Home » Warar »

Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Gedo oo lagu eedeynayo Tacadiyo ay halkaas ka gaystaan

Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Keny ay xad gudubyo ka gaystaan degaano hoos yimaada Degmadaas.
image
Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Diyaaradaha Ciidamada Kenya ay duqeyn dhinaca Cirka ah u gaystaan Goobaha ay Dadku Biyaha ka cabbaan ama Ceelasha iyagoo mar marsiinyo ka dhiganaya inay garacayaan ama Duqeynayaan Shabaab.Degaanada ay Duqeeyeen Ciidamada Kenya ayaa Guddoomiye Yuusuf ka tilmaamay Degaanka Khadiijo ee hoos yimaada degmada Beled Xaawo halkaasoo uu sheegay in dad iyo Duunyaba ay ku dileen.

Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta tacadiyada Ciidanka Kenya ay ka gaysanayaan gudaha Gobolka Gedo ee Koofurta Galbeed ee Soomaaliya. Eedeyntan ayaa imaanaysa xilli Gobolkaas uu ka taagan yahay Jah wareer Abaaro taasoo xoolaha iyo dadkuba ay guur guur iyo geeddi ay kaga tagayaan degaanadii ay ku sugnaayeen.

Wararka kale ee soomaaliya hoos ka akhri

********

Maamulka Puntland oo Mamnuucay ka Ganacsiga Hubka iyo soo Dajintiisaba.

Afhayeenka XafiiskaHoggaamiyaha Maamulka Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Puntland uu gebi ahaanba mamnuucay ka Ganacsiga Hubka iyo soo dajintiisaba.Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in uu soo baxay sharci ka mamnuucaya degaanada uu maamulkaasi ka arrimyo in Hub lagu Iibiyo ama laga soo dajiyo dekadaha maamulkaas ku yaala.Afhayeenka ayaa sheegay in falalka amni darro eek a dhaca degaanada uu maamulkaasi ka arrimiyo in uu keenayo Hubka oo qof kasta si sahal ah ku helayo sidaa darteedna si looga hor tago arrintaa la joojiyay gebi ahaanba Isticmaalka Hubka uu ku sheegay sharci darada ah.Cabdullaahi Afhayeenkan ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaalida in ay joojiyaan gadista hubka isla markaana aan la soo dajin Karin Hub ciddii lagu helana la Maxkamadayn doono.

******

Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaadday in Hal Milyan oo Soomaali ah ay hayso Abaaro

Xillii maalintii shalay qayla dhaan ay ka soo yeertay Qaramada Midoobay isla markaana ay sheegtay in Xaaladda Biya la’aaneed iyo Abaaraha ka jira Gobolada Koofurta Soomaaliya ayaa wararka ka imaanaya Gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in Degmooyin Gobolkaas ka tirsan ay Xaaladdu ay tahay mid aad u adag.Nabadoono iyo waxgarad ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo waramay in Xaalad Biya la’aan aad u daran xiligan ay ka jirto degaano dhaca dhinaca Miyga ay xoolihii qaarkood ay bilaabeen inay Ruqdaan gaarina waayaan meelaha ugu dhow Biyo.Ka sokow qayla dhaanta ka soo yeereysa Gobolka Gedo waxaa jirta iyaduna Mas’uuliyiinta Gobolka Bakool oo sheegay in ay jiraan Dad harraadugu dhintay qaybo ka mid ah Gobolka Bakool. Cabdirisaaq Cawad Guddoomiyaha Degmada Ceel barde ayaa dhankiisa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto guud ahaan Gobolka Bakool oo sida uu sheegay la soo gaarsiiyay qof harraad dartii u dhintay.

*****

Maxkamad ku taala Dalka India oo dalabtay in la sii daayo Muwaadiniin Hindi ah oo u Afduuban Kooxha Burcad Badeedda Soomaalida.

Sanadkii 2010kii ayaa Markab lagu magacaabo MV Oskar oo laga leeyahay Dalka India ayaa waxaa lagu afduubtay Xeebaha Dalka Soomaaliya kaddib markii Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ay weerar ku qaadeen Markabkaas. Markabkaas ayaa hore loo sii daayay wada hadal dheer kaddib hase yeeshee Burcadda ayaa la hartay Todoba ka mid ahaa Shaqaalihii Markabkaas oo sida la sheegay ay ku gorgortamayeen Lacago Madax Furasha oo dheeraad ah.Todobadan Muwaadin oo u dhashay Dalka India ayaa muddo Afar Sana ah u afduubaan Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida kuwaasoo ka doonaya Lacago Madax Furasha ah. Maxkamad ku taala dalka India ayaa amartay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Muwaadiniintaas u dhalatay Dalka India iyadoona la sheegay in Todobadaas Shaqaalaha Hindida ah qaarkood iminka Xaaladoodu Caafimaad aanay wanaagsanayn.Maxkamadda ayaa sheegtay in la haystayaashaas Xeebaha Soomaaliya laga afduubay 29kii September Sanadkii 2010kii kuwaasoo weli gacanta ugu jira Kooxdii a duubatay looguna baaqay in ay sii daayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.