Home » Warar »

Maamulka Cusub ee Munadamada Beder oo xilka kala wareegay Maamulkii Hore

Gaalkacyo 10.10.2014 Munadamada Beder ee Ardayda kabaxday Machadka Al-Faaruuq oo ah Munadamo ka shaqaysa Faafinta Diinta ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo kula kala wareegay Xilka Maamulka Munadamada Gudoomiyihii Hore ee Munadamada Mudane Muxamed Cabdulaahi Cali (Sayid) , iyo Gudoomiyaha Cusub Cabdirazaaq Cabdulaahi Daahir (Nadaara).

unnamed (2)
Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Gudiga Cusub ee Munadamada Hogaamin doona Labada Sano ee soo socda iyo Gudigii hore ayaa waxaa Maamulkii hore uu kusoo bandhigay Wax qabadkiisa Mudadii uu Xilka hayay iyada oo Maamulka Cusubna uu balan qaaday in uu Hawsha sii hormarin doono.
Gudoomiyihii Hore ee Munadamada ayaa waxaa uu soo bandhigay Taariikhda Munadamada tan iyo markii la aasaasay 18-Agos-2012 , Waxaa uu ka waramay Hawlihii la qabtay , Xiriiradii la sameeyay iyo Aqoonsiga Munadamadu inta uu gaaray Mudadii ay xilka hayeen.
Maamulka Cusub ayaa isaguna waxaa uu ka gudoomay Maamulkii Hore Document-iyadii Mudadii ay xilka hayeen waxaana Halkaasi uu ku magacaabay Gudiga la shaqayn doona Muddada uu xilka haynayo oo ka koobnaa Maamulka , Laan Dacwo iyo Laan Dhaqaale iyo Xubno Dalka Dibadiisa ah oo isku xiraya Maamulka Munadamada iyo Ardayda Dalka Dibadiisa ku nool
Ugu danbayntii Maamulkii Hore waxaa uu Dardaarmay in lala shaqeeyo Maamulka Cusub si ay horay ugusii wadaan Hawlihii Qiimaba badnaa ee ay soo bilaabeen.

Cabdiraxmaan Bilaal Cabdiraxmaan Sanka

<sanka2014@gmail.com>

unnamed (1) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.