Home » Faallo, Warar »

Xulashada Jimcaha: Xasuuqii Ciidanka Kenya ka geysteen magaalada Wagalla ee NFD

Xulashada Jimacaha Somalitalk ee toddobaadkan, waxaan ku soo qaadanaynaa xasuuqii ay ciidamada Kenya ka gesyteen magaalada Wagalla ee dhulka Soomaaliyeed ee NFD, muddo hadda laga joogo 30 sanadood.

Markey taariikhdu aheyd 8dii Febraayo 1984, goor habeennimo ah, ayuu kulan qarsoodi ahaa oo ay albaabadu u xiranyihiin uu ka dhacay aqalka dowladda ee degmada Wajeer. Kulankaas oo ahaa mid heer sare ah waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka socotay hay’adaha nabadsugidda iyo amniga ee Kenya. Sida ku cad dabagal ay sameeyeen wariyeyaasha CITIZEN TV, ragga caanka ah ee ka qabgalay kulankaas qarsoodiaga ahaa waxaa ka mid ahaa: Benson Kaaria (P.C North Eastern Province) , Bethual Keplagat (P.S Ministry of Foreign Affairs), David Mwiraria (P.S Ministry of Home affairs), John Gituma (Min. of Information & Broadcasting), Brigadiar J.R. Kipwana ( Department of Defense), Joseph Kaguti (Office of the President Admin.), James Mathenge (P.S Office of the President).

Maalin ka dib, markii shirkaas dhagareed uu ka dhacay degmada Wajeer, waxay goor habeennimo ah ciidamada dowladda Kenya ay hareereeyeen degmada, waxayna saqdhexe weerar aan arxan laheyn ku ekeeyeen shacab aan hubeysneyn oo guryahoodii iska hurda. Ciidamada weerarka gaystay oo ahaa kuwo aad u tiro badan, kuna hubeysnaa hub culus iyo gawaarida gaashaaman, waxay dibadda u soo saareen dadkii degganaa degmada iyo gaar u soocay raggii, dumarkii iyo carruurtiina goonni uga saaray. Ciidamaas aan jixinjixa laheyni waxay isla habeennimadiiba bilaabeen, dilalal, jirdil iyo kufsi baahsan oo lagula kacay shacabkii Soomaaliyeed ee magaaladaas degganaa. Waxaana magaalada laga qafaalay kummaan rag ah oo lagu daadgureeyay baabuurta ciidamada Kenya iyadoo loola dhaqaaqay dhanka saladhigga Ciidamada ee Wagalla.

10kii Fabraayo 1984, waxay ciidamada Kenya ka geysteen xerada ciidamada ee Wagalle, xasuuq arxandarro ah oo ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay kii ebed ka dhaca waddanka Kenya. Waxaa la xasuuqay kumannaan rag ah oo aan hubeysneyn, iyadoo loo adeegsaday hubka noocyadiisana lagu wax gumaada. Waxaa sidoo kale aan illaa maanta nolol iyo geeri midna lagu haynin kumannaan kale. Waxaa intaas sii dheeraa, kufsigii iyo jirdilkii lagula kacay maatidii ka badbaadday xasuuqa.

Waxaa xusid mudan, in illaa iyo maanta aysan dowladda Kenya wax tallaabo ah ka qaadin dhagarqabayaashii ka mas’uulka ahaa dhacdadaas argagaxa leh. Taas baddalkeeda, waaba la dallacsiiyay oo jagooyin sare ayayba ka qabteen xukuumadihii dalkaasi soo maamulay. Waxaa nasiibdarro ah in Bethual Keplagat oo ka mid ahaa dhagarqabayaasha ku eedeysan xasuuqa shacbigaas Soomaaliyeed, uu ka mid noqday madaxdii hoggaamineysay shirarkii hagardaamo ee hoggaamiyekooxeedyadii Soomaalida loogu qabtay waddanka Kenya.

Dhanka kale, waxaa maanta gudaha Soomaaliya ku sugan kummanaan ka mid ah ciidamada Kenya, kuwaas oo arrimiya gobollada Jubbooyinka. Waxayna halkaas ka wadaan xasuuq iyo baro kicin, ayadoo diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay marar badan dad shacab ah ku laayeen, degmooyin ku yaalla koofurta Soomaaliya. Arrinka kale ee muhiimka ahi waa damaca ay Kenya ku dooneyso in ay ku xalaaleysato dhubadeed Soomaaliyeed oo aad u baaxadweyn. Arrinkan walow in muddo ahba inkirayeen madaxdii muddooyinkaan dambe u arrimineysay Soomaalidu, haddana ugu dambeyn qaylodhaan ayay ka keeneen damaca waalan ee dowladda Kenya. Waxaana xusid mudan in dowladda Soomaalidu ay Maxkamadda Caalamiga ah Hague u gudbisay dacwad ka dhan ah daandaansiga Kenya.

Wagalla massacre:

Qaybta 1aad:

Qaybta 2aad:

Qaybta 3aad:

Qaybta 4aad:

Wagalla massacre revisited :

Minister Weeps at TJRC Hearing:

Halkan ka eeg qoraaladii 2000 ay SomaliTalk ka qortay xasuuqa Wagalla.. GUJI

Qaybaha kale ee Xulashada Jimcaha ka akhri: https://somalitalk.com/tag/xulashada/


somali173

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xulashada Jimcaha: Xasuuqii Ciidanka Kenya ka geysteen magaalada Wagalla ee NFD "

  1. HIMILO says:

    North Eastren Provicne ama NFD- runtii waxay u baahan yihiin iney noqdaan DOWLADD MADAX BANAAN, SI DADKA DEGAANKAASI AY UGA TASHADAAN AYAAHOODA UMADEED. WAXAA MUUQATA IFIFAALO AY SOOMALI WEYN KU MIDOOBEYSO MAR KALE.. SABABTO AH KENYA IYO SOMALIDA WA DHAQAN,DIIN,AF IYO QAAB NOLOLEED OO KA DHAXEEYO MA JIRO. LAAKIIN DOWLADIHII ISTICMAARKA OO KA FAA’IDEYSTAY, AQOON LAANTA IYO XOOG LA;AANTA UMADDA SOOMAALIYEED AYAA SUURO GELIYAY IN GOBOLADAAN QADIIMIGA AH EE SOMALIYA LA HOOS GEEYO DAL/DAD AAN ISKU DHAQAN,DIIN IYO AF-BA AAN WADAAGIN.