Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya ee Maanta 

Somalitalk  16-10-2014

Guddiga la socodka Cuna-qabataynta Hubka Somaliya iyo Eritrea oo Warbixin hor leh ka qoray Soomaaliya.

unkaGuddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritireeya ayaa warar hor leh ka qoray Soomaaliya gaar ahaana Dekadda Magaalada Kismaayo oo Dhuxusha si toos ah looga dhoofiyo.Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhuxusha ka dhoofta Dekadda Kismaayo Seddax Saami lagu qaybsado, ugu horeyna Xarakada Shabaab ay 33% ay Saamigaas ku leedahay, sidoo kale Ciidamada Kenya iyaguna 33% ay saami ahaanu qaataan halka intaasoo kalena ay qaataan Maamulka Jubba.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sedaxdaas Maamul uu ka dhaxeeyo heshiis hoose go’aano qarsoodi ahina ay ku gaareen in si siman loo qaybsado Saamiga Lacageed ee Dhuxusha halkaa laga dhoofiyo loo kala qaybsado. Xarakada Shabaab ayaa la sheegay in ay ka hesho in ka badan Laba Boqol oo Milyan oo doolarka ah oo uga soo xarooda Lacagaha halkaa looga qaado Maraakiibta shixnadaha dhuxusha ah halkaa ka dhoofisa.

Xubno ka socday Qaramada Midoobay oo maanta booqday Degmada Cadale

Wafddi ballaaran ooka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray Degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe. Booqashada wafdigaas oo ay safarkooda ku weheliyeen mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa booqashadoodaasi ka warbixiyay iyagoona kaga waramay sababaha dhabta ah ee ay u gaareen Degmadaas oo dhawaan laga saaray Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka GobolkaYuusuf Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wafdigaas ay soo qiimeynayaanXaaladaha Nololeed ee halkaa ka jira isagoona hoosta ka xarriiqay Hay’adaha safaka ku gaaray Cadale in ay ka mid ahaayeen UNCEF WFP iyo Hay’ado kale oo dhinaca sama falka qaabuilsan. Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in mudadii ay halkaa joogeen in ay u kuur galeen Dadka Xaaladda nafaqa darada ay haysato taasoo uu sheegay in hay’adahaasi ay ballan qaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan halkaas ay u soogaarsiin doonaan gar gaar aadaninimo

Hay’adda Cuntada Adduunka WFP oo maanta Xustay Maalinta Cuntada Adduunka.

16-ka Oktoobar ee sanad walba oo ah maalinta Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay Maalinta Cuntada Adduunka ayaa maanta hay’addaas waxay xustay Maalintaas. Warbixin dheer oo dhowr bog ka koobneed oo uu soo ban dhigay Agaasimaha guud ee Hay’addaas ayuu hal hayskiisa ugu horeeyay ka dhigay in Il gooni ah lagu eego Kumanaan Caruur Soomaali ah oo si weyn ula dil daran Macluul iyo Gaajo isagoona carrabka ku dhuftay abaaraha ka jira Soomaaliya in ay sababeen in hal malyanoo qof qarka ay u koraan Gaajo iyo Nafaqa darro.

Agaasimaha ayaa ku tilmaamay dadaalka Hay’adda WFP mid aan dabooli Karin Musiibooyinka Dabiiciga ah iyokuwa Aadanahu sababoooo dacalada adduunka ka dhacaya isagoona sheegay in sagaashan Malyan oo ruuxoocaalmak adaafihiisa kala duwan ku kala nool in ay u baahan gargaar aadanimo ooay Cuntada ugu horeyso. Warbixinta ayaa lagu soo qaaday Qaxootiga Adduunyada, Dagaalada Siriya iyo Ciraaq, iyo Cudurka Epola kuwaasoo dhamaantooda ah Musiibooyin isugu jira kuwa Aadanuhu sababay iyo kuwo dabiici ah taasoo war bixintu sheegtay in ay tahay Musiibooyinka ugu ballaaran ee WFP hor yaala. 

Maamulka Degmada Xamar-weyne oo ka warbixiyay Qaraxii Xalay Degmadaas ka dhacay.

Iyadoo habeenkii xalay ahaa Qarax khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhacay degmada Xamar-weyne ayaa waxaa arrintaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay Guddoomiyaha Maamulka Dawladda ee Degmada Xamar-weyne. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xalay fiidkii qiyaastu Saacaddu markii ay ahayd 7dii Fiidka hore Gaari nooca raaxada ah la soo dhigay Goob Maqaayad ah oo ku taala ka soo hor jeedka Ex.Fiyoore halkaasoo sida uu sheegay Gaarigaas ay ka degeen laba Nin oo midba meel gaar ah udhaqaaqay. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in dad goob joog ka ahaa halkaas oo maamulka u waramay ay u sheegeen in gaarigaas ay ka shakiyeen kaddibna goobtii ay isaga tageen iyadoo daqiiqado gudahoodana Qaraxu uu dhacay.

Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa tilmaaay in Qaraxaas ay ku dhinteen Shan Ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen Shaqaalihii Maqaayadda iyo dad kale oo goobtaa ku sugnaa dadkaas dhintay dhamaantooda oo la aqoonsaday Meydadkoodiina ay qaateen Eheladoodii isagoo dhaawacana ka sheegay illaa shan iyo toban qof oo badankood dhaawacyo fudud ay soo gaareen kuwaasoo loo qaybiyay illaa Seddax Isbitaal.

Ascaarta Raashiinka Daruuriga Suuqyada Magaalada Muqdisho oosare kac ku yimid.

Qiimaha la kala siisto Raashiinka Daruuriga ah ee Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira Sicir barar xooggan iyadoo qiimaha Raashiinka iyo Sarrifka Lacagaha qalaad maalmahan laga dareemayo qiime kac ku yimid. Mascuud Cabdi oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku haysta Suuqa Bakaaraha ayaa wariyaheena ugau waramay isbedelkan ku dhacay Ascaartii waxyaabaha Daruuriyaadka.

Mascuud ayaa sheegay in Bariiska, Sokorta, Burka iyo Raashiinka kale ee Daruuriga ah sare kac weyn uu ku yimid iyadoona loo aaneynayo sara kacan Cadaadis dhinaca Dekadda ah ka gadaal markii Shirkadda Turkishka ah lagu wareejiyay Hawlihii Dekaddaas. Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha sara kaca Qiimaaha Badeecooyinka kala duwan ay keentay iyadoo Ganacsatadii halkaas Raashiinka ka soo dajin jirtaya Badeecooyinkooda u wareejiyay Dekado kale sida Boosaaso sidaana qiimaha ascaartu ay kor ugu kacday.

War bixinta ayaa sidoo kale sheegtay in aysan garan Karin Maraakiibta Dhuxushaas qaadday Gaadiidka keena laakiin ay si weyn u dareensan yihiin in ay jiraan Gaadiid waa weyn oo dhuxul 5-12 tan gaaraysa midkiiba uu sido in maalin walba ay halkaa geeyaan dhuxushaas kuwaasoo ka keena meelo kala duwan ee gobolkaas ah. Guddiga ayaa warbixintiisa ku sheegay in suurtagal ay tahay in Saamigu intaa ka badan ooay dhici karto in 40% loo kala qaato Saamiga sedaxdaas dhinac iyagoona war bixintooda ku sheegay in ay hayaan Sawiro ay qaadeen Dayax gacmeedyo kuwaas oo Qaramada midoobay la shaqeeya.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.