Home » Warar »

Maamulka ku Meel Gaarka jubba oo si kulul uga jawaabay Eedeyntii dhawaan lagu eedeeyay in Dhuxul Shabaab dhoofsato Dekadda Kismaayo.

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

 

Somalitalk  18-10-2014

Dhuxusha Soomaaliya:

Iyadoo dhawaan Guddiga Kormeerka Hubka Soomaaliya iyo Eritrea uu warbixin ka qoray Dekadda Kismaayo oo laga dhoofiyo Dhuxul saami wadaag ay ku yihiin Maamulka halkaa ka arrimiya, Ciidamada Kenya iyo Shabaab ayaa waxaa arrintaa ka hadlay sarkaal ka mid ah Saraakiisha Maamulkaas u qaabilsan dhinaca Dekadda. Cabdullaahi Dubad oo arrimaha warbixintaas ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay been abuur iyaga iyo shabaabna uu dagaal ka dhaxeeyo sidaa darteedna aysan suurta gal ahayn in ay saami wadaag noqdaan.

dhxushaMas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in warbixinta ka soo baxday Guddigaas ay tahay mid lagu marin habaabinayo beesha Caalamka iyadoona loo soo ban dhigayo Sawiro la qaaday intii Shabaabku halkaa ka talinayay oo aysan maamulka magaalada gacantooda soo galin. Cabdullaahi Dubad Shiikh ayaa sheegay in shabaab degaanada ay ku sugan yihiin ay Cashuuro ka qaataan balse haatan aysan ku sugneyn Kismaayo sidaa darteedna ay warbixintu meel kale wax ka eegtay isagoona farta ku fiiqay in Shabaab ay gubayaan iminka haddiiba ay arkaan Gaari Dhuxul sida

2005: Qamada Midoobey oo Warbixin Kasoo saartay Maamulka Col. Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga Dhuxusha… 

Markab Xamuul oo Siria laga leeyahay oo ku soo Caariyay Xeebaha Eyl.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Markab laga leeyahay Dalka Siriya kuna soo jeeday Soomaliya uu ku caariyay Degaan hoos taga degmada Eyl.. Dadka degaanka ayaa sheegaya in markabkaasi oo ka yimid Dalka isu Tagga Imaaraadka Carabta in muddo afar maalmoodba uu halkaas ku xayirnaa kaasoo goobta ku ciladoobay. Maamulka Degmada Eyl iyo Dadka Shacabka ayaa gurmad u sameeyay Markabkaas oo ay saaran yihiin Shaqaale tiradooda lagu sheegay illaa Soddon kuwaasoo u kala dhashay Waddamada Siria iyo kuwo Afrikaan ah.Gurmadkanay sameeyeen Reer Eyl ayaa waxaa Shaqaalahaas lagu gaarsiiyay Cunto iyo Biyo maadaama dhowr maalmood ay halkaa ku go’doonsan yihiin. Maamulka Degmada Eyl ayaa qayla dhaan u diray Hay’adaha Guradka xeebaha iyagoona ka codsaday in Markabkaas loo soo gurmado haddii kale ay dhici doonto inuu halkaa ku qalibmo khasaare ba’ana ay soo gaaran Badeecadahakala gedisan ee shixnad ahaanta uu u wado.

Dagaalo shalay gelinkii dambe ka dhacay Degaano hoos yimaada Degmada Buulo Burde.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda oo kaashanaya kuwa Amisom iyo Xarakada Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degaano hoos taga Degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Dagaalyahanada Xarakada Shabaab kuwaasoo weerar la beegsaday Fariisimo ay Ciidanku ku lahaayeen halkaas iyadoona la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Inta la xaqiijiyay Dagaalkaas waxaa ku dhintay Toban Ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamayay iyadoo dhaawacyana ay jiraan.. Saraakiisha Ciidamada Dawladda oo dagaalka kaddib warbaahinta lahadashay ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkii ay soo qaadaan Shabaabka isla markaana ay gaarsiyeen Khasaare ba’an dibna u waabiyeen.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in degaanadii ay weerarka ku soo qaadeen shabaab in iminka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom Shabaabkii dagaalka soo qaadayna dib loo riixay Barakacayaal fara badan ayaa soo gaaraya Degmada Buulo Burde kuwaasoo ka soo cararay dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan kuwaasoo culeys weyn ku soo kordhiyay dadkii hore ugu noolaa degmadaas

Hoggaamiyaha Maamulka Puntland oo Maanta Magaalada London uga qayb galaya shirka Maalgashiga.

Cabdiweli Gaaz iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay maanta gaaran Magaalada London ee Carriga Ingiriiska. Hoggaamiyaha Maamulka Puntland oo wa baahinta la hadlay ayaa sheegay inuu halkaa uga qayb galayo Shirka ay gogiisha dhigtay Britain ee arrimaha Maalgashiga kaasoo lagu casuumay waddamo Soomaaliya ay ka mid tahay.Cabdiweli Gaaz ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ka mid noqday dalalka lagu casuumay shirkaas isagoona xusay in ay ka soo qayb galayaan madaxda dalalka Mandiqadda sida Madaxweynaha Ugandha Mozaveni .

Hoggaamiyaha Maamulka puntland ayaa intaa ku daray in shirka uu gayn doono arrimaha Soomaaliya iyo sida xiligan maalgashi loogu samayn doono gaar ahaana Puntland oo uu sheegay in ay u diyaarsan tahay sidii maalgashi loogu samayn lahaa. Gaaz ayaa shirka kaddib sheegay inuu kulamo la qaadan doono Mas’uuliyiinta shirkaas ka soo qayb galaysa isagoona farta ku fiiqay inuu sharaxaad ka siin doono Puntland kuna soo dhaweyn doona sidii ay maal gashi ugu samayn lahaayeen.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh oo soo dhaweeyay Heshiiskii Xukuumaddu la saxiiatay Puntland.

Madaxweynaha soomaaliya oo shalay gelinkii dambe ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan Magaalada Garoowe ay ku kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Somaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid aad u wanaagsan isaguna uu soo dhaweynayo heshiiskaas oo ku sheegay inuu yahay mid federaaliisimka. Kor u sii qaadaya.\ Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Puntland ku tilmaamay meelihii laga soo abaabulay Nidaamka Maamul Goboleedyada iyo Dastuurka dalka sidaa darteedna ay ay aad u soo dhaweynayaan maamulada kale oo iyaguna dhawaan la filayo in laga dhiso Gobolada Dhaxe ee Soomaaliya.Madaxweyne Xasan ayaa mar uu ka hadlayay Khilaafka soo kala dhax galay Xukuumadda dhaxe iyo Puntland wuxuu sheegay in khilaafkaas uusan ahayn mid keenya in Puntland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale welina aysan afkeeda soo marin noqonayso mid gooni isaga taagta Soomaaliya inteeda kale.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.