Home » Alwaqaar, Maqaallo »

Qubuuraha muslimiinta iyo qubuuraha murtaddiinta ee Baraawe!

Qubuuraha muslimiinta iyo qubuuraha murtaddiinta ee Baraawe!
Waan ogaa in Xarakada Al-shabaab gaalo iyo murtaddiin ku sheegto dad badan oo muslimiin ah, ayna dilkooda ku sababayn jirtey waa murtadiin laakiin waxaa igu cusbaa in Qabuuro gaar ah loo asteeyey dadka ay murtaddiinta ku sheegeen.
Waxaa kale oo igu cusbaa in raggii hoggaanka Al-shabaab ka mid ahaa ee la laayey lugu xabaalay Qubuuraha loo baxshay qubuuraha murtaddiinta. Xogtaan waxaa ii sheegay xujeydii sannadkaan koonfur kasoo xajisay.
Ninkii ururkan fikraddiisa lahaa ee unkay ee hirgaliyey (Ibraahin Afgaani) kolkii kursi la isku qabtay inuu hal mar murtad u dallacay yaab way dhaaftaye amakaag bay noqotay. Ninkii ummadda nabi Muxammad shay ku dhiba in Ilaahay isagana shayga laftiisii ku dhibo ayay u badantahay.
Nin baa nin kale waran dabada ka galiyey, wuuna u dhintay, Ilaahay baa isagiina ku ciqaabay inuu geed kasoo dhoco oo laan xaskul ahi dabada ka gasho, isaga oo sakaraad ah ayuu yiri: waan ogaa in Ilaahay addoomadiisa u kala aargudo laakiin ma ogayn inuu dubur dubur ugu aargudo!.
Gabagabadii dadow Ilaahay iyo diintiisa yaan lugu dhiirran, dulmiga iyo xadgudubkana hala daayo, ninkii diinta dhibtuu u gaystay dhaqso looga jari waayo ama dadkuu dulmiyey iska celin waayaan Alle ayaanu ka fakanayn gooray noqotaba.
Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
 

axmeed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.