Home » Maqaallo »

DALDALLAADDA GODANE !!! MA U HELAY DARONE !!!!

saahidDhimashada Axmed Cabdi Godane aad baan ugu diirsaday, waana sidaan la rabay Maqaalladdii ugu danbeeyey ee aan ka qoro Xarakadda AL-shabaab Shufto ayaa ahaa mid aan raadinaayey wax Axmed Cabdi Godane ii Daldala Sidii uu Xijaaj Ibnu Yusuf u daldalay Madaxdii Khawaarijta ee kala ahaa :
1) Shabiib Abuu Madallah oo madax u ahaa Khawaarijta AL_shabiibiyah .
2) Qadri Ibnu Fujaa’iyah oo asaguna Madax u ahaa khawaarijta Al-fujaa’iyah.
3) C/raxmaan Ibnu Ashcath oo asaguna madax u ahaa Khawaarijta AL-ashcathiyah !!!!
Marka waxaan Raadinaayey Nin uun ii Daldallah Axmed Cabdi Godane, waxaanse helay Daroonkii Mareykanka oo Habeennimaddii Axadda ee Bisha September 1, 2014  lagu galaaftay Meel u dhaxeysa Sablaale iyo Hawaay !!!!.
Maqaalkaygii Hore ee Daldalaadda Godane ma u waayey Xijaaj ???? Waa laga jawaabay markii Maalin dhaweyd Dil Toogosho ah lagu Xukumay Labadii Al-Shabaab ee dilay Nafiiso Cusmaan , Gabadhii Jaamiciyadda Aheyd ee Bishii April lagu dilay Magaalladda Xamar , Xaafadda Yaaqshiid.
Dilkaas oo aad uga fajiciyey Ummadda Soomaaliyeed oo idil meel kasta ay joogto, ayaa Noqday Dilalka fara ku tiriska ah ee loo soo qabto Dhagar qabayaalkii geystay , inta badan Dilalka Magaalladda Xamar ka dhaca waxaa lagu yaqaanaa in aan ruuxna loo qabanin ee arrinku ku soo gabagaboobo, waxaa Dilkaas fuliyey labo Nin oo aan Haybtooda la Aqoonin.
Dilkaas oo la soo wada galiyey webside- yadda Iyo Barta Face Book Iyo Tweetarka , loogana Hadlay Qolalka lagu sheekaysto ( Chating Rooms ) Sida Paltalk Iwm .
Sheekada Qirashada ah ee labadda Dhagar qabe Iyo Sida ay Falka u fuliyeen ayaa
Dadweynaha Soomaaliyeed ka wada Qaracmeen meel kasta ay Joogaan ????!!!!! Sidoo kalena waa ku wada Farxeen markii Fagaaraha Dugsiga Booliiska lagu toogtay Labadaas Dhagar qabe ee Horaantii Bishaan July, 2014.Maxkamadda Sare ee Ciidamadda :

Maxkamadda Sare ee Ciidamadda AMA Maxkamadda Badbaaddada Qaranka, waa mid wax badan ay Sugayeen Ummadda Soomaaliyeed si loo soo celiyo Amniga Iyo kala Danbeynta .
Taariikhdu ilow ma leh aan Dib u jaleeco Taariikhdii Xijaaj Bin Yusuf oo Amiir Cabimalik Ibnu Marwaan uu u magacaabay Xukunka Gobolka Ciraaq oo waagaas Noqday Xamar oo kale oo Amaankii faraha ka baxay.
Maalin jimco ah Ayuu tagay asagoo Afku u Duuban yahay oo Hubkiisii ku Shaaximan, Markaas Ayuu Khudbaddaan Caanka Noqotay u jeediyey :
أما و الله فإني لأحمل الشر بثقله و أحذوه بنعله و أجزيه بمثله، والله يا أهل العراق إني لأرى رؤوساً قد أينعت
وحان قطافها، وإني لصاحبها، والله لكأني أنظر إلى الدماء بين العمائم واللحى.
Wuxuu yiri :
( Reer Ciraaqoow annigu Xumaha waan xambaaraa Culeyskiisa, waana daba socdaa Kabihiisa, Asagoo kalena waan ku Abaalmariyaa , Reer Ciraaqoow waxaan u jeedaa Madaxyo Bislaaday oo uu Waqtigii la guranaayey soo Dhawaaday, anniga ayaanna Guranaaya, Wallaahay waxaan u jeedaa Dhiigii oo Cimaamadaha Iyo Garka dhexdooda Qulqulaaya ) !!!!.
Hadalkaas waana ka dhabeeyey oo Wuu shafay ilaa ay Amiirul Mu’miniinka u Hogaamsamaan??? Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in uu Habeenkii Bandow soo Rogay oo Ruuxii Jabiya uu Dil ku xukumay , kadib ayaa Maalin loo keenay Nin Reer Baadiyo ah oo Habeen Magaallada Kuufa soo Galay asagoo Safar ah oo Ari’ wata oo jabiyey Baandowgii ???!!!! . Wuxuu ku yiri waan ku ogahay in aad qalad ku soo gashay oo aadan ogeyn Meesha waxa ka socda se Qowlkaygii Jabin maayo oo Markaas Ayuu Dil ku xukumay ????!!!!
Daldalaadda Godane !!! Ma u waayey Xijaaj bin Yuhuf oo kale ???!!!!
Waqti yar kadib Ayey Reer Ciraaq isku daba dhaceen Markaas Ayuu bilaabay in uu Ugaarsado Khawaarijtii loo Taag waayey oo uu soo Gabagabeeyey Seddexdoodii Firqadood ee ugu waaweyn ( 1 ) .
Magaalladda Xamar waxay u baahan tahay Xijaaj oo kale , Maantana waan u maleynayaa in aan helay oo waa
Gashaanle Sare C/raxmaan Mohamed Tuuryare !!!!.
Hadalkii Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada uu ka jeediyey Dilkii labada Al-Shabaab ee Dilay Nafiiso Cusmaan halkaan ka Aqriso ;

http://warbahinta.com/?p=33052

Sidoo kale Halkaan ka Daawo Sawirradii labada Dhagar qabe Iyo Sida ay u soo dhaweeyeen Reer Xamar .

http://heegonews.com/index.php/wararka-somalida/2092-maxkamadda-ciidamada-soomaaliya-oo-saaka-dil-ku-fulisay-laba-nin-oo-hore-dil-u-gaystay

Sidoo kale Halkaan ka Daawo Sawirrada Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda :

http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/DSC044561.jpg

ISLAAMKU Muxuu ka qabaa Ruuxii Ruux dila :

Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri : البلاغة بين قولهتعالى : ” ولكم في القصاص حياة ” وقول العرب : ( القتل أنفى للقتل ) .
( waxaad ku Leedihiiin Qisaasta Nolol ) Sidoo kale Carabtu waxay dhihi jireen Dilku wuxuu joojiyaa Dilka !!!!
Annagana Soomaaliya waan u soo joognay Kacaanka ka hor Soomaalidu waa is Dili jirtay ilaa uu ku shirbay Ninkii Reer Xamarka ahaa ee Ninka intuu feer ku dhuftay Dilay ee Markaas yiri :
( Ar Daf Dhawaa Ma Dooliyaa Diyuuba Qoorta noo galiyey ) !!!!.
Se markii Kacaanku uu soo saaray Ninkii Nin dila ha la Dilo ,aad Iyo aad buu is Dilkii u yaraaday oo 22 Sano ee Kacaanka ilaa 8 qof oo kaliya ayaa tiirka la geeyey ???? Waxaa ka mid ahaa Askarigii Dilay Madaxweyne C/Rashiid Cali Sharmaarke, Askarigii Dilay Motto, Askarigii Dilay Gabar Askariyad ah xerradda Afasiyooni, Naag ninkeeda ku Dishay Magaallaadda Marka ????? Askarigii Dilay Gashaanle Sare Dhaqane ee Xeradda Agoonta Xoogga oon Annigu waa’ aan ka ahaa Macallin, labadoodaba aan garanaayey Iwm .
Xukunkaas oo markii Sideetameeyadii xooggaa la Xagal daaciyay , waan ku soo Noolaanay Nabad galyo Iyo Baraare ????!!!!!.
Maantana Haddii DAWLADAAN ay soo Celiso in Ruuxii Shabaab lagu soo eedeeyo dhagta dhiiga loo daro ,Sannad kadib dhulku Nabad Ayuu ku soo noqonayaa !!!!
Daldalaadda Godane !!! Ma u helay Tuur yare ???!!!!.
Axaadiista ku soo Aroortay fool xummidda Ruux Muslim ah oo la Dilo :
وأخرجا عن البراء بن عازب أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ( لزوال الدنيا وما فيها أهون عند الله من قتل مؤمن ولو أن أهل سماواته وأهل أرضه اشتركوا في دم مؤمن لأدخلهم الله تعالى النار ) .

وفي رواية الأصبهاني عن ابن عمر أنه عليه الصلاة والسلام قال: ( لو أن الثقلين اجتمعوا على قتل مؤمن لأكبهم الله تعالى على مناخرهم في النار وأن الله تعالى حرم الجنة على القاتل والآمر ).
( Adduunka oo la rogo ayaa Allaah uga sahlan in Ruux Mu’miniinka ah la Dilo???? Haddii Samada Dadka dega waa Malaa’igtee Iyo Dhulka Dadka dega ay isku biirsadaan Ruux Mu’miniinka ah Dhiigiisa Allaah kor ahaaye Naarta Ayuu galiyaa ) !!!!!
Riwaayatdaha kale waxay leedahay Haddi Dadka Iyo Jinku ay isku biirsadaan Ruux Mu’miniinka ah Dhiigiisa Allaah wuxuu Naarta ugu Tuura San San, Allaahna Jannada waa ka xaaraantimeeyey Ruuxa Ruux Dila Iyo kan Dilitaankiisa Fara labadaba ) !!!!!.
Dadka Shabaabka Taageera ee aan Soomaaliya Jooogin Xukunkooda Muxuu noqonayaa :

Dadka Debaddaha Joogga ee Haddana Falalka Shabaab Taageera, Xukunkoodu Muxuu noqonayaa, Xadiiskan baa noo Sharxaaya ee dhagaha u fur :

أخرج ابن عدي والبيهقي عن ابن عمر قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم : ( من أعان على دم امرئ مسلم لينظر كلمة كتبت بين عينيه يوم القيامة” آيس من رحمة الله تعالى ) .

Nabigu NNKH wuxuu yiri :
( Ruuxii Ruux Muslim ah ku caawiya in la Dilo ha fiiriyo Kalimad Maalinta Qiyaamo Labaddiisa Indhood Dhexdooda lagu dhigidoono [ waa mid ka Quustay Naxariista Allaah ] .
Haddaba Akhristoow Dadka Debedda Jooga ee Xamar ka fog ee Haddana Falalka Al- Shabaab Qalbiga kala jira ee Raaligaa ka ah in la Dilo Dadka Muslimiinta ah ee Sooman Cibaadadooda la Aqbalimaayo , Maalinta Qiyaamahana waxay imanayaa ayagoo labadoodaba Indhood dhexdooda kaga taalo [ waa mid ka Quustay Naxariista Allaah ].
Subxaanalaah Muxuu Camalkiisa ku khasaariyey wax uusan Shaqo ku laheyn ???!!!!! Dil Allaah uu ka fogeeyey Ayuu Camalkiisa u burinayaa ???? Kaas waxaa ka Fiican Ruuxa BIL Soon aan Soomin , Salaadna aan tukanin se
Falalka Al- Shabaab niyadda ka naca ????!!!! Sababtoo ah lama oranin Qiyaamaha wuxuu imanayaa asagoo Labaddiisa Indhood dhexdooda ay ku dhigan tahay [ kii ka Quustay Raxmadda Allaah ] ee waxaa la yiri :
[ Jannada Allaah wuxuu galiyaa Ruux aan wax Camal ah oo Wanaagsan aan Sameynin , se Rumaysan Kalimadda LAA ilaaha ilaa Allaahu .
Haddaba Akhristoow Dad waxaa ugu liita Ruux wax aanu shaqo ku laheyn Camalkiisii ku buro ????!!!
Calal Aqal may Noqdaan sidii Cumar bin C/ siis oo mar la weydiiyey Dagaalkii Saxaabadda ka Dhex dhacay , Markaas buu ku jawaabay hadalkan oo Fiican Al-Shabaab kuwa Ururka kala jira in ay ku Dhaqmaan :
( Haddiiba uu Allaah Dagaaladaas I joojinin, haatanna ma Rabo in aan Carabkeyga ku wasaqeeyo ) !!!!.
Haddiiba uu Allaah ku joojinin meel Ruux Muslim ah lagu dilaayo, Haddaba Niyad aad kala jirto yeysan Camalkaaga burinin oo Indhahaaga dhexdooda lagu soo dhigin kii Allaah Naxariistiisa ka Quustay .
Halkaas baan ku soo gabagabeynayaa Maqaalka Daldalaadda Godane !!! Ma u helay Darone !!!!!

Qoraagga ugu Caansan uguna Maqalladda Fara badan , Maqaalladiisuna ugu tayo badan yihiin ee Wax ka Qoray AL-shabaab ilaa 2008 waa Shiikh Saahid Mohamed yusuf .Halkanna ka Akhriso Maqaalladaas Qeyb ka mid ah :

1)http://web.archive.org/web/20140226222103/http://somalitalk.com/2013/01/04/saahid-yuusuf-2/

2)http://web.archive.org/web/20130215134019/http://somalitalk.com/2012/09/03/waraabe-cune/

3)http://web.archive.org/web/20121104061843/http://somalitalk.com/2012/04/09/sheikh-saahid/

3)http://web.archive.org/web/20140325024348/http://somalitalk.com/2011/12/28/shaafici/
4)http://web.archive.org/web/20140226222156/http://somalitalk.com/2011/11/24/saahid-6/

5)http://web.archive.org/web/20130210155108/http://somalitalk.com/2011/10/08/saahid-4/

6)http://web.archive.org/web/20130215135533/http://somalitalk.com/2011/09/05/saahid-3/
7)http://web.archive.org/web/20121104061855/http://somalitalk.com/2011/08/24/saahid-2/
8)http://web.archive.org/web/20121104061804/http://somalitalk.com/2011/08/09/saahid/

9)http://web.archive.org/web/20121104061804/http://somalitalk.com/2011/08/09/saahid/

10)http://web.archive.org/web/20121006024751/http://somalitalk.com/2010/02/03/islaamka-oo-u-dhaxeeya-khaladaadka-dhallintiisa-iyo-tashwiishka-cadawgiisa-2/

11)http://web.archive.org/web/20090529235332/http://www.somalitalk.com/2009/may/14ma039.html

12) https://somalitalk.com/2014/06/09/daldalaadda-godane-ma-u-waayey-xijaaj-3/

13) https://somalitalk.com/2014/05/03/daldalaadda-godane-ma-u-waayey-xijaaj-2/

14) https://somalitalk.com/2014/04/10/daldalaadda-godane-ma-u-waayey-xijaaj-1/
FII AMAANI Laah !!!!

Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
USA, Gobolka Virginia .
sahidyusuf@yahoo.com
Al Mutakhasis Fil Xarakaat Al-Islaamiyah
1) kaga bogo Maqaalkaygii hore ee Daldalaadda Godane !!! Ma u waayey Xijaaj ( 1 )

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.