Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh oo 15-ka Oktoobar Tagaya Baariis ka dib markii uu Casumaad ka heley Shirkadda TOTAL

Qamar Haashim “Dacwada Badda ee ay Dowlada Gudbisey waa Dacwad lagu Maaweelinayo Dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed”

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh uu 15-ka Oktoobar ee soo socota uu gaaro Dalka Faransiis ka dib markii uu Casuumaad ka heley Shirkadda TOTAL sida ay noo sheegtey Qamar ShariifHaashim oo inta badan la socota Siyaasada Soomaaliya iyo mida Dibada

Qamar oo aan wax ka weydiiney Sababaha uu Madaxweynaha uu u tagayo Magaalada Baariis ayaa waxay sheegtey in uu kulan la qaadan Doono Madaxda Faransiiska oo ay isla soo qaadi doonaan wax loogu yeerey la dagaalanka argagixisada, Taageeridaa Ciidamada Soomaaliya, Diyaarinta Doorashooyinka 2016-ka , Dhismaha Maamulada Gubolada iyo Dhameystirka Dastuurka sidoo kale waxaa uu Madaxweynha uu la Kulmi doonaa Madaxda Shirkadda TOTAL ooo hore Dowlada ugu Saxiidey in ay Shidaal ka baarto Gobolada Jubbooyinka

Mar aan waxa ka weydiiyey Dacwada ay Dowlada Federaalka ay u Gudbisey Maxkamada Caalamiga waxay Qamar Haashim ku Jawaabtey “ Markii Horeba Dowlada Federaalka iyadu Dacwadu ma Gudbin ee waa mid kor looga keeney marka waxaan ku Tilmaami karaa Dacwadaas Maaweelo waayo Dowladeenna waa Dowlad aan haysan Dhaqaale ay ku Bixiso Qarneeno Difaaca Dacwadda , halka Kenya ay haysato Dhaqaale ku Filan oo ay siiso Qareenno isugu jira Dibadda iyo Gudaha”

Ugu Dambeyntii Qamar waxay Bulshada Qaybaha kala duwan u soo jeedisey in ay u istaagaan sidii loo Difaaci lahaa Badda Soomaaliya oo ay Dooneyso in Kenya ay qaado iyadoo ay Garab ka heleyso Dowlado Shisheeye oo damac weyn ugu jira Khayraadka Badda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliyaoo sheegtay inaysan ogeyn Ciidamo Turkish oo Dalka Jooga.

Guddiyada Joogtada ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay su’aalo dhowr ah weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed.Su’aalaha ay Guddiyadu weydiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa waxa uu ka ogyahay Ciidamo ay leeyihiin Dalka Turkiga oo xiligan ku sugan Dekadda Caalamiga ee Magaalada Muqdisho. Cabdweli oo su’aashaas ka jawaabayay ayaana sheegay inuusan ogeyn ama arag wax Ciidan Turkisha ah oo jooga Dekadda isagoona xusay in sidoo kale wax warbixin ah oo arrintaa ku saabsan aan loo soo gudbinin. “Wan maqlayay Warbixin r uu bixinayay Taliyaha Saldhigga Boliiska Dekadda kaasoo u sheegayay Maamulka Shirkaddaas in Ciidankoodu ku filan yihiin sugidda ammaanka Dekadda iyo Shaqaalah Turkishka ah”ayuu Ra’iisul Wasaaraha jawaabtiisa sii raacsaday isagoona ku celiyay mar kale inuusan ogeyn Ciidamo Turkisha ah oo sugaya ammaanka Shaqaalaha Shirkadda Turkiga.

Maamulka Puntlandoo ka jawaab celisey Hadalkii Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Iyadoom aalinimadii shalay Magaalada Gaalkacyo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hoggaamiyaha Gal Mudug Cabdi Qaybdiid isla markaana uu sheegay in Xayiraaddii ay ka qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Maamulka Puntland dhankooda.Cabdiweli Xirsi Indha-Guran oo Maamulka Puntland u qaabilsan dhinaca warfaafinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada ereyba uu ka maqlay Cabdi-qaybdiid labadaas Erey oo ahaa Garoon baa la Xiray iyo waa la fasaxay.Mas’uulkan ayaa sheegay inaysan jirin wax xayirnaa iyo shaqo joogsatay isagoona tilmaamay in hawlihii Garoonkaas ay si caadi ah u soconayeen cid laga xayiray iyo Diyaarad safarkeeda u baajisayna aysan jirin. Mas’uulka Punland ayaa soo dhaweeyay Maamul ay samaystaan Goboladaas wax dood ahna aysan ka qabin in halkaas laga dhiso Maamul Gobolada Dhaxe ay leeyihiin dhankoodana ay taageerayaan.

Barkac xooggan oo ka bilowdey Degaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wararka naga soogaaraya degaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in si weyn dadku ayuga barakacayaan Degaankaas ka gadaal markii Biyo la’aan xooggan ay soo food saartay.Guddoomiyaha Degaankaas Maxamed Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababaha ay dadku haatan uga hayaamayaan in ay tahay Abaaro iyo Biyo la’aanoo halkaa ka jirta iyadoo xoolihiina ay bilaabeen in ay Harraad u dhintaan. Guddoomiyaha Degaanka Maxaas ayaa intaa kud aray in Dadka ka barakacay degaankaas ay raadsadeen meelo Biyo leh halka qaarkoodna ay ku dhawaadeen Wabiga Shabeelle oo mara qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.Culeyska Abaaraha jira dartooda ayuu sheegay Guddoomiye Xalane ayaa sheegay in maamulkoodu uusan hayn awood uu kaga hor tago abaartaas baaxadda leh isagoona baaq u diray Hay’adaha Sama Falka in Gurmad deg deg ah loo oo fidiyo.

Ammaanka Degmada Wadajir oo maalmihii u dambeeyay soo Xumaanaya ka dib markii

Degmada Wadajir oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaadooda ugu ammaanka fiican ayaa maalmahan dambe waxaa ku soo badanayay falal amnidarra ah.Falalkaas amnidarada ayaa waxaa ka mid ah Dilal, Isbaaro iyo Dhac laga gaysto qaybo ka mid ah degmadaas.Laba habeen ka hor ayaa ruux rayid ah lagu dilay qaybo ka mid ah Degmadaas iyadoo dhac loo gaystay qaar ka mid ah Ganacsato Suuqa weyn ee Wadajir ganacsi ku haystay halka qaybo ka mid ahina Habeenkii la soo dhigto Isbaarooyin dadka xiliga habeenkii soconaya looga qaato . Si kastaba Maamulka Degmada ayaan ka hadlin falalkan ka soo cusboonaday Degmada Wadajir in kastoo hore ay u ballan qaadeen in wax badan ay ka qabanayaan ammaanka degmadaas isla markaana ay joojinayaan Kooxha Hubaysan ee sida macnadarada ah u dhex jooga Suuqyada iyo waddooyinka degmada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.