Home » Warar »

War-Saxaafadeed ka soo Baxay Xafiiska Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SWJ.

War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka Haweenka Suxufiiyiinta Soomaaliyeed oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ey sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaaladda ku horkeenaan Wariyaasha iyo Maamulada idaacadaha SHABEELLE IYO SKY oo Dowladda Soomaaliya wali u xiran.

somali-women-journalist-1

Ururka haweenka suxufiyiinta soomaaliyeed waxa ay hey’addaha garsoorka uga mahadcelinayaan talaabadii ay sida hordhaca u qaadeen oo ay ku fureen dacwada milkiilaha Idaacada shabeelle C/maalik Yuusuf Maxamuud iyo Suxufiga Axmed Cabdi Xasan ,oo loogu ogolaaday inta ey dacwadooda socoto ay banaanka ka joogaan xabsiga ,

Sidoo kale ururka haweenka suxufiyiinta waxey aad uga danqanayaan xariga wariyayaasha iyo maamulka idaacadaha Shabeelle iyo Sky oo mudo laba bilood ka badan u xiran dowladda Soomaaliya ,wartabiyayaasha dowladda u xiran ee ka howlgalayay idaacadaha Shabeelle iyo Sky qaar kood wali lama horkeenin cadaaladda tan iyo kolkii ay xirtay dowladda soomaaliya.

Ururka haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu u soo jeedinayaa madaxda dowladda iyo Hey’addaha ku shaqada leh garsoorka dalka ay cadaaladda horkeenaan wariyaasha iyo maamulada labada idaacadood ee shabeelle iyo Sky oo 15 August 2014 ciidamada Nabad sugida ee dolwallada fadaraalka soomaalia ay albaabada isugu laabeen idaacadahaasi .

Ugu dambeyntii ururka haweenka suxufiyiinta soomaaliyeed waxay Alle caafimaad kaamil ah uga baryayaan agaasimaha qeybta muqdisho ee Tv Somali Chanel C/risaaq Cilme Black oo kooxo hubeysan ku dhaawacay magaalada muqdisho 13 October 2014 iyo wariye Ibraaahim C/llaahi Shelare oo ku Dhaawacmay qarixii Ka dhacay ka soo hor jeedka fiyooraha ee magaalada Muqdisho 15 October 2014.

Gudoomiyaha
Somali women journalists

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.