Home » News »

Xarunta Macluumaadka ee Ka Hortagga Burcad-Badeedda Soomaaliya oo Qabatey Kulan Dood Furan

WAR SAXAAFADEED

“DHALLINYARADA OO HADASHAY”

Xarunta Macluumaadka ee Ka hortagga Burcad-Badeedda Soomaaliya waxay ayadoo kaashanaysa Ururka Dhallinyarada Qaranka Soomaaliya soo agaasintay dood furan oo loo qabtay Dhallinyarada, taasoo lagu qaadaa dhigayay saamaynta iyo waxyeellada falalka Burcad-Badeenimadu ay ku yeesheen Bulshada Soomaaliyeed.
somali168
Kulnakaan Dooda ah ayaa waxaa uu dhacay Sep 17-2014 waxaana daadihinayey, Dhallinyaro da’yar oo ka baxay Jaamacadaha dalka ayaa ku tilmaamay Burcad-Badeednimadu in ay aysan ka gaddisnayn Burcadnimada Berriga.

Ayaan Maxamed Cabdullaahi oo ah ardayad ka baxday Jaamacadda SIMAD ayaa hoosta ka xarriiqday in Burcad-Badeeddu ay Sicir Barar xun ku riddey Shidaalka, Baabuurta, Qalabka Guryaha iyo Hantida kale sida Dhulka. “Waxay khalkhal galiyeen Dhaqaalihii Soomaaliya illaa dadka caadiga ay ka gaareen in ay Deegaan waayaan ama alaabo wanaagsan oo ay guryaha Dhigtaan, kuwo Raaxo Warkooda iska daa iyaga, waayo Qiimihii alaabta ayaa cirka isku shareeray. Waxay sidoo kale sababeen falalkii Burcad-Badeeddu in qoysas nolol qabow ku noolaa ay burburaan”.

Yuusuf Cabdullaahi oo kooxda Barnaamijka daadihinayay ka midka ahaa, ayaa yiri “ Ol-oleyaasha liddiga ku ah arrimaha Burcad-Badeedda ee ay wadaan ururro Maxalli ah iyo kuwo Qalaad intaba, waxay ka gaabsadeen ka hadalka Dhibaatada deegaanka loo geysto ee ay u geystaan Qawleysato isku xiran oo caalami ah. “ Waa Caddaalad darro in Baddeena la Sumeeyo, oo aan cidina ka hadlin, waa Caddaaladdarro in Kalluunkeena la xaalufiyay oo aan cidina ka hadlin,waxaan maalin kasta akhrinaa warar sheegaya Maraakiib hor leh oo Soomaaliya u socota si ay Burcad-Badeedda ula dagaalamaan, ayadoo xitaa hadda aanay Burcad-Badeed jirin”. Maxay ku dhacday arrintaan ayuu is weydiiyey, Yuusuf?

Dadkii doodad ka qayb galay waxay isku raaceen in Burcad-Badeednimadu tahay shay xun oo khatar leh waayo dad aan waxba galabsan iyo Maraakiib ayaa layska qabsan si Madaxfurasho looga qaato. Waxaa taas ka Khatarsan in Dhalinyaro badan ayaa Badda ku dhammaaday kuwo kale oo badanna waxaa lagu xir xiray Dunida dacalladeeda, sidaa waxaa yiri mid ka mid ah ka qaybgaleyaasha dooda .

Mar ay ka jawaabayeen Su’aalo la xiriiray sababta keentay hoos u dhaca ku yimid falalkii Burcad-Badeedda Sanooyinkan dambe, ayay yiraahdeen “waxaa u sabab ah, Hogo tusaalayn iyo Wacyigalin badan oo la sameeyay, taasoo bulshada ku yeelatay saamayn wanaagsan.

Khaliif Xalane ayaa yiri “Bil ka hor waxaa Hobyo ahayd goob Burcad Badeedda lagu xaman jiray in ay hooy u tahay waxaa kusoo caariyay Markab Xamuul ah oo Shidaalkii goostay, waxaa dhacday dadkii Hobyo ku noolaa in ay Markabkaas Shidaal Bilaash ah siiyeen, waa horumar aan wali la sheegin”.

Waxay Dhallinyardu ku taliyeen in la sameeyo olole Waalidiinta lagu barayo sidii ay caruurytooda uga celin lahaayeen ku biiridda Burcad-Badeedda. Waxay si la mid ah sidaas ku taliyeen in waalidka la baro sidii ay ula Macaamili lahaayeen ilmahooda hadda ka hor Burcad-Badeedda ka mid ka noqday. Waxay yiraahdeen arrintaasi, waxay qayb ka qaadanaysaa dib u Dhexgalka dadkaan ay Bulshada mar kale dib u dhex galayaan. Dr. Cabdicasiis Dhagaqool oo ah Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha iyo Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “si aan khayraadka dalkeena iyo sumcaddeenaba u difaacno, uguna difaacno si sharci ah, waa in da’yarta wax baratay ay ku biiraan ciidanka Badda Soomaaliya”.

Waxaaa kulankaan ka hadlay oo goob joog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Qalloocoow, Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha iyo Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdicasiis Dhagaqool iyo Xoghayaha Guud ee ururka Haweenka Qaranka, Marwo Canab Maxamed Cosoble. Waxayna dhammaantood Dhallinyarada ku guubaabiyeen in ay wadaan diidmada ay diidan yihiin Burcad-Badeednimada..

Xarunta Macluumaadka ee Ka hortagga Burcad-Badeedda Soomaaliya

PRESS RELEASE

SAPIC TOWN HALL MEETING “YOUTH SPEAKS”

The Somali Anti-Piracy Information Center (SAPIC) in collaboration with the Somali National Youth Council convened for a roundtable discussion where youth deliberated piracy activities and its effects on the Somali people. Discussions were facilitated by a panel of five young graduates who described piracy “as equal to on-shore robbery”. Ayan Mohamed Abdullahi from SIMAD University underlined piracy activities brought high inflation on fuel, cars, furniture and properties. “It caused a complete instability in the Somalia economy to the extent that millions of households were unable to buy decent furniture, let alone other secondary items due to increased prices; it further brought horrific chaos in the social lines contributing to the collapse of many established families who were perhaps well-off before piracy arrived to our country”.

Among the panel was also Mr. Yusuf Abdullahi who said anti-piracy information campaigns undertook by various local and international organizations almost over-looked the environmental pollution caused by international mafia networks on the Somali waters. “It is unfair that the international community and our own local organizations are over-emphasizing piracy activities at the expense of looming environmental challenges in Somalia; our seas are polluted, no one is talking about it, our fish is over extracted, no one is talking about it, and even with the decline in current piracy activities, we read new warships arriving Somalia to combat piracy, Why?” Yusuf asked.

During the roundtable discussion, participants unanimously agreed that piracy is evil and dangerous; evil in the sense that innocent travelers and goods were taken and never freed until ransom money is paid; it was dangerous at the same time as many young people perished in the high seas while others were jailed in various parts of the world.

Responding to questions regarding reasons for decrease in piracy over the past few years, participants believed it was due to increased information dissemination which had a significant positive change on the society in former pirate hotspots. Khalif Halane, a youth participant from Mogadishu University said “a month ago, cargo ship run short of fuel along the coast of Hobyo where residents provided the ship with free fuel. This was a generous contribution from Hobyo residents, a town once known synonymous with piracy”.

Looking forward, the roundtable discussion recommended that increased parental education is key for stopping potential recruits. The same was also required to rehabilitate and reintegrate former pirates into the society. The panel and participants further wanted government to take the lead in all efforts geared towards the fight against the piracy. However, Dr. Abdulaziz Dhagaqool, Director of Public Relations from the department of Social Affiars at the Office of the Prime Minister said “in order for us to protect our natural resources and deny pirates to damage our reputation, young graduates should join the Somali Navy. In this way, we could protect our wealth and image legally” he added.

The event was graced by Mr. Qallocow, Deputy Minister for National Planning, Abdulaziz Dhagaqol, director of public relations and social affairs from the Office of the Prime Minister and Anab Mohamed Osoble, Secretary General for the National Women Organization. All encouraged young people to continue denouncing piracy.

The Somali Anti-Piracy Information Center (SAPIC)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.