Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in uusan jirin Khilaaf kala Dhaxeeya Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed oo Magaalada Brigimham ee Dalka Ingiriiska kula kulmay Jaaliyadda Soomaalida ayaa kulankaas ka sheegay in sanadkan 2014ka inta uusan dhamaan Shabaab guud ahaan Dalka laga saari doono meelaha ay kaga sugan yihiin.

Ra’iisulwasaaraha oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaa ka jeediyay ayaa sheegey in ay bilowdeen hawlgaladii ugu horeeyay ee Shabaab dalka looga saarayo haatana hawlahaasi meel fiican ay marayaan isagoona raja wanaagsan ka muujiyay in inta aan la gaarin Sanadka 2015ka ay guud ahaan dalka ka saaraayaan Shabaab waa siduu hadlka u dhigaye.
image
Mar uu Ra’iisulwasaaruhu ka hadlay khilaaf muddooyinkii dambe si weyn saxaafaddu wax uga qoreysey inuu u dhaxeeyo isaga iyo Madaxweynaha ayuu arrintaas meesha ka saaray isagoona yiri kala aragti duwanaansho dhinaca fikirka waa dhici kartaa laakiin uusan jirin khilaaf isna khilaafi doonin isaga iyo madaxweynaha“Neefka sidan ha loo raro iyo maya sidan ha loo raro” waa la isku khilaafi karaa ayuu yiri laakiin gebi ahaanba uusan jirin wax khilaaf isla markaana isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dalka dib u dhis looga samayn lahaa.

******
Wararka kale ee Soomaaliya hoos ka akhri

*********

Booqashadii Xasan Shiikh ee Kismaayo oo si weyn loo dhaleeceeyay

Iyadoo maalintii shalay Magaalada Kismaayoee Gobolka jubada Hoose uu gaaray Madaxweynaha Somaliya isla markaana halkaa uu ka furay shirka dib u heshiisiinta ayaa waxaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Nabaddoon Shiikh Axmed Ibraahim oo ka tirsan Odoyaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo Warbaahinta waraysi siiyay ayaa ku tilmaamay booqashada Madaxweynaha ee Gobolkaas inay tahay mid aan habooneyn xiligan.

Nabadoonka ayaa ku sheegay safarka Madaxweynaha ee Magaalada Kismaayo mid uu kula safanayowaa siduu hadalka u yiriye Hoggaamiye Kooxeed taasna aan loo baahnayn Nin madaxweyne Qaran ah inuu la safto Qabiil.Nabaddoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in shirka uu furay Madaxweynuhu inuu yahay mid aysan u dhamayn Beelaha Gobolkaas dega isla markaana dhankooda ay u arkaan khalad ka mid ah Khaladaadka uu galayo Madaxweynaha Soomaaliya.

********

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dadka Cabashada qaba waa in la soo Dhaweeyo shirkana lagu soo biiriyo”

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay furayey shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ee Magaalada Kismaayo Shirweynaha waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socdey Beesha caalamka. Shirkan oo ay hormood ka tahay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka una matalayaan 13 xubnood oo isugu jira Saraakiisha sarsare ee Wasaarada iyo Gudiga dib-u-heshiisiinta Qaran. Xubnaha wasaaradda ka socda waxa uu waajibkoodu yahay in ay hubiyaan habsami u socodka shirwaynaha iyo in uu noqdo mid loo dhan yahay.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka ayaa marka hore u mahad-celiyey ergooyinkii shirka ka soo qeyb-galay iyo maamulka KMG.Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo Cabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, Mamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso”

*********

Maamulka Degmada Wadajir oo baaq u diray Dadka Hubka ku haysta Degmadaas.

Guddoomiyaha Maamulka Wadajir oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay Hawl gal Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom maalintii shalay ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdulle Afrax oo Xafiiskiisa kula hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa u sheegay in hawl galkaasi uu ahaa mid lagu xajiinayo ammaanka Degmada oo uu sheegay in ay ka mid tahay Degmooyinka ugu ammaanka badan magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa qiray in hawlgalkii shalay lagu soo qabtay Hub iyo dad si sharcidarra ah halkaas Hubka ugu haystay isagoona sheegay in sharciga la hor geyn doono.Guddoomiye Afrax ayaa ug baaqay Dadka Hubka ku haysta Degmadaas in ay isa soo diiwaangaliyaan soona sheegaan Hubka ay haystaan iyo sababaha ay u haystaan isagoo u digay Dadka aan isa soo diiwaan galin in Hub ka dhigis lagu samayn doono.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.