Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo kulan la qaatay maamulka Dekadda iyo Xoogsatada

Muqdisho, 27, September, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ayaa maanta kormeer saacado qaatay ku tegay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, taas oo baryihii u danbeeyay ay ka jireen cabashooyin ay muujinayeen xoogsatada ka shaqaysa.

image

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka koobantahay Dekadda Muqdisho, isagoo halkasi kulan kula qaatay Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Dekadad iyo qaar kamid ah xoogsatada ka shaqaysa iyo maamulka shirkadda gacanta ku haysa Dekadda , wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ay qabaan xoogsatada dekadda ka howlgasha.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay maamulka iyo qeybaha ka howlgallada dekadda markii uu soo dhammaaday kaddib, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) oo sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay tahay u-kuurgalidda cabashooyinkii baryahaan ka imaanayay shaqaalaha muruq-maalatada Dekadda.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu waxay ahayd si loo ogaado hawlaha ka socda Dekadda iyo cabashooyinkii baryahaan ka imaanayay shaqaalaha iyo Muruq-maalka, wuxuuna la kulmay qeybaha kala duwan ee ka howlgala Dekadda, ujeedkuna wuxuu ahaa in xal laga gaaro mad-madowgii baryahan jiray, guddi ayaana loo saaray arrintan kasoo tallo bixiya” ayuu yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Macalin Baadiyow oo intaas ku daray kulankii manta in uu guul iyo is-afgarad kusoo dhammaaday.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed maanta ku tagay Dekadda weyn ee Muqdisho, ayaa qayb ka ah hawlaha uu doonayo in kor loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u hayso Xukuumaddu.

DHAMMAAD

Ahmed-nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: axmednuur59@gmail.com
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPm

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.