sheegay mid ahmiyad ugu fadhiya dalka , waxa uu yiri “ Soomaaliya waa dal la tirsanayo , laguna tashanayo , waxa aynu rajeyneynaa inaan gaarno horumarka ay hiigsadeen dalalka kale ee bariga Afrika”.

Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho kahor inta aanu safrin ayaa yiri “ nabad iyo caano ayaa u rajeynayaa Soomaaliya , waxaan Allah ka baryayaa inuu Soomaaliya mideeyo”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa sidoo kale sheegay in uu kaga qeybgali doono Magaalada Dubai Shir heerkiisu sareeyo oo furmaya 29 bishan October, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha, waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud la kulmo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey H.E. Ban Ki-moon iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo booqasho ku imaan doona Caasimadda Muqdisho.

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa xusay inuu aaminsan yahay in burcad badeeda iyo falalka afduubka maraakiibta ay u geystaan lagu soo afjari karo iyadoo la abuuro fursado shaqo oo nolosha dadkaasi maareyn karta .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
bayle

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.