Home » Warar »

Oslo: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarahii hore ee Norway

Warsaxaafadeed ka soooo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in “Cabdiweli Sheekh Axmed uu la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Mudane Kjell Magne Bondavic,” ayagoo sida warsaxaafadeedku sheegay “ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.”

Warsaxaafadeedkii oo dhan hoos ka akhri

War-saxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Oslo kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway.

Jimco, 19 September 2014 …… Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta , Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo xubno kale oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Norway ayaa maanta magaalada Oslo waxaa ay kulan dheer kula yeesheen Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway Marwo Erna Solberg iyo xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ee dalka Norway iyagoo ka wada hadlay xiriirka dheer ee u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo dalka Norway taageerada ay u fidiso dawladda Soomaaliya, waxaana uu uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka oo lagu qiyaaso 40’000 oo Soomaali ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyay sida dawladda Norway ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen labada dhinac taageerada Waxbarashada, Gargaarka Bani’aadanimo, Shaqo-abuurka iyo in ay Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u maamulan lahayd khayraadka dalkeeda.
norwaypm1
“Xiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib-u-dhiska dalka kadib burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo aan ka wada hadalnay idii ay gacan uga gaysan lahaayeen in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeena iyo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, loogana hortago in kooxaha argagixisadu ay dhalinyarada u isticmaalaan dagaalada.”

“Norway waxaa ay naga caawisaa bixinta mushaharka shaqaalaha dawladda oo iyagu ah laf-dhabarta ay dawladdu ku shaqayso, waxaa sidoo kale ay u heelan yihiin in ay gacan naga siiyaan Maamulka Maaliyadda, Waxbarashada iyo tayaynta Hay’adaha Dawladda .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya .

norwaypm2

Dhanka kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Mudane Kjell Magne Bondavic iyo mas’uuliyiin kale iyagoo ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.

END

Waaxda Warfaafinta ee XRW
Mogadishu – Soomaaliya
E: Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.