Home » Warar »

Dowladda Kenya oo sheegtey in Laba Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay New-York kana wada hadli doonaan Muranka Badda

Amina Maxamed Jibriil oo ah Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya ayaa u sheegtay Wargeyska Sunday Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya in kulan deg deg ah oo ku saabsan muranka ay Dowladu Kenya Sheegtey in uu ka jiro Xuduud-Biyoodka ee Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxaana uu Kulankaas Dhex mari doonaa Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay tilmaantay Haweeneydaas Madaxda ka ah Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya in la qorsheeyay in kulankaasi oo ah mid Fool-ka-Fool ah uu ka dhaco Magaalada New York ee dalkaasi Mareykanka.

Waxayna intaasi ku dartay inay rajeynayaan in khilaafka Xuduudaha Badda ay wadaagaan labada Dal xalkiisa la gaaro iyadoon la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey taasoo ay Dowladda Soomaaliya u gudbisay si ay u soo farageliso. Amina Maxamed Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya waxa ay xustay in kulanka labada Hoggaamiye aanu ahayn mid gaar u ah hase ahaatee ay isku arkayaan shir-madaxeedka sanadlaha ah ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada /Midoobey . oo Bishan dabyaaqadeeda lagu wado in uu ka dhaco xarunta New York.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda dawladda federaalka soomaliya oo Voa wax ka weydiisey kulankaas ayaa sheegay in uusan arrintaas wax ka ogeyn balse uu ka maqlay warbaahinta Kenya, hase yeeshee markasta diyaar u yihiin wadahadal

*****

Wararka kale ee maanta hoos ka akhri
*******

Madoobe Nuunow oo shirka Baydhabo ku sheegay mid Ummadda lagu jah wareerinayo

Iyadoo maalintii shalay Magaalada Baydhabo laga furay Shir-weyne loogu magacdaray dib u heshiisiinta ayaa waxaa arrintaa ka hadlay sawir kalena ka muujiyay Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed qaybtiisa Lixda Gobol. Madoobe Nuunow oo waraysi siiyay Warbaahinta Maxaliga ayaa ugu horeynba dafiray Shirkaas isagoona sheegay in shirkaasi uu yahay mid aan loo dhamayn isla markaana aan lagu sheegi Karin shir dib u heshiisineed.Hoggaamiyahan ayaa ku adkaystay Mowqifkiisii hore ee ahaa inaysan marnaba aqoonsanayn shir dib u heshiisiin ah oo Baydhaba ka dhacaya marnabana aysan ka qayb galeyn maadaama uu shirku yahay mid aan tarjumeyn shacabka Gobolada Koofureed .Shirkan ayaa waxaa uu ku sheegay in markiisii hore uu ahaa mid loogu magicdaray shir dib u heshiisiin oo loo qabanayo Odoyaasha Dhaqanka hase yeeshee markii dambe loo bedelay shir maamul loogu dhisayo Gobolada Koofur Galbeed.

*******

Col. Barre Aadan Shire oo ka digay in wax laga beddelo Shirka dib u heshiisiinta Jubba.

Col, Barre Hiiraale oo dhawaan heshiis la galay Maamulka Axmed Madoobe ee Jubba ayaa markii u horeeyay ka hadlay arrimaha Shirkaas.Hiiraale ayaa sheegay in shirkaas lagu salanayo heshiiskii uu hore ula saxiixday Maamulka halkaa ka arrimiya iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya taasoo lagu balamay in horraanta Bisha Oktoobar ee soo socota Shirku uu ka furmo Magaalada Kismaayo.Col. Hiiraale ayaa intaa ku daray inay soconayaan dhaq dhaqaaqyo wax looga bedelayo shirkaas isla markaana ay dabada ka riixayaan Urur Goboleedka IGAD iyo Maamulka Axmed Madoobe kuwaasoo sida uu sheegay wax ka bedelay xiligii la isku ogaa in shirku dhaco soona hor mariyay.Hoggaamiyahan ayaa sheegay in la doonayo in shirka la qabto Lix iyo Tobanka Bishan kaasoo si weyn wax looga bedelay lana soo hor mariyay isagoona ka digay in heshiiskii hore loo galay wax laga bedelo. Shirkana xiligii lagu balamay aan waxba laga bedelin. Barre hiiraale ayaa ku tilmaamay wax ka bedelidda shirka xiligiisa laga soo hormariyo ama wax laga bedelo ay horseedi karto caqabado hopr leh oo mar kale soo baxa.

*******

Boliiska Mombasa ee Dalka Kenya oo Weerar ku qaaday Guri ku yaala Magaaladaas kuna dilay Hal Ruux.

Sida uu qoray wargayska Kenya ka soo baxa ee the Standard Ciidanka Boliiska ee Magaalo Xeebeedka Mombass ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday Guri ku yaala magaaladaas oo sida uu Boliisku xog ku heleen ay ku sugnaayeen Rag lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen Weeraradii ka dhacay Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.Wargayskaoo soo xigtayBoliiska Magaaladaas ayaa sheegay in weerarkaas uu ku dhintay Nin lagu magacaabi jiray Idiris Maxamed halka Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaano Cilramana uu faro ciddiyo leh ku baxsaday.Boliiska ayaa Ninkan la dilay ku eedeeyay inuu ka qayb qaatay dhowr weerar oo bBmbooyinka gacanta laga tuuro ah oo ku weerar galay halka Cabdulqaadirna ay ku sheegeen inuu ahaa Maskaxdii ka dambaysey weerarkii lagu qaaday West Gate.Boliiska ayaa weer gaadma ah ku qaaday Guri ay Bar tilmaameedsanayeen iyagoo halkaasna ku dilay ninka ay magaciisa ku sheegeen Idiris oo ay ku tilmaameen inuu xiriir la lahaa Xarakada Shabaab oo dhowr weerar ka gaystay gudaha dalkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.