Home » Warar »

Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo London ku geeriyoodey

TACSI MARXUUM DANJIRE MOHAMED OSMAN OMAR

Mogadishu, October 05, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh , Wasiiru dowlaha H.E. Buri’ Mohamed Hamza, Wasiir kuxigeen-ka H.E. Mahad Mohamed Salad,Kusimaha Xoghayaha joogtada Yusuf Ali Mohamed, agaasimayaasha guud,agaasimayaasha Waaxyaha,Safiirada,Qunsulada guud iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Ambassador Mohamed Osman Omar Ibrahim oo 04 October , 2014 ku geeriyooday Magaalada London ee Caasimadda UK oo muddooyinkan uu ku xanuunsanayay.

image

Marxuum Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii February 1968, isagoo ka mid noqday Saraakiisha hab-maamuuska , illaa iyo heer uu gaaray in loo magacaabo agaasimaha habmaamuuska.

Ambassador Abdisalam Haji Ahmed Liban oo ka mid ahaa diblomaasiyiintii ay isla soo shaqeeyeen Marxuum Maxamed Osman ayaa sheegay in marxuumku ahaa xidig ifayay oo u hilaacay diblomaasiyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya , wax weyna ka qabtay howlihii kala duwanaa ee loo kala igmaday, isagoo furay Safaaraddii Soomaaliya ee Tunisia .

Waajibaadka qaran ee uu gutay , laguna xasuusan karo marxuumka ayaa ahaa isagoo kaashanayay saraakiishii Waaxda habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda qaabka heerka sare ah ee ay u haagiyeen hab socodka Shirkii Madaxdii Ururkii Midnimada Afrika ( OAU) ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho sanadkii 1974 .

Intii u dhaxeysay 1968-1972 waxa uu noqday U qeybsanaha Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee UK iyo Xoghayaha koowaad Safaaradda Soomaaliya ee China.

Intii u dhaxeysay 1976 – 1979 waxa uu noqday Lataliyaha koowaad Safaaradaha Soomaaliya ee Iran iyo Tanzania.

1980 ayaa waxaa dib loogu magacaabay Agaasimaha hab maamuuska Wasaaradda iyo kan Qaranka , isagoo qoray buugaag badan oo la xiriira diblomaasiyadda iyo khilaafaadka dowladaha.

Intii u dhaxeysay 1982 – 1991 , waxa uu noqday Safiirka Soomaaliya ee Safaaradaha Sudan, Yugoslavia iyo India , waxa kale uu Safiir aan joogta aheyn ka kala ahaa wadamada Sri Lanka iyo Singapore.

Qaran- burburkii kadib , Intii u dhaxeysay 2000-2004 waxa uu kala shaqeeyay Madaxweynihii hore ee KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan arrimaha diblomaasiyadda iyo habmaamuuska.

Kahor howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ka soo shaqeeyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo uu ka noqday Siihaye agaasime .

Marxuumka ayaa ahaa luqad yahan ku xeel-dheeraa ku hadalka luqadaha Afsoomaaliga, Carabiga , English-ka , Talyaaniga iyo Mandarin Chinese , waxa uu fahmayay sidoo kale luqadaha Spanish-ka , Faransiiska iyo Hindi .

Marxuum Danjire Maxamed Osman Cumar oo ifka kaga tagay 5 wiil iyo 2 Gabdhood, ayaa waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1936.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo London ku geeriyoodey "

  1. kugaran waa says:

    ok ALLAHA U NAXARIISTO!!!!!!! muwaadinka sharafta leh ee somaaliyeed