Home » Warar »

Norway iyo Kenya oo Gelaya Heshiis ku saabsan Maaraynta Khayraadka Batroolka

“Kenya iyo Norway waxay gelayaan heshiis ku saabsan maaraynta Khayraadka Batroolka,” waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed September 9, 2014 ay faafiyey websiteka madaxtooyada Kenya.

Arrintaas waxaa shaaca laga qaaday xilli aqalka madaxtooyada Nairobi uu booqday Safiirka Cusub ee Norway u fadhiyi doona Kenya, Victor Conrad Ronneberg, si uu waraaqahiisa aqoonsiga u gudoonsiiyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaa warsaxaafadeedku intaas raaciyey in “Dawladda Kenya ay hore ula xiriirtay Norway arrimo ku saabsan maaraynta khayraadka dabiiciga ah.”

Safiirka Norway waxa uu halkaas ka sheegay in “uu ku faraxsan yahay in Kenya ay muujisay sidii ay u maamuli lahayd Khayraadka Batroolka iyo Gaaska.”

“Waxaan ku talo jirnaa in Norway ay heshiis muddo dheer jiri doona la gasho Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka ee Kenya oo ku saabsan maamulida/maaraynta khayraadka Batroolka,” ayuu yiri safiirka Norway.

Sidoo kale madaxweynaha Kenya oo halkaas ka hadlay waxa uu yiri “Kenya waxay ka faa’iidi doontaa wada shaqaynta Norway si loo maareeyo khayraadka batroolka ee dhawaanta la daah furay.”

kenyanorway

Dhanka kale Safiirka cusub ee Norway waxa uu shaaca ka qaaday in labadii sano ee la soo dhaafay ay Norway maalgashaatay Kenya taas ooo gaartey Ksh 8 billion, taas oo la xiirta xagga isgaarsiinta iyo adeegyada ganaacsiga.

Dhanka kale, Warsaxaafadeed 19 September 2014 ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in “Cabdiweli Sheekh Axmed uu la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Mudane Kjell Magne Bondavic,” ayagoo sida warsaxaafadeedku sheegay “ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.”

Warsaxaafadeedka Xafiiska Madaxweynaha Kenya Halkan ka akhri: Kenya and Norway to enter into deal on resource management

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Norway iyo Kenya oo Gelaya Heshiis ku saabsan Maaraynta Khayraadka Batroolka "

  1. Sharif Cumar says:

    ASC, Waxaan si weyn u taageeraa una ol-oleeyaa difaaca Xad-badeedka soomaaliyeed, waxaan u arkaa inay waajib nagu tahay.
    si kasta ayaa loo caddeeyay hanka nahaabaha ku dhisan ee ay ku heshiiyeen labadan dowladood ee Norway, Kenya iyo kuwa ay miirbaaben
    Haddaba si xadgudubka shirqoolada la maleegayo looga sabato baxo, miyaaney naguba filneyn kaliya inuu barlamanka ka dhigo qobob dastuuri ah kiiyoo tixraacaya xeerarkii xalaasha ahaa, sida ay hore uga yaleen dawlado qeyrkeen ah oo kale.

  2. Waa markii iigu horeysay een soo booqdo wabsite kan,,,, kadib markaan ka dhageystay. BBC- qof laga wareytay in uu yiri .. Arrinta badda waxaa sabab u noqday in ey soo shaac baxdo. Nin wabsite editor ah oo la yiraahdo. MOHAMED.. Kadib ayaan soo helay ciwaanka wabsite kan,,, wlhi ma garanayo qaab aan idiin buun buuniyo,, sababtoo ah. Eray kaste oo amaan ah waad u qalantaaan,,, war heedhe heroes ayaad tihiin wlhi,, waxaad noo meeriseen” cashar ciwaan kiisu yahay. “Wadanigu u shaqeynta wadankiisa cidne marti ugama ahan”

  3. cali says:

    Waddamada heshiis wadagali karaan marka hadda meeshaan waddan oo shisheey wadaheshiis ay galin baad noo soogudbis waddankaanaga midkoodna marka maxaa naga gale anaga

  4. salan ka dib, hosha ad u haysan umada somaliyed ee ku sabsan muranka bada somaliya iyo kenya aad ban idin kaga mahadcelinanya.
    mida labad somaliya iyo kenya muran baded maba dhex olin lakin madaxdaa somalida aya sahashay hoshan marabo in an wax badan ka qoro dhankas, lakin waxan so jedinaya talo ah madama ad isku shuqlisen in ad u so bandhigtan dadwenaha arintan maku dari kartan in aad isku kentan somalida aqonta u leh arinkan eyna diyariyan qorshaha kenya diyarsatay mid ka wanagsan una shartagno si loo baajiyo in ay maxkamadas arinkaas bada somaliya ladonayo in kenya lagu siiyo eysan garinba an dhexda ku joojino waraqda madaxwenaha u diray maxkamada.
    aniga waxay ila tahay aniga in arintan an dolada somaliya lagu egin kaliged ka shacab ahan an kacno anan ka bilabin canbaren an u jedino dolada, an ka bilowno in an isku daba ridno dad ku xeeldheer arinkan bartay culunta badaha, aqoonyahano bartay shurucda dowliga iyo qubaro somali ah geology ga yaqan intas in an isku radino ana u shaqeyno iska wax u qabso anago mushar ama mihnad ka so radin hoshan. weyna socota aan dadajino, wa sahal intas marka an diyarino dadka la diyariyay waxay la kulmi karan barlamanka qasatan gudiga barlamanka e qabilsan kheyradka wadanka.