Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 14-10-2014

Boqol Xujay Soomaali ku jirto oo Sanadkan ku Geeryooday Dalka Sacuudiga

Sida ay qortay Jariidad ka soo baxda Sacuudiga ee lagu magacaabo Dawaaf ayaa lagu sheegay in sanadkan xiligii lagu jiray gudashada Waajibaadka Xajka ay Geeryoodeen illaa Boqol Xaaji. Xujaydan ayaa sida lagu soo waramay waxa ay ka kala yimaadeen Dalalka Somaliya, Masar. Yaman. Marooko iyo Ciraaq kuwaasoo sida la sheegay u geeryooday Xanuuno dhinaca Wadnaha ah sida ay caddeeyeen dhaqaatiirta ku hawlan la socodka Caafimaadka Xujeyda.

Xajka Sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Kumanaan Xujey ka kala timid waddamada Carabta sida Maroko, Muritaniya, Yaman, Ciraaq, Masar iyo Soomaaliya iyadoo tirade ugu badan ee Xujeyda Carabta Sanadkan ay ka yimaadeen Dalka Masar. Si kastaba war bixintan ayaa soobaxday ka gadaal markii Todobaadkii hore ay soo dhamaadeen hawlihii gudashada Xajka ee Sanadkan oo la sheegay in badi xujeydii soo gaadhay dalkaas ay haatan badi dalalkoodii dib ugu laabteen.

Dhacdo Naxdin leh oo Xalay ka dhacday Masaajid ku yaala Degmada Kaaraan.

Wararka aynu ka helayno Degmada Kaaraan Xaafadda Arjantiin ayaa sheegaya in Salaaddii Cishaha ee Xalay iyadoo lagu guda jiro in Masjidka dhexdiisa lagu Bireeyay Wiil Dhallinyara ah oo ka mid ahaa Jamaacadii salaadda cishaha halkaa ku tukanaysey. Wiilka la bireeyay oo sida dad Masjidka xiligaa ku sugnaa ay noo sheegeen ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed kana mid ahaa Ardeyda wax ka barata Jaamicadaha Muqdisho kaasoo da’diisana lagu qiyaasey illaa shan iyo Labaatan Jir.

Falkan ayaa dhacay Xilli la tukanayay siiba Rukuucii Ragcaddii koowaad taasoo Nin Tooreey ku hubaysan uu si lama filaan ah ugu soo booday Wiilkii dhallinyarada ahaa isla markaana Cunaha ka qabtay isla markiibana Tooreey ku qalay kaasoo Tooreydii oo Dhiig leh kala baxay Masjidka oo sida la sheegay lagu magacaabo Cabdiraxmaan Bin Cawf. Jamaacaddii Salaadda ku jirtay ayaa Salaaddii faaruqiyay iyadoo Masjidkiina uu isku bedelay goob Cabsi iyo buuq uu ka dhasho halka qaar dadkiina ay halkaa ka carareen iyagoo qaylinaya.

Ninka Dilkan gaystay ayaa la sheegay inuu muddo hal sana ah uu dalka joogay markiisii horena uu ka yimid Qurbaha gaar ahaan Yurub kaasoo da’diisa lagu sheegay ku dhawaad afartan sano.

Si kastaba Wiilkii ayaa loola cararay Isbitaalka Keysaneey halkaasoo uu ku geeryooday dhacdadan oo noqotay hadal haynta ugu ballaaran ee Maanta Degmada Kaaraan laisla dhax marayo.

Kenya oo Kaararkii Qaxootinimada kala noqotay Kooxda Waayaha Cusub.

Xukuumadda Kenya ayaa ku amartay qaar ka mid ah Fanaaniinta Waayaha Cusub in aysan dib ugu soo noqon dalkeeda illaa shan Fanaan oo kooxdaas ka tirsan oo dhawaan safar bandhig ah ugu baxday Dalka Holand. Falis Cabdi Maxamuud oo u warantay Laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegtay markii ay ka soo baxayeen Kenya in laga qaaday Kaararkii Qaxootinimo oo ay Kenya ku joogeen iyadoona loo sheegay qofkii mar halkaa ka baxa uusan dib ugu soo laaban Karin. Falis oo sii hadlaysey ayaa sheegtay seddax Caruur ah oo ay dhashay in ay ku sugan yihiin Keenya iyadoona shakhsiyan waa sida ay sheegtaye loogu hanjabay haddii ay dalka Kenya dib ugu soo laabato in loo sii gudbin doono oo la tarxiilayo Somaliya.

haj

kooxo qoryo ku hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa weerar ku qaaday goob ganacsi oo ku taala Xaafad ka mid ah Magaalada Luwanda ee dalka Angola halkaasoo Soomaalidu ay ku haysato Ganacsi.Kooxdan Burcadda ah ayaa weerarkooda la bartilmaameedsay Dukan uu lahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdiwahaab kuwaasoo weydiistay inuu ka furo Dukaanka. Wiilkan dhallinyarada Soomaaliga ah ee Cabdiwahaab ayaa ka dhega furaystay hadalkii Kooxdaas Xiliga oo ahaa Saq dhaxe darteeda taasoo keentay inay Rasaas ku furan Dukaankii. Rasaastii ay rideen kooxda Burcadda ah ayaa Cabdiwahaab ka haleeshay qaybaha sare ee jirka kaasoo isla goobtii ku geeryooday. Goobta uu shilkan ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ganacsato Soomaaliyeed oo aad uga carooday falka loo gaystay Muwaadinkan Soomaalida isla markaana muujiyay sida ay arrintaa uga xun yihiin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.