Home » Faallo »

Xukunka Qofka Diinta ka Laabta

Xilli kasta waxaa jira dagaal ka dhex taagan xaqa iyo baadilka. Dagaalkaas oo soo bilowday

sawirxilligii nabi Aadam. Nabi Aadam(SCW) waxaa la siiyey xorriyad dhammeystiran, taas oo ah
in uu sidii uu doono jannadda u isticmaalo laakiin uusan u dhawaan geed ka mid ah geedaha
jannadda. Markaas ayuu nabi Aadam cunay geedkii, saas ayaana jannadii looga saaray.
Shaydaanku had iyo goor waxuu ka soo galaa dadka ama u qurxiyaa wax yaabaha Eebe ka
reebay.
Akhristow waxaa la soo celceliyaa waqtiyadan dambe dood ku saabsan Riddada, Doodaas oo
aan dhex oolin fuqahadii Islamka ee hore, sikastaba ha ahaatee waxay ku saabsantahay qofka
diinta Islamka ka laabta ma la dili karaa mise maya? Waxaan jeclahay akhristow in aan soo
gudbiyo adillo ama caddaymo saxiixa ah ee ku soo arooray xukunka qofka Riddoobay iyo
sida ay u qaateen una fuliyeen saxaabadii rasuulka(وسلم عليه الله صلى) arinkan.
Eebbe (SWT) waxuu yiri “Waxay yiraahdeen hadal gaalnimo ah wayna gaaloobeen
Islaanimo kadib, ayna dooneen waxayna gaareyn, ma annaan eersan in Alle iyo Rasuulkiisu
ay qani kadhigeen maahee fadligiisa, haddey toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday
jeedsadaanna waxuu Eebe cadaabin cadaab daran adduun iyo aakhirba”.
Waxaan aayadda ka ogaannay in aakhiro iyo adduunba lagu ciqaabin qofka diinta ka
riddooba, cadaabka dunidda ee aayadu sheegtayna iyo qaabka uu noqonayo cadaabkaas
waxaa caddeynaya axadiista nabigga ee soo socda.
1. Xadiiskan oo uu noo warinayo C/llaahi ibnu Mascuud(RC),Nabigu(وسلم عليه الله صلى) waxuu
yiri Dhiigga qofka Muslimka ahi mabanaana ee qiray shahaada taynka ilaa sadex qolo
mooyee, 1.qof guur horey u soomaray oo sineystay 2. naf naf loodilo iyo 3. qof
diintiisa ka tagay(islam) oo jamaacadii(muslimiinta) ka dhexbaxay.( 1676 ). ومسلم ، 6878 البخاري
2. Xadiis kale oo uu noo warinayo Amiirul muminiin Cuthman ibnu Cafaan Nabigu ( صلى
وسلم عليه الله) waxuu yiri dhiigga qofka muslimka ahi ma bannaana sadex qolo maahee”qof
sineystay oo muxsin ahaa (sooguursaday) oo markaas larajmiyo(dhagax lagu
dilo),Qof qof dilay oo markaas loo dilay, qof gaaloobay islaamnimadii kadib oo
ladilo”. Waxa laga heli karaa kitaabada kala ah Musanaf C/risaaq Sancaani iyo
Nisaa’i. Waxaa la mid ah xadiiskan,xadiiska caa’isha (no.4017 ee Nisaa’i).

Labadaan xadiis waxaa ku cad qofka diinta Islaamka ka baxa in la dilayo.

3. Cikrimah waxaa laga wariyey in Cali ibnu abii daalib uu gubay dad Riddoobay

markaas ayaa waxaa maqlay ibnu Cabbaas(RC) oo yiri haddaan aniga ahaan lahaa ma
aan gubeen maxaa yeelay nabiga ayaa yiri cadaabta Alle wax haku cadaabina laakiin
waan dili lahaa sidii uu nabigu uu yiri(وسلم عليه الله صلى) “qofkii diintiisa badala
dila”Bukhaari no 6922 p335/vol 12.
Ficilkan markii uu sameynayey Cali waxaa goob jog ka ahaa muslimiin badan,ibnu
Cabbaasna waa uu ku raacay dilka laakiin waxuu yiri in lagubo ma ahayn waxayna
daliil utahay in ladili karo qofkii muslinimada ka laabta.
4. Sida Bukhari iyo Muslim ku qoron Nabigu(وسلم عليه الله صلى) waxuu u diray abu Muuse Al
ashcari Yamen oo uu madax uga dhigay,kadibna waxaa laga daba diray Mucaad ibnu
Jabal(RC). Makuu gaaray Yamen ayuu Abu- Muse soo dhaweeyey, markaas wax
Abu-Muuse u xiran nin diinta ka laabtay oo reer yahuud ahaa oo u laabtay
yahuudnimadisii,Mucaad ayaa yiri fariisan mayo ilaa aad dishid murtadka oo aad ku
fulisid xukunka Alle iyo Rasuulkiisa. Mucaad waxa uu ku celceliyey sadex jeer. (
6923 البخاريp335/vol 12.مسلم ، ، 1733).
Xadiiskan waxaad ka ogaan Murtadka oo ladilo in aytahay xukun alle. Waxay ka mid yahiin Mucaad iyo Abu-Muusa dadka saxaabada rasuulka ugu cilmiga badnaa.
5. Bukhari 6924 p345 vol 12 iyo Muslim waxaa ku sugan khabarka Abu-Hureyra uu
noo soo gudbiyay”markii nabigu uu geeriyooday oo Abu-bakar khilaafada qabtay
waxaa gaaloobay carab badan wuuna la dagaalamay abu-bakar waxaan goob jog ahaa
dhamaantood waana ijmaac saxaaba in lala dagaalamo xitaa qofkii diida zakada in uu
bixiyo ”Iimaamu Bukhari waxuu uu cinwaan ugadhigay qisadaan” In ladilo qofkii
diida Faraida sidoo kale ladilo kuwii lootiiriyey Ridadda” Fiqiga Iimaamu
Bukharina waxaa laga fahmaa tarjumadiisa.

6. . Ibnu-mascuud ayaa u soogudbiyey Cumar binu khidaab akhbaarta dad reer Ciraaq
ah oo Diintii kalaabtay markaas ayuu Cumar(RC) u soo qoray ibnu mascuud” diinta
xaq ah u soo bandhig iyo shahaadataynka hadii ay yeelaan ka hor wareeg hadii kale
dil markaas qaar ayaa soo laabtay oo la siidaayey qaarkii kalena waa ladilay”.

Musanaf C/risaaq18708
Waxaan halkaan ku soogudbiyey nasuus cadcad,sidoo kale waxaa ku dhaqmay nasuustan oo
fuliyey ficil ahaan Asxaabtii Nabiga sida Abu-bakar, Cumar,Cali,Abu-Musa iyo Mucaad. Akhristow Ma iyagan kabadinaa diinta mise waynu is eelyeelaynaa.waxaa hubaal ah in ay naga badiyeen diinta in la hareermarana ay tahay baadi
cad. Sidaas ayey ummada Islaamka ah ay isku waafaqday waxaan soo guuriyey ijmaac
Muslimiinta ibnu Abdul Bar, Iimaamu Nawawi,Ibnu Qudama iyo kuwo kale.

Gabagabo iyo gunaanad

Waxaan ku baraarujinayaa walaalaha af soomaliga ku hadla in ay jireen taariikhihii hore dad diinta qalloociya axaadiista Nabigana aan siin ahmiyadda ay leeyihiin, xili walbana la heli karo dadka noocaas oo kale ah.

Jaliil waa ilaah oo waxyigu ma aha dhawr jaade
Waa kii janada uumay iyo jahanab naareede
Jini iyo insina waa maraan jiitintuu dhigaye
Haddiise aad jalaado oo naftii jaraja loo taago
Jidka waxaad la qaadaaba waa jaan yar oo fudude
Qofwalbow jaasadaad dhigatay ayaa jiifka kuu iman.(Sayid. M)

Qoraalka oo pdf ah hoos ka khariso
Xukunka Qofka Diinta ka Baxa
Abdulkadir Dalmar
akdalmar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xukunka Qofka Diinta ka Laabta "

  1. C/Raxmaan says:

    ASC.Qoraaga waxaan xusuusinayaa inaan diinta sidaad rabto loo daliishan.Aayadda aad macnaheeda daliishatay ka warrami mayso xadka qofka riddooba,daliilna kuuma aha.Dhinaca kale waxaad isdhaafinaysaa aayado si cad u diidaya in diinta la isku khasbo.Aayadahaas caddaynaya in dadku u madax bannaan yahay nolosha inay rumaystaan waxay rabaan,aakhirona lagula xisaabtamayo tiro ma leh.Ninkii daliilkiisu Quraan yahay daliilka ugu culus buu haystaa,ninkii aan Quraanku u muuqan ee meeli u caddahayna wuxuu rabo ha sammeyo.Nebi Muxammed(Calayhi salaat wa salaam)weligii cid diin kuma khasbin.

  2. waa qoraal as luubadeysan aan cidna gaar wax yeelin shareecadina csoo gudbiyey walaal ajar alle ha kaasiyo