Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo furay shirka wada xaajoodka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS:

Garoowe, 11, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo saddex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.Mudane Cabdiweli oo furtitaanka shirka uu ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey labada ergo ee wada hadlaya iney maskaxda ku hayaan muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland .

Shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex maray Xukuumadihii hore ee Dawladda Federaalka iyo Puntland. Ra’iisul Cabdiweli Sheekh ayaa ku dhiirrigelinaya labada dhinac ee saddexda maalmood shiraya iney la yimaadaan daacadnimo iyo iney ka turjumaan duruufaha ku xeeran Dawladda Federaalka iyo Puntland, isla-markaana uu heshiiska la gaarayo noqdo mid la dhaqangelin karo.

“ Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Shirkaan aan maanta furayno wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida xiriir wanaagsan iyo wada shaqayn dhex marta Dawladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaari lahayn, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada hadlaya waad is beddeleyssaan oo qayb Federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkaan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay ka hawlgeli doonaan Federaalka markaa waa inaad ka shaqaysaa wax aan berri caqabad kugu noqon doonin” . Ayuu raaciyey Mudane Cabdiweli Sheekh
cabdiw4
cabdiwaliyada
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee ku yaalla magaalada Garoowe oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka, Tv-ga iyo Idaacadda Puntland,Wasaaradda Cadadaalada, wasaaaradda deegaanka iyo Xabsiga Dhexe, waxana uu halkaasi kula kulmay hawl-wadeenada iyo masuuliyiintaa xarumahaasi oo uu ka dhegeysto warbixinno.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Garoowe-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.